Guddoomiyaha baarlamaanka Kenya: "Waxaa isoo korisay hooyo Soomaaliyeed"

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Guddoomiyaha Baarlamanka Kenya Moses Watengula ayaa dhowaanahan aad uga hadlayay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya, xilli uu ka qeyb galayay munaasabado kala duwan.
Waxa uu gaar ahaan Moses ka sheekeeyaa qisada noloshiisa markii uu yaraa, iyo sida uu mar walba abaal ugu hayo bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.
Siyaasigan caanka ah ee muddada dheer kusoo jiray siyaasadda Kenya, ayaa mar walba amaman iyo bogaadin u jeediya hooyo Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu gacanteeda ku soo koray markii uu yaraa, taasi oo ahayd ganacasato iyo qof wax weyn ku soo kordhisay deegaanka uu ka yimid ee Bungoma oo ka tirsan gobolka Galbeed ee Kenya.
Shir ay dhowaan lahaayeen xoolo-dhaqatada oo ay kasoo qeyb-galeen xoolo-dhaqatada gobolka Waqooyi Bari Kenya oo uu ka hadlay ayuu ku wargaliyay Soomaalida goobjoogga u ahayd in korriimadiisa ay qayb weyn ka ahayd hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mama Xirsi, taasoo uu sheegay inay caan ka tahay halka uu ka yimid.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
''Waxaan ka imid Bungoma, waxaan kusoo koray gacmaha haweeneey Soomaali ah, oo lagu magacaabo hooyo Xirsi, waa Isaaq, kuwiinna Soomaalida ah, waana qof guulaystay oo ku guulaystay ganacsiga Bungoma, haddii aad timaaddo magaaladaasi weyn ee Bungoma, kala bar hantida maguurtada ee magaaladaasi waxaa iska leh Mama Xirsi iyo carruurteeda, waana ku faanaa, waayo waa mid naga mid ah."
Moses Watengula ma aha munaasabaddii ugu horraysay ee ammaanta uu ugu jeediyo hooyada Soomaaliyeed ee uu sheegay inay soo korisay iyo guud ahaan bulshada Soomaalida.
Marar kala duwan ayuu sidaas oo kale ammaan ugu soo jeediyay isla Mama Xirsi.
Munaasabad kale oo uu ka qayb galay oo ay goob joog ka ahaayeen Soomaali badan ayuu ka sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay bulshada Soomaaliyeed, markii uu yaraa iyo sidoo kale inta uu siyaasadda ku jiro.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
"Aniga yaraantaydii iyo intii aan shaqeynayay, waxaan si dhow ula shaqeynayay bulshada Soomaalida. Deegaanka aan ka soo jeedo, Bungoma, waxaa jirta hooyo la yiraahdo Mama Xirsi, waxay ka soo jeeddaa bulshadiinna, iyada ayaa halkaas nagu korisay. Waa ganacsato, waxay naga dhiibi jirtay lacagta iskuulka, waxay quudisaa qoysaska danyarta ah, waxay noqotay qof annaga naga mid ah," ayuu yiri.
Moses ayaa intaa raaciyay inay jiraan dad kala qeybsanaan ka dhex abuuraya gudaha bulshooyinka Kenya, isla markaana hadallo aan habbooneyn ka sheegaya gaar ahaan Soomaalida.
"Markaas waxaad arkeysaa qof caayaya bulshadiinna Soomaaliyeed oo wuxuu leeyahay adinka waxaad tihiin al-Shabaab, waxaa uu jeedinayaa hadallo kala qeybsanaan abuuraya." Ayuu yiri.
Wetangula ayaa ka hadlaya Aamina Xirsi Mooge, oo ah ganacsato guuleysatay oo dunida laga yaqaanno, isla markaana ka mid ah dadka ugu taajirsan dalka Uganda oo ay deggan tahay.
Waa tuma Aamina Xirsi Mooge?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Asal ahaan waxa ay ku dhalatay dalka Kenya, degmada Bungoma, halkaas oo ay qoyskooda degenaayeen, ganacsiyana ku lahaayeen ka hor intii aysan u wareegin dalka Uganda.
Waa haweenay Soomaali ah oo tusaale wanaagsan u ah guulaha ay nolosha ka gaari karaan dumarka Soomaaliyeed, magaceedu waa Aamino Xirsi Mooge.
Haatan waxay ku nooshahay dalka Uganda, halkaas oo ay ka mid tahay dadka ugu taajirsan.
Sanadkii 2018 mar ay koox ka socotay BBC Somali ku booqatay magaalada Kampla ayay Aamina uga sheekeysay nolosheeda.
Mar la weeydiiyay qaabka ay ganacsiga ku biloowday waxa ay tiri "Ganacsi bay hooyadeed lahayd, waxaan ka billaabay dukaan masaabiirta iyo qalabka dhismaha lagu iibiyo, hormarka aan maanta gaaray, hadda ma uusan bilaabanin, wuxuu soo biloowday illaa maalinkii aan 9 sano jir ahaa".
Laga soo billaabo maalintii ay 9 sano jir ahayd illaa maanta oo ay 70 jir tahay gadaal ma aysan eegin, waxayna isku guntaysay dun kasta si ay u gaarto heerka ugu sareeya, waxayna beenteysay fikir kasta oo laga qabay guulaha ay dumarka nolosha ka gaari karaan. ''Yaa yiri dumarka heer ma gaari karaan?'', ayay is weydiisay.
Ganacsiga bullaalay

Xigashada Sawirka, AMINA HERSI
Waxa ay leedahay dhismaha weyn ee laga dukaamaysto ee ka mid ah astaamaha muuqda ee ay markiiba ishu qabato ee magaalada Kampala ee Oasis, waxa kale oo ay leedahay guryo waaweyn iyo hoteel casri ah , balse sheekadeeda halkaasi kuma eka.
Ganacsigeeda waxa uu ku faafay caasimad illaa heer tuulo, waxayna tuulada Atiak oo ku taala meel u dhow xudduuda Uganda iyo Suudaanta Koonfureed ka dhisaysaa warshad weyn oo ay ku kacaysa lacag dhan $120 milyan oo doolar.
Aamina Xirsi waxa ay aad uga mahad sheeganaysaa dowladda Uganda, waxaana xafiiskeeda u yaala sawir muujinaya iyada iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxa ay tiri "Uganda waxa ay gacan igu siisay in ay dadka arkaan waxaan samayn karo, maanta aniga oo gabadh Soomaaliyeed ah haddii aan Soomaaliya joogi lahaa, la iima ogolaadeen waxa halkan iiga qabsoomay".
Aamino dumarka Soomaaliyeed waxa ay u heysaa talo wax ku ool ah "Haddii aad doonaysid in isbadal dhoco waa in uu adiga kaa biloowmaa, gaar ahaan haddii aad tahay dumar". Ayay tiri.
Waa kuma Moses Wetangula?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Moses M. Wetang'ula waa guddoomiyaha siddeedaad ee baarlamaanka Kenya, isagoo xolka qabtay 8 September 2022.
Muddo 40 sano ah ayuu ku jiray siyaasadda Kenya, isagoo xilkiisii ugu horreeyay ee dowladda ka bilaabay Garsoorka sanadkii 1982.
Xirfaddiisa siyaasadeed ayuu bilaabay sanadkii 1993 markii uu ka mid noqday baarlamaanka 7aad (1993-1997). Intii u dhaxeysay sanadihii 2013-2022 wuxuu ahaa sanatarka magaalada Bungoma ee uu kusoo koray.
Intii ka horreysay sanadkii 2013, guddoomiyaha wuxuu qabtay dhowr xilal wasiir. Intii u dhaxeysay 2011 iyi 2013, wuxuu Wetangula ahaa wasiirka ganacsiga.
Intii u dhaxeysay 2004 iyo 2007 wuxuu ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda kahor intaan laga dhigin wasiirka arrimaha dibadda, xilkaas oo uu hayay ilaa 2011.













