Wasiir Aadan Ducaale: “Qaabkii xilka la iiga qaaday 22 daqiiqo gudahood”

Xigashada Sawirka, Facebook/ Aden Duale
Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa buug cusub oo maanta la soo bandhigay kaasoo uu ka qoray dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka soo maray siyaasadda, waxa uu uga warramay qaabkii looga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.
Kulan ay 22-kii June 2020 Nairobi ku yeesheen xildhibaannadii xisbigii talada hayay ee Jubilee oo uu shir guddoominayay Uhuru Kenyatta, ayaa lagu go’aamiyay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka laga qaado Aadan Ducaale oo kamid ahaa saaxiibbada ugu dhaw ee William Ruto, madaxweynaha hadda xilka haya ee Kenya.
Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisii xilligaas William Ruto ayaa waxaa u dhexeeyay khilaaf salka ku hayay heshiiskii uu March 2018 madaxweynaha la gaaray Raila Odinga oo diiddanaa natiijada doorashadii dhacday 2017.
“Uhuru Kenyatta ayaa xildhibaannada Jubilee la hadlayay muddo 22 daqiiqo ah, kadibna waxaa la iga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo aan ahaa mas’uulkii ugu horreeyay ee loo doorto kaasoo aan ku shaqeynayay ku dhawaad 8 sano,” ayuu buuggiisa For the Record ku sheegay wasiir Aadan Ducaale.
Waxa uu si weyn u dhaliilay Madaxweynihii hore oo ku tilmaamay nin doonayay in uu ku diro saaxiibkii ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen haatanna ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
“Muddo 45 daqiiqo ayuu Uhuru Kenyatta ila hadlayay oo uu rabay in uu igu qanciyo in aan ka haro William Ruto oo uu ku tilmaamay nin xun. Uhuru waxa uu xilalka xisbiga talada haya ee Aqalka Sare ka qaaday dhammaan siyaasiyiintii taabacsanaa Ruto,” ayuu Ducaale ku sheegay buugga.
Waxa uu intaa raaciyay in uu ka diiday dalabkaas Madaxweynihii hore, isagoo ku dooday in Ruto uu soo gacan qabtay isla markaana uu sabab u ahaa inuu noqdo hogaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka.
“Waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan xilka ka tago halkii aan khiyaani lahaa saaxiibkay Ruto. Waxaa muhiim ah in aad garab istaagto saaxiibkaa marka uu u baahan yahay taageeradaada,” ayuu Ducaale u sheegay telefishinka Citizen oo uu warramay.

Xigashada Sawirka, Facebook/ Aden Duale
Markii uu ka codeeyay Ruto
Wasiir Aadan Ducaale ayaa buuggiisa ku sheegay in ay jirtay mar uu ka xarig furtay saaxiibkii William Ruto. Waxa ay ahayd 4-tii August 2010 oo ay shacabka Kenya u codeynayeen aftida dastuur cusub.
“Saaxiibkay William Ruto waxa uu xilligaa diidanaa in la meelmariyo dastuurka. Anigu waxa aan u arkayay mid u wanaagsan Soomaalida, Muslimiinta iyo xoolo dhaqatada dalka, gaar ahaan dhinaca maamul daadejinta. Waxa aan [Ruto] u sheegay in aan taageeri doono ansixinta dastuurka cusub ee uu diiddanaa xilligaas, waana isku fahannay arrinkaa,” ayuu Ducaale u sheegay telefishinka Citizen.
Shacabka Kenya ayaa aftidaas ku ansixiyay dastuurka oo ah kan haatan uu ku dhaqmo dalka, waxaana sidaa looga guulaystay garabkii uu ka tirsanaa Ruto ee diidanaa ansixinta.
Qaabka uu Ducaale kula wareegi karo hoggaanka Kenya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiir Aadan Ducaale ayaa waraysiga uu siiyay telefishinka Citizen ku sheegay in muddo dheer uu doonayay in Kenya ay noqoto waddan lagu xukumo hannaanka baarlamaaniga ah ee ku salaysan xisbiyada badan.
“Waxaan aad u taageersanahay in Kenya ay qaadato nidaamka baarlamaaniga ah ee uu xisbiga ugu codadka badan soo xusho ra’iisal wasaaraha dalka hogaaminaya. Nidaamka madaxweynaha waxa uu caqabad ku yahay amniga qaranka dalkeena, waayo doorasho kasta oo madaxtinnimo waxaa ka dhasha qalalaaso iyo rabshado,” ayuu yiri wasiirka.
Waxa uu ku dooday in haddii Kenya laga hirgeliyo nidaamkaas ay fursad heli doonaan dad badan oo uu kamid yahay, isla markaana ay qowmiyadaha kale awooddi doonaan in ay xukunka ugu sarreeya ka qabtaan dalka.
“Siyaasiga xoolo dhaqatada ah waxa u fursad u heli karaa in xisbigiisa uu u doorto hogaanka ugu sarreeya dalka, waana qaabka keliya ee lagu xaqiijin karo in dhammaan qowmiyadaha Kenya ay fursad u helaan hogaaminta dalka,” ayuu yiri Ducaale.













