Waa kuma xildhibaanka ay is haystaan Aadan Barre Ducaale?

Xigashada Sawirka, Baarlamaanka Kenya iyo Aadan Barre
- Author, Abdikadir Yussuf Ali
- Role, Multimedia Broadcast Journalist(BBC)
Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya maalmahaan isugu jawaabay xildhibaan laga soo doorto bariga magaalada Mumias oo lagu magcaabo Peter Salasya iyo Aadan Barre Ducaale oo dhowaan loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga Kenya.
Isu-jawaabidda labada mas’uul ayaa billowday markii Peter Salasya oo markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan uu sheegay hadal baraha bulshada maad ka dhaliyay.
Waxaa la faafiyay muuqaal uu baarlamaanka ka hadlayo xildhibaanka, isagoo ku-xigeenka baarlamaanka Kenya, Gladys Shollei ku oranaya hadal Soomaali ahaan u tarjunmaya “marwo afhayeen, mudane”.
Dad badan ayaa ku maadeysanayay hadalkaas, balse waxay xaaladda sii adkaatay markii uu Aadan Barre Ducaale bartiisa ku wadaagay muuqaalka xildhibaan Salasya, uuna ku soo dul qoray:
"Waxaan ma dhab baa? Ma noqon karo Aqalka Baarlamaanka Agoosto. Alle ha caawiyo.”

Xigashada Sawirka, Parliament
Xildhibaanka ayaa markiiba u soo jawaabay Ducaale waxa uuna yiri:
"Aadan Ducaale, oo loo magacaabay Wasiir, ayaa hadda i dhaleeceynaya, oo ii sheegaya sida aan kaftanlow u ahay."
“Waxaan ku eegayay markaad oranaysay 'waxa ugu horreeya waa in ciidamada KDF laga soo saaro Soomaaliya'. Runtii dalkaan dhibaato hor leh ayaad ku soo kordhineysaa, uma qalantid inaad noqoto Wasiirka Difaaca,” ayuu raaciyay.
Dhanka kale, Ducaale ayaa shalay oo Khamiis ahayd bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “in markii horeba ay ahayd in aanba laguu dooran xildhibaan.”
Aadan Barre wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo ay marxalado badan isla soo mareen.

Xigashada Sawirka, AADAN DUCAALE
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii la ansixiyo, Ducaale waxa uu beddeli doonaa Eugine Wamalwa, oo xilkaas hayay tan iyo 30-kii bishii Sebteembar ee sanadkii la soo dhaafay.
Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Soomaali ah oo qabta xilkan awoodda badan, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Muwai Kibaki.
Waxa uu Xaaji wasaaraddan maamulayay intii u dhaxeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013.
Aadan Ducaale ayaa ku khasbanaan doona in uu iska casilo kursiga xildhibaannimada ee uu ku matalo degmada Garissa Township. Waa qodob dastuuri ah in mas’uulka wasiir noqda uu banneeyo kursiga baarlamaanka.
Golaha cusub ee wasiirrada ayaa sugaya ansixinta Baarlamaanka.
Waa kuma xildhibaan Peter Salasya?
Xildhibaan Salasya oo markii ugu horreysay la soo doortay waxa uu noqday xildhibaan ay dad badan oo Kenyan ah yaqaannaan oo kasbaday quluubtooda kaddib wareysiyo xamaasad leh oo warbaahinta uu siiyay ka hor intii aan la dooran.
Waxa uu jaamacadda Egerton ee dalka Kenya ka baxay sanadkii 2014.
Wuxuu ku biiray baarlamaanka kaddib doorashadii guud ee Agoosto 9, 2022.
Waxa uu dhashay Jannaayo 15, 1989. Waxaa la dhashay toddobo carruur ah.










