Muxuu filayaa siyaasiga Soomaaliga ah ee meel walba la galay Ruto si uu madaxweyne u noqdo?

Aadan Barre, Uhuru Kenyata iyo William Ruto

Xigashada Sawirka, Aadan Barre/Facebook

Waxaa laga hayaa in uu hadda ka hor yiri “[xisbiga madaxweynaha la doortay] waa xisbi danteenna Soomaalida aan ku ilaashan karno iyo danta diinteenna, meel aan aniga ku jirana cadkeyga sidii aan u dhacsan lahaa waan ogsoonahay.”

Aadan Barre Ducaale waa siyaasi si aad ah uga dhex muuqday ololaha doorashada Kenya. Waa xildhibaan laga soo doorto deegaanka Gaarisa Township ee Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Wuxuu ka mid yahay mas’uuliyiinta farxadda kala hoyday xarunta dhaqanka Bomas oo saldhig u ahayd Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha Kenya, sidoo kalena ah halka looga dhawaaqay guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

“Waxaan dareemeynaa dowladdii aan u soo halgannay, [ololihii] aan sameynay, dadaalkii aan gelinnay, mirihiisa ayuu maanta dhalay. Alxamdulillaah,” ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyay BBC Soomaali.

Wuxuu intaa ku daray in halganka ay u soo galeen guusha uu dheeraa, ugu dambeyna uu xisbigooda UDA ku guuleystay 140 xildhibaan, 24 senator, dhowr iyo soddon guddoomiye-gobol iyo xilka ugu sarreeya ee madaxweynaha.

Xisbigooda waxaa lagu magacaabaa United Democratic Alliance (UDA). Wuxuu horay noogu sheegay xildhibaan Aadan inuu guddoomiye ku-xigeen u yahay xisbigaas oo uu hoggaamiyo madaxweynaha la doortay William Ruto.

Saaxiibtinnimada Aadan iyo Ruto

Aadan wuxuu sheegay in William Ruto uu yahay siyaasi ay wada socdeen muddo labaatan sano ah. Wuxuu madaxweynaha la doortay ku ammaanay inuu wax weyn ka soo beddelay siyaasadda Kenya.

“Ninkaan waa nin maddaaris, dugsiyo, jaamacadaha waddanka ee Islaamiga ah ila soo dhisay oo qaaraanka igala qeyb galayay. Marka waa nin aan isku dhow nahay,” ayuu si farxad leh u yiri.

Ducaale iyo Ruto

Xigashada Sawirka, Aden Duale

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu rajeynayaa in ay ka wada-shaqeyn doonaan qorsheyaal waxtar u yeelan kara danyarta, dhallinyaradana ay shaqaaleeyaan, isla markaana ay dhaqaalaha waddanka dib u soo celin doonaan. Wuxuu si gaar ah u xusay inay wax ku soo kordhin doonaan arrimaha caafimaadka, iyagoo abuuri doona ceymis qof kasta oo dalka u dhashay u sahlaya in haddii uu xanuunsado uu helo daawo iyo isbitaal lacag-la’aan ah.

Saaxiibtinnimadooda iyo qorshahooda siyaasadeed waxaa si gaar ah uga faa’ideysan doona sida uu tilmaamay gobolka uu ka soo jeedo ee Waqooyi-bari Kenya. Wuxuu si gaar ah u xusay in ay ka shaqeyn doonaan dhismaha waddo uu maalgeliyay Bankiga Adduunka oo ka soo billaabanaysa Maddoogaashe, Wajeer ilaa Mandheera.

Dilal uu sheegay in loo gaysto Soomaalida iyo dadka muslimiinta ah ee ku sugan Kenya iyo dadka la waayo oo ah arrimo lala xiriiriyo hay’adaha amniga ayuu sheegay in ay wax ka qaban doonaan, isla markaana ay sameyn doonaan guddi baaritaan ku soo sameeyo ‘tacaddiyo hore’ oo uu xusay in la gaystay.

Xil noocee ah ayuu Aadan Barre ka qaban doonaa dowladda Ruto?

Xildhibaan Aadan Barre wuxuu 2008 soo noqday wasiir ku-xigeenka xannaanada xoolaha, wuxuu sidoo kale soo ahaa guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka iyo guddoomiye ku-xigeenkii xisbiga ODM ee uu hoggaamin jiray Raila Odinga. Waxaan waydiinnay inuu dib ugu laabanayo xilka guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka mise uu doonayo xil kale.