BBC-da oo ku dhawaaqday inay la dagaallami doonto dacwadda sumcad-dilka Donald Trump, balse ma habboon tahay inay sidaasi samayso?

Xarunta BBC

Xigashada Sawirka, PA Media

    • Author, Katie Razzall
    • Role, Tifaftiraha Dhaqanka iyo saxaafadda

Sida iska cad, BBC-da waxaa horyaalla go'aan weyn oo ay qaadato. Haddii ay rajaynaysay in madaxweynaha Maraykanku uusan fulin doonin hanjabaaddii dacwadda, xaqiiqadu hadda way caddaatay.

Hadda arrintu waa in la qiimeeyo dhammaan fursadaha furan, balse calaamadaha hadda muuqda waxa ay sheegayaan in BBC-du qorshaynayso inay dacwadda ka dagaallanto.

"Waxaan iska difaaci doonnaa kiiskan," ayay BBC-du ku celisay, kaddib markii la gudbiyay dacwad $5 bilyan oo doolar ah oo u dhiganta (£3.7 bilyan) ah oo la xiriirta tafaftir lagu sameeyay khudbaddii Donald Trump ee 6-dii Janaayo 2021, taas oo lagu daray barnaamij dokumentari ah oo Panorama ah.

Laakiin maxay yihiin faa'iidooyinka iyo khasaaraha go'aankaas — mise BBC-du way beddeli doontaa mowqifkeeda?

Waxyaabaha togan ay BBC-du ka heli karto inay ka dagaallanto dacwadda

Dad badan oo ka tirsan BBC-da iyo kuwa ka baxsanba, ayaa ii sheegay in BBC-du ay khasab ku tahay inay dagaallanto. Waa inay difaacdaa saxaafaddeeda marka ay wajahdo madaxweyne si joogto ah u adeegsada dacwado sharci si uu u cabsi geliyo warbaahinta Maraykanka, sida ay qaar sheegaan.

Mid ka mid ah faa'iidooyinka — gaar ahaan haddii BBC-du ku kalsoon tahay inay guulaysan doonto — waa inay wajahdo Trump oo ay dunida tusiso inaysan ka baqayn madaxweynaha iyo hanjabaadihiisa malaayiinta iyo balaayiinta doollar ah.

Dhanka sharciga, BBC-du waxay rumaysan tahay inay ku taagan tahay sal adag.

Dacwadda Trump waxa ay u muuqataa inay ku dhisan tahay laba qodob oo waaweyn: xukun maxkamadeed iyo ula kac.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu dacwadda ka gudbiyay Florida, wuxuuna u baahan yahay inuu caddeeyo in daawadayaal ku sugan gobolka loo yaqaan Sunshine State ay arkeen barnaamijka Panorama, si loo muujiyo inay sumcad ahaan waxyeello uga soo gaartay.

Mid ka mid ah doodihiisa waa in daawadayaal ay u adeegsadeen shabakado gaar ah (VPNs). Xitaa haddii taasi run tahay, ma ku dhacday tiro ku filan oo keentay dhaawac sumcad? BBC-duna mas'uul maka noqon kartaa isticmaalka sharci-darrada ah ee adeegyadeeda?

Eedeymo la xiriira shirkad Canadian ah oo la yiraahdo Blue Ant Media, oo la sheegay inay dokumentariga ku qaybisay Maraykanka, ayaa noqon lahayd mid ka sii dhib badan haddii ay run noqoto.

Shirkaddu waxa ay xaqiijisay inay lahayd xuquuqda qaybinta, balse waxay sheegtay in "mid ka mid ah macaamiisheeda Maraykanka uusan baahin barnaamijka." Waxa ay intaas ku dartay in nooca caalamiga ah ee Panorama uusan xitaa ku jirin muuqaalka khudbadda Trump ee muranka dhalisay, maadaama barnaamijka meelo badan laga soo gaabiyay waqti awgiis.

Haddii taas la xaqiijiyo, waxaa haray su'aasha ah in daawadayaal ay Panorama ku daawadeen adeegga BritBox, oo sidoo kale la eedeeyay. Weli jawaab arrintaasi ku saabsan kama helin BritBox.

BBC-du si adag ayay u sheegaysaa in barnaamijka aan laga baahin Maraykanka.

Dacwadda madaxweynuhu sidoo kale waxa ay ku dhisan tahay eedeyn ah in BBC-du ula kacday inay waxyeello u geysato. Wuxuu ku doodayaa in dokumentariga la baahiyay toddobaad ka hor doorashada, "iyada oo si cad loogu talagalay in lagu farageliyo doorashada laguna wiiqo fursadaha Madaxweyne Trump ee dib-u-doorashada."

Anigu waan daawaday dokumentariga. Waxaan u arkay qiimeyn ku saabsan taageerayaasha Trump ee ugu ad-adag iyo in eedeymaha ka dhanka ah, oo ay ku jirto 6-da Janaayo, ay saameeyeen sida ay u jecel yihiin iyo in kale.

Muuqaalka khudbadda waa 12 ilbiriqsi oo ku jira barnaamij 57 daqiiqo ah. BBC-du waxay qiratay in tafatirkaasi ahaa qalad aan ula kac ahayn. Dacwadda Trump waxa ay ku doodaysaa in aan laba qaybood oo khudbaddiisa la isku darin karin haddii aysan ahayn si ula kac ah.

Trump wuxuu sidoo kale tixraacayaa tusaalooyin kale oo uu ku sheegayo in BBC-du leedahay taariikh warbixin taban oo isaga ka dhan ah. Dacwadda ayaa leh "BBC-du dan kama gelin runta ku saabsan Madaxweyne Trump," waxayna ku tilmaamaysaa hay'adda mid dadaalaysa "inay dhisto sawir iyo sheeko dhinac kaliya ah oo ka dhan ah Trump."

BBC-du waa ay diidaysaa arrintaas — taasoo keeni karta dood maxkamadeed oo xiiso leh, haddii ay halkaas gaarto.

Faa'iido kale oo suurtagal ah, inkasta oo BBC-du aysan si rasmi ah u qiran doonin, waa xoojinta sumcadda astaanteeda ee qayb ka mid ah macaamiisha Maraykanka. BBC-du waxay dadaal weyn ku bixinaysaa in ay xirmo ku soo bandhigto nuxurkeeda Maraykanka iyada oo loo marayo (app) ay rajaynayso in dadku iska diiwaangeliyaan. Dagaal si weyn loo hadal hayo oo ay la gasho Trump ma kordhin karaa qaybo kamid ah Maraykanka laga xiiseeyo? Waa istaraatiijiyad khatar sare leh.

Waxyaabaha taban ee ay BBC-du ka wajihi karto dagaalka dacwadda

Mid ka mid ah khasaaraha cad waa kharashka. Chris Ruddy, oo ah saaxiib iyo xulafo Trump ah isla markaana ah madaxa Newsmax, ayaa u sheegay BBC Radio 4 in maxkamad geliddu ku kici karto $50–100 milyan, halka BBC-du ay ku xallin karto $10 milyan.

Adeegsiga lacagta rukhsadda ee dadweynaha si loo bixiyo heshiis lala galo Trump waxa ay noqon lahayd arrin si xun loo arko. Sidoo kale, malaayiin lagu bixiyo dagaal maxkamadeed waxa ay BBC-da u furi lahayd eedeymo ah inay khasaarisay dhaqaale weyn.

BBC-du waxa ay leedahay caymis, balse lama oga waxa uu daboolayo — ma kharashaadka sharciga mise kaliya heshiiska, iyo ilaa xad intee le'eg.

Khasaaro kale waa mashquulka uu keeni karo, xilli ay hoggaamiyeyaasha sare u baahan yihiin inay si buuxda diiradda u saaraan wada-xaajoodyada dowladda ee ku saabsan Axdiga BBC-da (BBC Charter), kaas oo dhamaanaya 2027.

Iyada oo ay jiraan boosas hoggaamineed oo bannaan, maadaama agaasimaha guud iyo madaxa wararka ay iscasileen, halkii ay ka difaaci lahayd mustaqbalka BBC-da, hab-dhaqaaleheeda iyo doorkeeda UK, waxa ay wajahayaan waxa lagu tilmaami karo daqiiqaddii sharci ee ugu adkayd taariikhda BBC-da. Waxa ay isku dayi kartaa inay labadaba qabato — balse su'aashu waa: si fiican ma u qaban kartaa?

Adeegsiga sharciga badanaa ma aha natiijada, balse waa culayska iyo khasaaraha ka dhasha dagaalka sharci laftiisa.

Ma jirto sabab Trump uga tanaasulo. Waxay u faa'iido u tahay inuu BBC-da la dagaallamo — BBC-duna mar hore ayay qiratay inay qalad samaysay. Wuxuu u muuqdaa inuu doonayo inuu muujiyo in eex jirto, oo ay ka ballaaran tahay hal muqaal oo la tafatiray.

Laakiin imisa saacadood oo waqti BBC-da ah ayaa ku bixi doona dagaalkan?

Marka la eego dacwado hore oo Trump galay, qaar ka mid ah shirkadaha warbaahinta ayaa oggolaaday inay heshiis galaan (oo ay ku jiraan ABC oo bixisay $15m iyo Paramount/CBS oo bixisay $16m), xitaa markii sharci-yaqaanno ay ku doodeen inay guulaysan kari lahaayeen. Ugu dambayn, waxay go'aansadeen in khasaaruhu ka badan yahay faa'iidada.

Wargeysyo kale oo Maraykan ah ayaa dagaallamaya, sida Wall Street Journal, oo wajahaysa dacwad $10 bilyan ah, iyo New York Times, oo wajahaya dacwad $15 bilyan ah. Labaduba waxay sheegayaan in wararkoodu sax yihiin, waxayna arrintan ku tilmaamayaan weerar caalami ah oo ka dhan ah xorriyadda warbaahinta.

Laakiin BBC-du waxa ay leedahay xisaab gaar ah, maaddaama ay hore u aqbashay inay khalad samaysay.

BBC ma haysataa ikhtiyaaraad kale?

Ma jiri kartaa xaalad ay BBC-du ka codsato in ra'iisul-wasaaruhu uu farageliyo, oo Sir Keir Starmer uu Trump waco kuna boorriyo inuu is-dejin muujiyo?

Waxaan ognahay in xukuumada Labour-ka ay taageersantahay BBC-da, Inkasta oo ay jireen muranno iyo qaladaad isdaba joog ah — oo ay ka mid yihiin laba dokumentari oo ku saabsanaa Israel/Gaza iyo tafatirkii Panorama — haddana markii wasiirka dhaqanka uu Talaadadii daah-furay warqadda cagaaran ee dib-u-cusboonaysiinta Axdiga BBC-da, wuxuu si weyn u ammaanay hay'adda, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim u ah caafimaadka dimuqraadiyadda iyo iftiin hagaya waqtiyada mugdiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin siinta warbaahinta ee Downing Street, afhayeenka ra'iisul-wasaaraha ma uusan muujin xiise badan oo ku aaddan in madaxdiisu isticmaasho saamayn kasta oo uu ku leeyahay Trump si uu ugu qanciyo inuu ka tanaasulo dacwadda ka dhanka ah BBC-da.

Ma gaari doontaa dacwaddu maxkamad?

Tallaabada xigta waa in BBC-du ka jawaabto dacwadda la gudbiyay — inkasta oo aysan faahfaahin buuxda ka bixin doonin marxaladdan. Haddii aysan jawaabin, qareennada Trump waxay maxkamadda ka codsan karaan in go'aan kahortag ah la gaaro. Ma jiro caddeyn hal-xabbad ah oo si kama dambeys ah u go'aaminaysa dacwaddan. Laakiin waa waqtiyo halis ah, waxaana hubaal ah in BBC-du, wax kasta oo ay kor u sheegto, BBC-du waxa ay si taxaddar badan u miisaamaysaa tallaabooyinka xiga.