BBC-da oo raalli-gelin siisay Trump laakiin diidday in ay lacag magdhow ah siiso

Xigashada Sawirka, Reuters / AFP via Getty Images
- Author, Noor Nanji
- Role, Culture reporter
BBC-da ayaa raalli-gelin siisay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaddib markii barnaamijka Panorama lagu ogaaday in si qaldan loogu jar-jaray qaybo ka mid ah khudbaddii uu jeediyey 6-dii Januaray sanadkii 2021-kii, balse waxay ddiiday codsigiisa ku aaddan in ay magdhow siiso.
Warbaahintu waxay sheegtay in tafatirkii muuqaalkaasi uu abuuray "aragti khaldan oo muujinaysa inuu Madaxweyne Trump si toos ah ugu baaqay rabshad", isla markaana go'aansatay in aan mar kale la baahin barnaamijkii 2024.
Qareennada Trump ayaa ku hanjabay dacwad ku kacaysa $1 bilyan (£759 milyan) oo magdhow ah, haddii BBC-du aanay ka noqon hadalkaas, cafis weyddiisan islamrkaana ayna magdhow siinin.
Fadeexaddan ayaa horseedday in Axaddii ay xilalka iska casilaan agaasimihii guud ee BBC-da, Tim Davie, iyo madaxa wararka, Deborah Turness.
BC News ayaa la xidhiidhay Aqalka Cad si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan.
Raalligelinta ayaa timid saacado uun kaddib markii la ogaaday muuqaal labaad oo si la mid kii hore la jar-jaray hadal uu Trump jeediyey, kaas oo lagu baahiyey barnaamijka Newsnight sannadkii 2022-kii, sida uu sheegay wargayska Telegraph.
Qaybta "Sixitaanka iyo Caddaynta" ee BBC-da ayaa fiidnimadii Khamiist waxa lagu sheegay, in dib loo eegay barnaamijkii Panorama kaddib markii ay soo baxeen dhalleeceyn ku saabsan sida loo tafatiray khudbaddii Trump.
Qareennada BBC-da ayaa u qoray kooxaha sharciga ee Madaxweyne Trump, iyagoo ka jawaabaya warqad Axaddii laga helay, sida uu sheegay afhayeenka BBC-da.
Waxayna intaas ku dareen in: "madaxda BBC-da, Samir Shah, uu si gaar ah warqad ugu diray Aqalka Cad, isagoo Madaxweynaha u caddeeyey in isaga iyo hay'addu ay ka xun yihiin tafatirkii lagu sameeyey khudbaddii uu jeediyey 6-dii January 2021-kii, taasi oo ku jirtay barnaamijka."
Khilaafkan ayaa billowday toddobaadkii hore, kaddib markii wargeyska Telegraph uu daabacay qoraalka la faafiyay ee lagu dhaleeceeyay Documentary-ga iyo qaabka uu u habeeyay khudbadda Trump.
Trump run ahaantii wuxuu yiri: "Waxaan ku socon doonnaa ilaa Capitol, waxaanan ku farxi doonnaa mudanayaashayada geesiyaasha ah iyo Congress-ka iyo haweenka."
Si kastaba ha ahaatee, ee tifaftirka Panorama, wuxuu muujinayaa isagoo leh: "Waxaan ku socon doonnaa ilaa Capitol ... oo halkaas ayaan la joogi doonnaa. Waanan dagaallami doonnaa. Waxaan u dagaallami doonnaa sida naarta."
Warqadda BBC-da ee loo diray kooxaha sharciga ee Trump, waxay sharraxaysaa shan doodood oo muhiim ah oo ay ku caddeyneyso sababta ay u aragto in aan kiisaas laga jawaabi karin:
Ugu horreyn, waxay sheegtay in BBC-du aysan lahayn xuquuqda, isla markaana aysan baahin barnaamijka Panorama ee Maraykanka ka soo baxa. Markii dukumenteriga laga daawanayay BBC iPlayer, wuxuu ku koobnaa daawadayaasha ku sugan UK.
Tan labaad, waxay sheegtay in dukumenterigu uusan Trump waxyeello u geysan, maaddaama uu si degdeg ah dib loo doortay.
Tan saddexaad, waxay caddeysay in muuqaalka uusan ujeedkiisu aheyn inuu marin habaabiyo, balse looga dan lahaa in lagu soo koobo khudbad dheer, isla markaana tafatirkaasi aanu ka dhicin si ula kac ah.
Tan afraad, waxay sheegtay in muuqaalkaasi uu ahaa 12 ilbiriqsi oo ku jira barnaamij saacad dheer socday, kaas oo sidoo kale ka koobnaa codad badan oo taageero u muujinaya Trump.
Eedaymo kale oo hor leh
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xilli hore oo Khamiistii ah, BBC-da ayaa lagu eedeeyay tafatir kale oo marin habaabin ah oo lagu sameeyay khudbaddii Trump ee 6-dii January 2021-kii, labo sano ka hor inta aan la baahin muuqaalka Panorama.
Barnaamijka Newsnight ee 2022-kii, ayaa tifatirkiisu uu ka duwanaa kan Panorama. Trump waxaa lagu muujiyey isagoo leh: "Waxaan u socon doonaa Capitol-ka. Waxaan sacbin doonnaa senataradeenna iyo xildhibaanadeenna geesiyaasha ah. Waan dagaallamaynaa. Waan u dagaallamaynaa si xad dhaaf ah. Haddii aadan u dagaallamin si xad dhaaf ah, waddanku ma sii jiri doono."
Kaddib waxaa ka muuqday wariyaha Kirsty Wark oo leh: "Wayna dagaallameen," iyadoo lagu daray muuqaallo ka turjumaya rabshadaha Capitol-ka.
Markii uu ka hadlay muuqaalka isla barnaamijkaas, madaxii hore ee shaqaalaha Aqalka Cad, Mick Mulvaney, oo ka tagay xil diblomaasiyadeed isla markaana noqday dadka dhalleeecya Trump ka dib markii uu ku tilmaamay rabshadaha 6-dii Janaayo "isku day afgambi," wuxuu sheegay in muuqaalka la "isku daray" khudbaddii Trump.
Maxay isku casileen madaxdii BBC-du?
Iscasilaadooda ayaa timid kaddib muran ka dhashay barnaamijka Panorama ee la yiraahdo Trump: Fursadda Labaad?, kaas oo la baahiyey toddobaad ka hor doorashadii madaxtinimada Maraykanka.
War-saxaafadeedkeeda, Turness waxay ku tidhi:
"Muranka weli taagan ee ku saabsan Panorama ee Madaxweyne Trump wuxuu gaadhay heer uu dhaawaco BBC-da – hay'ad aan jeclahay.
"Anigoo ah madaxa fulinta ee BBC News iyo xaaladaha taagan, masuuliyadda ugu dambaysa aniga ayaa qaadanaya– waxaanan go'aansaday in aan casilo xilkeyga habeenkii xalay."
Waxay intaas ku dartay: "Inkastoo khaladaad la galay, waxaan rabaa in aan si cad u sheego in eedeymaha dhawaan la soo jeediyey ee ah in BBC News ay eex samayso ay khalad yihiin."
Davie kuma sheegin barnaamijka Panorama war-saxaafadeedkiisa, laakiin wuxuu yidhi: "Inkastoo aanay ahayn sababta kaliya, doodda hadda ka taagan BBC News, si la fahmi karo ayay qayb uga tahay go'aankayga.
"Guud ahaan BBC-da si wanaagsan ayay u shaqeynaysaa, laakiin khaladaad ayaa dhacay, anigoo ah agaasimaha guudna waa in aan qaataa masuuliyadda ugu dambaysa."














