BBC oo daaha ka qaaday akoonno baraha bulshada Soomaalida oo iska dhiga muwaadiniin dhab ah balse si kale u shaqeeya

Dumar ayaa akoonadooda laga been abuurtay
    • Author, Mungai Ngige
    • Role, BBC Global Disinformation Unit
    • Author, Lamees Altalebi and Ahmed Nour
    • Role, BBC Arabic Forensics
    • Author, Fardowsa Hanshi
    • Role, BBC Africa

Tobaneeyo akoonno baraha bulshada ah oo iska dhigaya inay yihiin Muslimiin, Soomaali saamayn leh iyo dadka dharka xayeysiisa ayaa baaritaan ay BBC-du samaysay waxaa lagu ogaaday inay faafinayeen warar borobogaando siyaasadeed ah.

Ruqiyo oo sawirkeeda laga qaaday iyadoo dhoolla-caddaynaysa, islamarkaana xiran Cabaayad buluug khafiif ah iyo Xijaab caddaan ah, ayaa si firfircoon uga dhex muuqata baraha bulshada ee X, TikTok, iyo Facebook. Waxay inta badan soo dhigtaa farriimo muujinaya sida ay dalkeeda, Soomaaliya u jeceshahay.

Laakiin haweeneyda sawirka ku jirta magaceedu ma aha Ruqiya. Markii BBC-du la xiriirtay qofka saxda ah oo ah saameeye nolosha ah balse dooratay in aan magaceeda la shaacin — waxay la yaabtay arrinta, waxayna sheegtay inaysan horey u arkin akoonnadaas.

"Anigu ma ihi qofkaas. Sawirradeyda ayaa la isticmaalayaa, mana awoodo inaan wax ka qabto dadka iska kay dhigaya aniga," ayay tiri.

Waxay ka mid tahay dhowr dumar ah oo sawirradooda si qarsoodi ah loo adeegsaday iyagoo aan waxba ka ogeyn, si loogu faafiyo borobogaando la xiriirta Soomaaliya, Suudaan, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Waaxda BBC qeybta la-dagaallanka marin-habaabinta iyo kooxda baaritaanka Af-Carabiga ayaa aqoonsaday in ka badan 100 akoon baraha bulshada ah oo ka tirsan shabakaddan.

Ma cadda cidda ka dambeysa hawlgalkan, balse waxaa jira ammaan iyo bogaadin loo jeedinayo howlaha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya. Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in nuxurka wararkaasi uu la jaanqaadayo danaha siyaasadda arrimaha dibedda ee Imaaraadka.

Imaaraadka Carabta, ayaa noqday mid door weyn ka ciyaara gobolka Geeska Afrika guud ahaan, iyagoo si weyn maalgelin ugu sameyneya qeybaha kala duwan, sida amniga si loola dagaallamo kooxaha hubeysan ee xagjirka ah, iyo kaabeyaasha badda — gaar ahaan dekedaha iyo marinada istiraatiijiga ah ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ah halka ay Soomaaliya ku taallo.

Akoonnada ayaa u muuqda kuwo taageero u muujinaya ciidamada taageerada Degdegga ah ee RSF, oo ah mid ka mid ah dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan. Ciidanka Suudaan ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay siiyaan taageero dhaqaale iyo mid ciidan RSF, taasoo Abu Dhabi si isdaba joog ah u beenisay.

Baaritaanka BBC-da

Xigashada Sawirka, Unknown / Shared on X

Qoraalka sawirka, Ciwaano la sameeyey oo loo adeegsaday in lagu qeybiyo sawiro lagu sameeyey AI, sida kan oo kale oo la daababay kuna saabsan dagaalka Sudan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Annagoo adeegsanayna qalabka falanqaynta baraha bulshada, waxaan ogaanay in inta u dhexeysay Janaayo 2023 iyo Sebtembar 2025, shabakadda ay ka soo baxeen 47,000 oo qoraal oo ka yimid 111 akoon oo X ah, kuwaas oo helay qiyaastii 300,000 oo like ah, lana gaarsiiyay in ka badan 215 milyan oo isticmaale.

Akoonadan waxaa badanaa lagu abuuraa daqiiqado gudahooda midba midka kale, waxayna beddeleen magac-isticmaalka si ay uga baxsadaan ogaanshaha, waxay ku tiirsan yihiin sawirada AI-abuuray, hashtag la isku daray, oo loo adeegsaday qoraallo isku dhow oo luqado badan ah, kuwaas oo cilmi-baarayaasha warbaahinta bulshada ay tilmaameen inay yihiin calaamado isku-dubbarid iyo hab-dhaqan aan sax ahayn.

Waxaa jira nuqullo ka mid ah akoontiyadaas oo leh Facebook iyo TikTok, kuwaas oo dhawaan la abuuray oo isla nuxurkaas ku soo qoraya, inkastoo tiradoodu ka yar tahay, haddana waxay muujinayaan sida shabakadda looga dhex raadin karo aaladaha warbaahinta bulshada.

Yey yihiin?

Akoonnada aan la soconnay waxay isu bandhigeen inay yihiin muwaadiniin Soomaali ah ama ugu yaraan ku nool dalka, inta badan nuxurkooduna wuxuu ku saabsan yahay amaan u jeedin dowladda Soomaaliya iyo dabaaldegga guulaha milateriga. Qoraalladooduna sidoo kale waxay amaan u yihiin quruxda dadka Soomaaliyeed, magaalooyinka iyo goobaha dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Akoonnadani waxay isticmaaleen magacyada qabiilooyinka Soomaaliyeed sida Isaaq, Ogaaden, Ajuuraan, Dir, Digil, Daarood iyo Akishe oo u adeegsaday magacyadooda qoys, taasoo ay u badan tahay in lagu qanciyo dadweynaha Soomaaliyeed in akoontiyadaasi yihiin kuwo dhab ah.

Baaritaanka BBC-da

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kuwa badan oo ka mida kuwa la daabacay waxaa loogu dabaal-deggay Soomaaliya iyo dadkeeda

Anagoo adeegsanayna raadraaca sawirrada, BBC-du waxay aqoonsatay dadka dhabta ah ee ku jira qaar ka mid ah sawirrada, waxaana la ogaaday in ay yihiin moodallo caana iyo dadka saamayn leh.

Waxaan ku wargelinay gabar hore ugu guuleysatay tartanka quruxda in sawirkeeda lagu isticmaalayo bog Facebook ah oo faafinaya qoraallo taageeraya dowladda Soomaaliya iyo milaterigeeda.

Waxay sheegtay inaysan isticmaalin Facebook iyo inaysan wax shaqo ah ku lahayn akoonnadaas lagu isticmaalayo sawirkeeda.

Wuxuu ku shaqaynayey iyadoo la isticmalayo magaca Xaliima, balse magacii ayaa loo beddelay mid ka mid ah mareegaha wararka oo daabaca sheekooyin inta badan wanaagsan oo ku saabsan Soomaaliya, kuna qoran af-Carabi. Meta waxay sheegtay in ay qiimeynayso akoonka maadaama uu muujinayo dhaqan aan run ahayn.

Afar kale oo haween ah ayaa xaqiijiyey in sawiradooda la isticmaalayey iyagoo ogayn.

Hooyo ka mida kuwaas ayaa sheegtay in gabadheedu aysan lahayn akoon X, isla markaana aysan ogeyn in sawirradeeda ay dad kale adeegsanayeen. Waxay sidoo kale sheegtay in gabadheedu aysan wax xiriir ah la lahayn shabakaddaas, aysanna xiisayn siyaasadda.

Qof leh saamayn oo ka shaqeeya arrimaha qurxinta fadhigiisuna yahay California, sawirkeeda wajiga ayaa lagu isticmaalay mid ka mid ah akoonnada TikTok. Waxa ay noo sheegtay — iyada oo soo marinaysa maamulkeeda in aysan ogeyn in sawirkeeda la isticmaalay, iyadoon oggolaansho laga haysan sawiradeeda.

Afhayeenka TikTok ayaa sheegay in akoonnada iska dhigaya qof saamayn leh la baaray oo laga saaray, iyadoo ay weheliso tiro akoonno kale ah oo xadgudub ku ah siyaasadaha saamaynta qarsoon ee madalaha.

"Waxaan aad uga feejigannahay isku dayga lagu wiiqayo isdhexgalka dhabta ah ee TikTok, waxaanan leenahay kooxo waqti buuxa u shaqeeya si ay u carqaladeeyaan dhaqamada khiyaanada leh."

Marc Owen Jones, oo ah khabiir ku takhasusay wararka been abuurka ah kuna sugan Jaamacadda Northwestern ee Qatar, kana baadhay ololeyaal warar been abuur ah oo la mid ah oo ka dhacay baraha bulshada ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in akoonnadaasi ay si cad u yihiin " akoonno been abuur ah oo la xakameeyo" isla markaana ay qayb ka yihiin shabakad weyn oo isku xiran.

Akoonnada la soo dhexmaro waa aqoonsiyo been abuur ah oo laga sameeyo baraha bulshada, waxaana loo adeegsadaa in lagu horumariyo aragti gaar ah ama lagu maamulo fikirka dadweynaha, iyadoo la qarinayo dadka dhabta ah ee ka dambeeya.

Akoonnadu waxay wax ku qoreen luqado isugu jira Soomaali, Ingiriisi, iyo Carabi. Isticmaalka Carabiga Fusxaha ah ayaa si gaar ah u taagan, maadaama uu ka leexsan yahay waxa caadiyan laga filan karo isticmaaleyaasha Carabiga ku hadla, gaar ahaan dhallinyarada. Carabiga Fusxaha ah waxaa badanaa loo adeegsadaa xaalado diimeed, suugaaneed, ama kuwa rasmiga ah, waana arrin aan caadi ahayn in si joogto ah loogu isticmaalo wada sheekaysiyada maalinlaha ah ee internet-ka, halkaas oo lahjadaha caadiga ah loo adeegsado badanaa.

Mareegahaas baraha bulshada ayaa la sheegay in dadka lagu daydo ama sawiradooda ama aqoonsigooda si been abuur ah loo adeegsaday ay iyagu si toos ah u sheegan karaan akoonnadaas. Shirkadda X, ee horey loo oran jiray Twitter, kama aysan hadlin in akoonnadaasi ay jebiyeen siyaasaddahooda iyo xeerarkooda.

Maxaa Suudaan diiradda loo saaray?

Inta lagu guda jiray dabagalka akoonnadan, dadka iska dhigaya Soomaalida waxay u leexdeen ka hadalka dowladda Soomaaliya una gudbeen dagaalka Suudaan. iyaga oo adeegsanaya muuqaallo AI ah oo la xoojiyay iyo fariimo soo noqnoqda.

Bishii Agoosto, qaar badan oo ka mid ah bogogaas haweenka ayaa riixay sheegashada ah in ciidamada Sudan ay xasuuqeen 27 qof oo rayid ah ayna meydadka ku aaseen Al Obeid, koonfurta Sudan.

Ma aanan helin sheegashadan wax ilo rasmi ah, waxayna u muuqataa in ay ku kooban tahay baraha bulshada. BBC-da waxay la xiriirtay hay'ad madax-bannaan oo xaqiiqo-raadin ah oo fadhigeedu yahay Suudaan oo la yiraahdo Beam Reports, kuwaas oo sheegay in – inkastoo ay aad u adag tahay in la xaqiijiyo xogta gudaha Suudaan – aysan helin wax caddeyn la diiwaangeliyey ama warbixin lagu kalsoonaan karo oo sheegashadaas xaqiijinaysa.

Qoraallada la baahiyey waxay u muuqdaan kuwo ah war-celis ama beenin ku wajahan wararka ka baxay telefishinno taageersan ciidanka Suudaan, kuwaas oo sheegay in ciidamada cirka ee dalkaasi ay burburiyeen diyaarad ka timid Isutagga Imaaraadka Carabta oo sidday calooshood-u-shaqaale Kolombiyan ah. Ilaa 40 qof ayaa lagu dilay weerarkaas oo ka dhacay garoon diyaaradeed ay maamulaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah koox ciidan ah oo ka dagaallamaysa dowladda Suudaan tan iyo Abriil 2023.

Markay jawaab celin sameynayeen, akoonnadaas waxaa loo adeegsanayay inay faafiyaan sheekooyin u muuqda kuwo u adeegaya RSF iyo Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa mar walba diiday eedeymaha sheegaya in ay taageerto RSF ama ay ka dambeeyaan calooshood-u-shaqaale ajaanib ah oo ka garab dagaallamaya.

Shabakada Internerka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shabakadu waxay xoojisay sheegashada ku saabsan dhimashada rayidka ee dagaalka Suudaan

Yaa ka dambeeya akoonnadan?

Ma garanayno cidda dhab ahaantii ka dambeysa akoonnadan, iyadoo ay jiraan caddeymo kooban oo lagu aqoonsan karo dadka ka dambeeya.

Marka hore la eego, waxay inta badan amaanayaan Soomaaliya iyo mararka qaarkood dowladda Soomaaliya, iyadoo 40% qoraallada si toos ah u xusaya Soomaaliya.

Dr. Jones wuxuu aaminsan yahay, in kastoo ay adagtahay in la ogaado hay'adda ka dambeysa ololahan, in akoonnadan ay yihiin laanta Soomaalida ee shabakad taageerta himilooyinka siyaasadda dibadda ee Imaaraadka Carabta islamarkaana isku dayaysa inay kasbato kalsoonida Soomaalida.

"Habka howlgalku waa isku mid ah guud ahaan shabakadda oo dhan – guud ahaan dad dhalinyaro ah oo soo jiidasho leh oo ka soo jeeda dal gaar ah oo muhiim u ah siyaasadda dibadda ee UAE ee gobolka. Tani waa koox Soomaali ah. Laakiin waxaan sidoo kale arkay dad u dhashay Mauritania, Algeria, iyo Morocco," ayuu yiri.

Marka ay timaado Imaaraadka Carabta, Dr. Jones wuxuu sheegay in akoonnada ay amaanayaan. "Waxaa jira isdhexgal u dhexeeya istiraatiijiyadda siyaasadeed iyo tan dhaqaale. Qodobada hadalka ee la faafinayo waxay ku xiran yihiin danaha Imaaraadka Carabta ee dalkaas."

Xiriirka dhaqaale ee muhiimka ah ayaa noqday mid xasaasi ah, iyadoo qaar ka mid ah Soomaalida ay ka soo horjeedaan taageerada maaliyadeed ee Imaaraadka Carabta uu siiyo gobollada kala go'ay iyo kuwa isku-xukunka leh ee Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta wuxuu maalgashi ku leeyahay kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, gaadiidka, iyo amniga ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Somaliland iyo gobollada isku-xukunka leh ee Puntland iyo Jubaland, halkaasoo sidoo kale ay ka caawisay tababarka ciidamada iyo bixinta lacagaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Sida uu sheegay Alessandro Accorsi, oo ah falanqeeye madax-bannaan oo ku takhasusay wararka been abuurka ah ee Bariga Dhexe, way adag tahay in si toos ah loo eedeeyo dowladda ololayaasha taageera siyaasadda dibadda ee Imaaraadka Carabta, sababtoo ah nidaamka saameynta taageersan Abu Dhabi ayaa ku tiirsan shirkado badan oo PR ah.

"Waa ka sii adag tahay in si toos ah loo tilmaamo cidda mas'uulka ka ah sababtoo ah inta badan waxaa ololayaashaas maamula shirkado PR ah iyo shirkado hawlaha saameynta fulisa oo laga yaabo inay qandaraas ka helaan qof gaar ah," ayuu yiri.

Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya labaduba kama jawaabin su'aalaheena.

Falanqaynta kaliya ee nuxurka qoraallada ma geynayso cidda dhab ahaan maamuleysa akoonnadan, sidoo kalena dumarku way ku adag tahay inay ogaadaan cidda dhab ahaantii qaaday sawiradooda.