Naadir: Haweenay la kulantay dhacdo la yaab leh iyadoo hawada ku jirta

Umul

Xigashada Sawirka, NANCY ADOBEA ANANE

Haweenay xaamilo ahayd oo la socotay diyaarad ka soo duushay dalka Ghana oo ku sii jeeday dalka Maraykanka ayaa si lama filaan ah ugu umushay gudaha diyaaraddii ay la socotay, arrintaa oo walwal iyo la yaab ku noqotay dadkii diyaaradda la saarnaa.

Haweeneydaan oo magaceeda ku sheegtay GG, ayaa sida la sheegay sabtidii la soo dhaafay waxa ay fool ku qabatay gudaha diyaaradda, iyada oo aan shinkeeda gaarin, waxa ayna markii dambe umushay wiil.

Arrinta la yaabka noqotay ayaa ahayd in diyaaradda dhexdeeda ay ka heshay dhakhtar iyo kalkaaliso caafimaad oo ka umuliyay.

Dhakhtar u dhashay dalka Ghana oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa qaybteeda hore ee diyaarada kaga umuliyay haweeneydaasi oo ay haysay fool aad u xanuun badan.

Haweeneydan oo u dhalatay dalka Ghana ayaa sida la sheegay rajaynaysay in ay umulitaankeedu uu ku beegmayo dabayaaqada bishan Febraayo oo shinkeeda uu ku ekaa.

Nancy Adobea Anane oo ah gabar weriye ah oo ka mid ahayd radkii rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi ka soo raacay magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, ayaa BBC-da laanteeda afka Pidgin u sheegtay in jahawareer uu dhacay markii dadkii rakaabka ahaa laga codsaday in ay caawiyaan haweeneydaasi foolaneyso.

"Dadka inta badan waxay maqleen codsiga loo jeedinayo xirfadleyaasha caafimaadka ee diyaaradda saaran balse marnaba ma aysan fahmin sida ay wax u jiraan," ayay tiri.

"Anigu waxaan ka walwalay badqabka ilmaha yar ee dhalanaya iyo hooyaduba, iyo suurtagalnimada in diyaaradda la leexiyo oo si deg deg ah loo dejiyo."

Umul

Xigashada Sawirka, NANCY ADOBEA ANANE

Qoraalka sawirka, Dr Stephen Ansah-Addo (bidix) iyo haweeneydii uu ka umuliyay oo diyaaradda wada saaran

Markii uu maqlay codsiga shaqaalaha diyaaradda ayaa Dr. Stephen Ansah-Addo, oo ka hawlgala gudaha dalka Mareykanka, waxa uu billaabay in uu isu diyaariyo in uu haweeneydaasi ka umuliyo.

"Aniga, kalkaaliso caafimaad iyo shaqaalaha diyaaradda... ayaa si tartiib ah u guda galnay in aan ka umulino [haweeneyda], waxa ayna umushay wiil qurux badan," ayuu yiri Dr. Stephen Ansah-Addo.

Anane ayaa ka sheekeynaysa mudda yar ee 45 daqiiqo gudahood ah ee ay haweeneydaasi ku umushay ayaa tiri "foosheedu wakhti yar ayay qaadatay oo 30 ilaa 45 daqiiqo kaddib waxaa xigtay "cabaad iyo oohintii la yaqaanay ee ilmaha".

Hawlwaddeenno caafimaad ayaa hooyadan iyo cannugeeda la kulmay isla markii ay ka soo degeen garoonka magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo ay ka heleen daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

Qoraalka Muuqaalka, Soman Noori ayay fool qabatay iyada oo saarneyd diyaarad u socotay magaalada Birmingham, iyadoo ka soo kicitintay magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan.

Waa arrin aad nadir u ah in haweeney ay ku umusho gudaha diyaarad balse ma ahan wax dunida ku cusub.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa dhakhtar u dhashay dalka Canada waxa uu ka umuliyay haweeney fool ay ku qabatay gudaha diyaarad ka soo kicitintay dalka Sacuudi Carabiya oo ku sii jeeday dalka Uganda.

Sida laga soo xigtay adeegga daryeelka caafimaadka qaranka ee dalka Britain, waa suurtagal in haweeney xaamilo ah oo gaartay sagaal bilood ay fool ku qabato gudaha diyaarad, waana sababta shirkadaha diyaaradaha qaar aysan u ogoleyn in ay qaadaan haweenka uurka leh ee shin dhameystay.

Khubaradu waxay sheegayaan in caafimaad ahaan aysan halis ahayn in haweenka shinkooda dhamaaday ay diyaarad raacaan balse waxaa habboon in haweenka xaamilada ahi ay la tashadaan umuliso ama dhakhtar ka hor inta aysan safar gelin.