Isbeddelka cimilada waxay dab kusii shideysaa dhibaatooyinka Soomaaliya - balse weli rajo ayaa jirta

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
- Author, Justin Rowlatt
- Role, Tifaftiraha cimilada
Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan caalamka uuna halakeeyay dagaal, balse waa mid “wax laga qaban karo”, sida uu sheegay sarkaalkeeda sare ee cimilada.
Dalka ayaa waxaa halakeeyay dagaal in ka badan 30 sano oo ay isku dhacyo socdeen - waxaana ka mid ah kacdoon Islaami ah, dagaal sokeeye, iyo isku dhacyo gobol iyo kuwo qabaa'il oo dhowr ah. Haddana Cabdixakiin Caynte, la taliyaha cimilada ee raysal wasaaraha Soomaaliya, ayaa weli dalkiisa u arka mid rajo leh.
Waxa rajadiisa ka dhigaya mid yaab leh ayaa ah xaqiiqda ah in isbeddelka cimilada uu kasii darayo dhammaanba caqabadaha uu dalkiisa wajahayo.
Mid ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa isbeddelka cimilada ku tilmaamay “mid dhibka sii labalaabta”, sababtoo ah waxay dab kusii shidday xiisadaha jira iyadoo sii dheereyneysa dagaalka dalalka nugul sida Soomaaliya.
Balse Soomaaliya, oo ku taalla bariga qaaradda Afrika, looma qabsan karo cimiladeenna isbeddeleysa. Xogta waa mid yaab leh. Soomaaliya ayaa soo saareysay maaddada carbon dioxide ee ka imaaneysa dhuxusha tan iyo 1950-meeyadii inta uu dhaqaalaha Mareykanku ka sameeyo celcelis ahaan saddex maalmood.
Saameynta ugu daran waxay gaartay beeraha. Soomaaliya ayaa weli ah dal dhaqaalihiisu aad ugu tiirsan yahay beeraha, iyadoo saddex meel ka labo bulshada ay ku tiirsan yihiin beeraha iyo dhaqashada xoolaha.

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
Sanadkii 2022 dalka ayaa wuxuu wajahay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah – xaalad ay saynisyahannadu ku sheegeen in 100 jeer laga yaabo inay sababtay isbeddelka cimilada ee aadmigu sababay.
Heerka caqabadda heysata Soomaaliya ayaa ah mid cad iyadoo kolonyo Land Cruiser ah oo ka socota Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ay ku safrayeen dhulka qallalan ee inta badan dalka, waxaa nagu wehliyay saddex ilaalo oo ku hubeysnaa AK47 - Soomaaliya waa dalka keliya dunida ee shaqaalaha Red Cross ay la safraan ciidamo hubeysan.

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xoolo-dhaqatada geela iyo beeralleyda yaryar ee aan la kulannay ayaa saameynta daran ee isbeddelka cimilada wajahaya. Kumannaan sano Soomaalida ayaa nolol-maalmeedkooda ka helayay dhaqashada geela iyo ariga.
Balse isbeddelka cimilada ayaa carqaladeynaya helidda roobka ee suurtogalka ka dhigay habkan ay u nool yihiin.
Sheekh Doon Ismaaciil ayaa inoo sheegay in dhammaanba geeliisa uu ku waayay abaarta, markii dhulkii daaqsinka uu qallalay cawskii uu beertiisa yar ku beerayna aysan ku filneyn.
“Ceelka ayaa qallalay mana jirin daaqsin, marka xayawaannada ayaa bilaabay inay dhintaan,” ayuu yiri, isagoo madaxiisa ruxaya. “Nolosha aan haatan ku jirno runtii way xun tahay - dhabtii wya xun tahay.”
Abaartaas ayaa beeralleyda iyo xoolo-dhaqatada ka dhigtay kuwo isku dagaala helidda biyaha iyo daaqsinka. Sheekh Doon ayaa sheegay in mararka qaar uu ku qasbanaa inuu dhulkiisa ku difaaco qori.
“Ma jirto xushmad haddii aadan heysan,” ayuu yiri. “Xoolo-dhaqatada xoolahooda usoo kaxeeya beerta ayaa dib u dega marka ay hubkeyga arkaan. Way baqaan.”
Dal ay kala qeybiyeen kooxo qabaa'illo iska soo horjeeda horena ay qalalaaso u saameeyeen, ayaa murannadan gudaha waxay si fudud isugu beddeli karaan dagaal buuxa, sida uu sheegay Cyril Jaurena, oo madax ka ah barnaamijka ICRC ee gudaha Soomaaliya.
“Isticmaalka ceelasha iyo dhul daaqsin ayaa mar walba sii adkaaneysa, markaasna bulshada deegaanka ayaa waxaa dhex mari kara dagaal - iyagoo ku tartamaya kheyraadkaas, mararka qaarna waxay gaartaa inay dadku is toogtaan,” ayuu ka digay.
Abaartuna ma aha dhibaatada keliya ee halkan ka jirta. Sanadkii tegay Soomaaliya ayaa wajahday daadad ba'an sababo la xiriira roobab ay saynisyahannadu ku sheegeen in si la mid ah kululaanshaha adduunka ay aadmigu sababeen.

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
Saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya ee aadka u daran waxay ka tarjumayaan oo caddeyn u yihiin xarunta gaajada ee ay Red Cross ku leedahay isbitaal ku yaalla dekadda Kismaayo.
Maalin walba hooyooyin badan ayaa carruurtooda nafaqo-darradu heyso halkan keena. Qaar badan ayaa ka yimaada deegaanno ay maamulaan kooxda al-Qaacida xiriirka la leh, ee al-Shabaab, si ay halkan u yimaadaan.
QM ayaa ku qiyaaseysa in in ka badan 1.5m oo carruur ay da'doodu ka yar tahay shan jir ay aad ugu nafaqo darreysan yihiin Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
Ilaa afar milyan oo Soomaali ah ayaa lagu qasbay inay u guuraan xeryo qaxooti oo ku meel gaar ah – waana ilaa shan meelood meel bulshada.
Dadka barakacay ayaa guryahooda ka sameysta wax walba oo ay heli karaan – haraaga maryo, baakado iyo biro - kuwaasoo lagu kabay ulo. Dadka qaar ayaa xitaa kala jara jirgaamo iyagoo ku daboola saqafka kore.
Caawinaad yar oo caalami ah unbaa jirta, waaba haddii ay helaan. Xerada qaxootiga aan booqday, oo ku taalla duleedka magaalada Garowe ee waqooyiga Soomaaliya, qoysaska ayaa ku qasban inay iska bixiyaan cunnada iyo biyaha, iyo sidoo kale kirada dhulka ay ka dhisteen cooshadaha.
Kadib in ka badan 30 sano oo dagaal ah, Soomaaliya ayaa hoos uga sii dhacday liiska waxyaabaha ahmiyadda u leh dunida. Dhibaatooyinkeeda ayaa waxaa asal u ah waxa u muuqda isku dhacyo degdeg ah, sida meelaha Ukraine iyo Gaza. QM ayaa ku qiyaaseysa in Soomaaliya ay u baahan tahay ugu yaraan $1.6bn (ilaa £1.2bn) si ay u daboosho baahideeda bani'aadannimo sanadkan, balse ilaa haatan keliya $600 oo milyan ayay ku deeqeen dowladaha deeq-bixiyeyaasha.

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
Saameynta is huwan ee cimilada iyo dagaalka ayaa sababay in dad badan ay shaqaaleysiiyaan kooxaha dagaalka wada.
Kuwa ku jira xeryaha ayaa aad ugu baahan lacag, shaqada ugu fudud ee laga shaqeeyana - sida ay sheegeen dadka aan la hadlay - waa inaad ku biirto mid ka mid ah ciidamada iska soo horjeeda sidaasna lacag lagugu siiyo.
Haweeney ayaa ii sheegtay inay u cabsaneyso seygeeda iyo afar ka mid ah wiilasheeda kadib markii ay ku biireen dagaalyahannada maleeshiyo.
“Waa reer miyi aan xirfad lahayn, marka shaqada keliya ee ay heli kareen waa ciidamada,” ayay tiri Xaliima Ibraahim Cali Maxamuud iyadoo ku fadhisay roog la dhigay dhul wasakh ah oo buushkeeda ka tirsan.
“Aad bey lacag u rabeen, marka aad cunno la'aan tahayna muddo dheer, carruurtaadana ay ku eegayaan, wax walba waad sameyneysaa.”
Innagoo meel ka meel tageynay oo usii gudbeynay, hooyooyinka ayaa inoo sheegay sheekooyin isku mid ah oo ah in seygooda iyo carruurtooda ay ka tageen si ay dagaalyahanno u noqdaan, qaar baa la dilay.

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
Balse Soomaali badan ayaa tallaabo qaadaya. Xarunta korontada ee ku taalla Garowe ayaa maalgashaneysay quwad dabeysha iyo cadceedda ku shaqeysa, tusaale ahaan.
Go'aankan ma ahan mid caalamka laga keenay, sida uu sheegay madaxa shirkadda. Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay inuusan wax deeq ah ka helin dibadda.
Iskaashiga Tamarta Qaranka Soomaaliya (NECSOM), oo uu u shaqeeyo, ayaa sameyneysa maalgashiga sababtoo ah tamarta la cusbooneysiin karo ee laga soo saaro ilaha dabiiciga ah sida qorraxda iyo dabeysha ayaa aad uga fiican matoorrada naftada ku shaqeeya ee xaruntan ay ku tiirsaneyd.

Xigashada Sawirka, Alyona Synenko/ICRC
Waxaan la kulmay ganacsatada Soomaalida ee sameysanaya ganacsiyo, waxaana ka mid ahayd haweeney xerada qaxootiga Garowe aan waxba la iman, balse hirgelisay ganacsi guuleystay.
Aamina Cusmaan Maxamed ayaa sharraxday sida ay cunno uga soo deynsan jirtay dukaan, u karin jirtay, kadibna faa'iidada ay ka hesho isla sidaa ku sameyn jirtay maalinta xigta.
Maqaaxida yar balse mashquulka badan ee ay furatay ayaa usoo saarta dakhliga ay aadka ugu baahan tahay inay ku daryeesho seygeeda xanuunsan iyo 11 carruur ah - oo ay ku jiraan kuwa gabadheeda ay dhashay oo agoon ah.
Markii aan kasoo tagay maqaaxida Aamina, waxaan bilaabay inaan fahmo sababta la taliyaha cimilada ee raysal wasaaraha Soomaaliya uu rajo uga qabo mustaqbalka dalkiisa.
Waxaa jirta rajo. Balse iyadoo isbeddelka cimilada uu dab kusii shidayo dagaalka halkan ka socda, dalkan ayaa u baahnaan doona caawinaad caalami ah oo sii socota si loo hirgeliyo nabad loona dhiso u adkeysiga cimiladeenna isbeddeleysa.













