Isbeddelka cimilada miyaa dabka u hurinaya kacdoonka Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya?

Alshabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Al-Shabaab ayaa in ka badan 10 sano la dagaallameysay dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Muqdisho saldhigeedu yahay

Soomaaliya ayaa muddo dheer la daalaa dhacaysay caqabadaha is biirsaday ee iska hor imaadyada hubeysan iyo isbeddelka cimilada, iyadoo indha indheeyayaasha ay sheegayaan in labadan xaaladood la isla xiriirin karo, sida ay ku warantay Global Risk Insights oo ah xarun ka faaloota khataraha caalamka oo fadhigeedu yahay London.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in isbeddelka cimilada ay door weyn ugu fadhido al-Shabaab, oo la sheegay inay ka faa'iideystaan isku dhacyada beelaha, dagaallada ku saleysan kheyraadka, musiibooyinka dabiiciga ah iyo ammaan darrada xudduudaha si ay u xajistaan awoodda ay ku leeyihiin Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sida uu u xooggan yahay xiriirka ka dhaxeeya labadan xaaladood ayaa waxaa tusaale u noqon kara maamulka Biden oo si rasmi ah isbeddelka cimilada ugu aqoonsaday inuu sii huriyo ammaan darrada gobolka, gaar ahaanna Geeska Afrika.

Soomaaliya: Aad ayay ugu nugushahay isbeddelka cimilada

Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysaa isbeddelka cimilada oo aan la saadaalin karin, taas oo ay uga sii dareen roob yar, heerkul aad u daran iyo abaaro daba dheeraaday.

Xitaa haddii aysan jirin isbeddelka cimilada, celcelis ahaan heerkulka Soomaaliya waa mid ka mid ah kuwa ugu kulul adduunka, wuxuuna u dhaxeeyaa 30°C iyo 40°C waxaana keliya wax ka beddela xilliyo roobaad yar oo jira laga bilaabo April-June iyo October-December.

In ka badan saddex meelood labo meel Soomaalidu waxay ku tiirsan yihiin xilli roobaadyadan.

Sanadihii 2016-17, roobabka oo baaqdyt ayaa ilaa 6.2 milyan oo Soomaali ah qarka u saaray cunno yaraan daran. Tan ugu daran ayaa ah, in marka roobabka la filayo ay da'aan waxaa ka dhasha duufaanno khasaare geysta oo ay sababeen isbeddelka ku dhaca Badweynta Hindiya, waxayna dabeylahaas geystaan daadad burbur sababa.

Alshabaab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Al-Shabaab ayaa inta badan weerarro bambo loo adeegsaday ka fulisa Soomaaliya waxaana ka mid ah kan oo dhacay sanadkii 2019

Sidee ayay Al-Shabaab uga faa'iideysataa isbeddelka cimilada?

Isbeddelka cimilada waxaa lagu sheegaa kan ugu daran ee dabka u huriya dagaallada socda iyo nuglaanta Soomaaliya, iyadoo baarayaasha ay sheegayaan in isbeddelka arrimaha cimilada la xiriira ay ka sii daraan rabshadaha. Cimilada sii kululaaneysa, roobabka yar, dabeylaha iyo heerkulka aadka u daran ayaa ka qeyb qaata dalagga baaqda, cunno yaraanta iyo biyo yaraanta. Xaaladahan ayaa bulshooyinka ku riixa inay ku tartamaan kheyraadka yar, sida dhul-daaqsimeedyada, iyadoo qarka u saarta isku dhac.

"Al-Shabaab ayaa khabiir ku noqotay ka faa'iideysiga xiisado beeleedyada iyagoo taageero ka helaya barakacayaasha gudaha. Waxaa intaas dheer in kooxdu ay ka faa'iidday xoolaha ku dhintay isbeddelka cimilada iyo cunno yaraanta iyagoo shakhsiyaad nugul shaqaaleysiinaya isla markaana siinaya cunto, daryeel iyo mushaar joogto ah," ayaa lagu yiri warbixinta.

Kooxda ayaa sidoo kale ka faa'iideysatay sida lagu sheegay warbixinta "awood la'aanta dowladda Soomaaliya ee wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah, buuxinta boosaska bannaan ee dowladnimada iyagoo gargaar deg deg ah gaarsiinaya guddiyada abaaraha." Waxaa kale oo la sheegay in Al-Shabaab ay door ku leeyihiin dhibaatooyinka deegaanka iyagoo dakhli ahaan ku tiirsanaa ka ganacsiga dhuxusha (oo ah ganacsi weyn ooo sanadkii uu ka soo galayo $25 milyan), taas oo sababtay burburinta dhirta keymaha ayna ka dhalatay xaaluf.

Xiriir aan toos ahayn oo shuruud ay ku xiran tahay

Si kastaba, iyadoo ay jiraan caddeymo muuqda, haddana xiriirka loo maleynayo inuu ka dhaxeeyo isbeddelka cimilada iyo xasaradaha siyaasadeed waa kuwo aan la xaqiijin karin, ayay ka digtay warbixinta iyadoo daraasado badan oo la sameeyay ay ku guul darreysteen inay helaan xiriir toos ah oo ka dhaxeeya isbeddelka cimilada iyo dagaallada. "Inuusan jirin xiriir toos ah oo ka dhaxeeya isbeddelka cimilada iyo dagaalladau kama dhigna inuusan xiriir ka dhaxeyn, balse waxay tan muujineysaa inuu yahay xiriiri aan toos ahayn oo ku xiran hadba xaaladda lagu jiro."