Xog dheeraad ah oo aan ka helnay ninkii lagu gubay Wanlaweyn iyo qoska oo BBC la hadlay

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
- Author, Fatuma Maalim
- Role, BBC Somali
Digniin: Warbixintan waxaa ku jira macluumaad aad dhibsan karto
Waxaa galabkii Jimcaha deegaanka Dudumaay ee duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu jir-dilay kadibna lagu gubay marxuum Isxaaq Daa'uud Maxamed.
Muuqaal argagax leh oo baraha bulshada Soomaalida qabsaday ayaa muujinaya marxuum Isxaaq oo ay dad dhowr ah ku garaacayaan ulo iyo dhagaxaan kadibna gubaya.
Ehelladiisa ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin wax uu galabsaday ninkan oo muddo ka badan qabay xanuunka dhimirka, iyagoo dilkan arxan darrada ah u aaneynaya aano qabiil.
Garyaqaan Abuukar Maxamed oo ay ehel dhow yihiin marxuumka ayaa BBC u sheegay in marxuumka uu kasoo lumay xaafaddiisa kahor dhacdadaas.
"Intii ugu dambeysay ee ay nafta ku jirtay ayay dab qabadsiiyeen".
"Ninkan wax uu galabsaday ma lahayn isagaaba ahaa qof xanuunsan, keliya waxaan ku tilmaami karnaa ficil wuxuushnimo ah oo ka fog Islaamnimada iyo bani'aadannimada," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in ninkan uu kasoo lumay xaafad u dhow xerada Ballidoogle oo ay qoyskiisu degganaayeen. "Aannaga waan raadinnay, waxaa nasoo gaartay in Isxaaq uu lumay, annagoo raadinta ku jirno ayaan maqalnay in la dilay, kadibna warbaahinta ayaan falkaas ka aragnay," ayuu yiri.
Waxaa jiray warar sheegaya in dhacdadan kadib ay qoyska marxuumka iyaguna qoysas kale guryahooda gubeen, ayna ku dhinteen dadkii degganaa, taasoo Abuukar uu beeniyay.
"Waxaan is qaban karin adigoo ruux ehelkaaga ah sida waraabe xoolo soo laayay loo dilay sidee ugu suurto galeysaa ehelkaas inay weeraraan dad meel deggan, waa waxaan dhici karin. Weli annaga anfariirkii ayaan ku jirnaa waana marin-habaabin lagu sameynayo kiiskan." Ayuu yiri Abuukar.
Maxay maamulka deegaanka ka yiraahdeen dhacdadan?

Xigashada Sawirka, Abdulkadir Mohamed
Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi oo BBC la hadlay ayaa isagana sheegay in ninkan loo dilay aano qabiil, kadib markii la arkay isagoo dhex socda deegaanka reerka ay colaaddu kala dhaxeysay.
"Sida aan xogta horudhaca ah ku heleyno wuxuu ahaa nin xanuunsan oo meel iska socday, kadibna lasoo qabtay oo la garaacay sida muuqaalka laga arki karo oo la gubay," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in reerka uu ninka ka dhashay iyo kuwa falkan geystay ay ka dhexeysay colaad sanado socotay.
"Dilkiisa dilal badan ayaa ka horreeyay oo saacad kasta ayaa wax la dilaa, laakiin dhacdadan waa mid ugub ku ah deegaanka,"
Guddoomiyaha ayaa sheegay in laamaha ammaanka la faray inay soo qabtaan dadka muuqaalka kasoo muuqday. "Qaar waa lasoo xiray qaarka kalena waa lagu daba jiraa." Ayuu intaas raaciyay.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, dolwad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareysay falkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulkaas.
"Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeyneysaa in aysan marnaba aqbaleynin falal noocan oo kale ah lagu carqaladeeyo amniga iyo xasiloonida shacabka, dowladdu waxay tilmaameysaa in kooxaha ka dambeeyay falkaasi yihiin cadowga nabadda iyo horumarka bulshada," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono dhacdada isla markaana cidda ka dambeysay la marsiin doono sharciga.
Maamulka ayaa tacsi u diray qoyska dhibbanaha, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay ka digtoonaadaan "kooxaha doonaya inay dhibaato iyo cabsi gelin ku dhex fidiyaan bulshada dhexdeeda".
Dilalka ku saleysan anooyinka qabiilka ayaa ku badan deegaannada Soomaalida, iyadoo guddoomiyuhu sheegay in dhowaan ay soo cusboonaatay colaadda ka dhaxaysa reeraha wada dega halkaas.












