Ilmahaaga inaad magac u bixiso sanado ma sugi lahayd?

.

Maxay tahay sababta ay qabaa'ilka Booranta aysan magaca ugu bixin canugooda ilaa 3 sano laga gaaro?

Ilaa iyo inta aad magac u bixinayso canuggaaga, waxaad ugu yeereeysaa magacyo kala duwan oo adiga dookhaaga ah.

Qabaa'iilka Booranta waxay degaan dalalka Itoobiya iyo Kenya mana ku deg-degaan magac bixinta ilmaha u dhasha.

Marka la gaaro xilliga magac bixinta waxaa la qabtaa munaasabad weyn taasi oo xilli cayiman la qabto waxaana inta badan dhacda in muddo la sugo.

Haddii waalidiinta dhalay canugga aanay awoodin kharashka iyo xoolaha ku baxayaa xafladda waxey caawimaad weydiisanayaan qaraabadoda.

Munaasabadda magac bixinta xilliga ay dhacayso waxaa go'aaminaya odayaasha dhaqanka iyaga ayaana magaca u bixinaya canuggaasi.

Odayaasha dhaqanka
Qoraalka sawirka, Odayaasha dhaqanka

Xafladda ayaa waxay soconaysaa ilaa iyo 3 maalmood, waxaana lagu soo bandhigayaa heeso iyo cayaaro dhaqameed waxaa sidoo kale loogu duceeyaa canugga.

Marka canugga loo bixiyo magaca waalidka dhalay ayaa markaa wixii ka dambeeyo waxaa loogu yeerayaa hooyadii ama aabihii hebel.

Dhaqankan ayaa ah mid soo jireen ah oo ay awooyashood ku soo dhaqmi jireen ilaa haatanna weli wey ku dhaqmaan dhaqankaasi oo ma aysan saameyn dunidaan casriga ah.