Atooraha Soomaaliya aadka looga yaqaanno oo gurigiisa ku dhex suuxay isbitaalna loola cararay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jilaaga caanka ah Govinda ayaa loola cararay isbitaalka daryeelka xaaladaha daran ee magaalada Mumbai kadib markii si kedis ah ay xaaladdiisa caafimaad uga dartay.
La taliyaha arrimaha sharciga ee Govinda Lalit Bindal ayaa BBC News Hindi u xaqiijiyay in isbitaal al dhigay.
Lalit ayaa sheegay in fiidnimadii xalay (11 November 2025) abbaaro 8.30 pm, Govinda uu si degdeg ah ugu dhex suuxay gurigiisa.
Markii hore, waxaa la siiyay daawo iyadoo la raacayay talada dhaqtarka, balse markii dambe xaaladdiisa ayaa kasii dartay waxaana xalay saqdii dhexe la geeyay isbitaalka deegaanka Juhu.
Lalit ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay sheegeen in xaaladda Govinda ay haatan deggan tahay.
Lalit ayaa ahaa qofkii isbitaalka u qaaday Govinda.
Sida uu sheegay, Govinda ayaa haatan lagu sameynayaa baaritaannada muhiimka ah. Dhaqaatiirta ayaa haatan xaaladdiisa gacanta ku heysa kuwaasoo ka daweyn doona waxa ay muujiso natiijada baaritaankiisa.
Sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii lugta laga toogtay, Govinda ayaa loola cararay isbitaal aan ka fogeyn halka uu deggan yahay.
'Arrin walaac leh'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr Deepak Namjoshi oo ka tirsan Cisbitaalka Daryeelka Gaarka ah ayaa xaqiijisay in isbitaal la dhigay Govinda.
Namjoshi ayaa sheegtay in xaaladda Govinda ay haatan wanaagsan tahay uuna haatan ku nasanayo qolkiisa.
Dhaqtaradda ayaa sheegtay in natiijada baaritaannada caafimaad ee Govinda aysan wali soo bixin balse xilligan aan loo baahneyn in laga walwalo caafimaadkiisa.
Xoghayaha Govinda Shashi Sinha ayaa BBC News Hindi u sheegay in shalay oo dhan uu dareemayay wareer.
Sida uu sheegay, talada dhakhtarka, goor dambe oo habeen ah ayuu Govinda go'aansaday in la dhigo isbitaalka si loo baaro.
Tariikhda noloshii hore ee Govinda
Govinda waxaa soo maray waqti aad u xun sanadihii siddeetanmeeyadii iyo sagaashanmeeyadii, xilligaas oo wax walba ay madaxa isla galeen.
Mar uu wareysi bixinayay Govinda ayuu sheegay inuu lacago fara badan ku maal gashaday filimaan iyo ganacsi kaleba, balse uu wajahay khasaare aan caadi ahayn oo uu ku lumiyay hanti fara badan.
Waxaa la sheegay in Govinda ay soo wajahday lacag la'aan iyo shaqo la'aan haysatay muddo aad u dheer. Kadib ayuu helay fursad uu filin kula jilo jilaaga kale ee Salman Kahn.
Filinka ayaa noqday mid aad loola dhacay, taas oo u sahashay Govinda inuu mar kale ku soo noqdo saaxadda filimada.













