Maxay yihiin howlaha loo igmaday xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ee la sheegay in la xirayo?

Goalaha Amaanka

Xigashada Sawirka, UN

Golaha Ammaanka ayaa kordhiyay waqtiga oggolaanshaha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ilaa 31 December 2026.

Golaha ayaa si wada jir ah u ansixiyay qaraar tirsigiisu ahaa 2809 (2025).

Golaha Ammaanka wuxuu u oggolaaday waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan dirista iciidamo dhan 11,826 , oo ay ku jiraan 680 askari oo booliis ah, si ay uga hawlgalaan AUSSOM ilaa ilaa dabayaaqada 2026.

Dhanka kale holawaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa la joojin doona sanadka soo socda.

Kulan ay yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu ansixiyay in Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) la joojiyo dhammaan hawlihiisa 31 October 2026.

Joojinta ayaa dhici doonta kaddib marka la dhammeeyo wejiga labaad ee kala-guurka, isla markaana wuxuu ansixiyay golaha hirgelinta khariidadda-jidka uu soo jeediyay Xoghayaha Guud ee ku cad warbixintiisii 30-ka Sebtembar.

Maxay yihiin howlaha loo igmaday xafiiska UN-ka ee Soomaaliya?

Golaha ammaanka ayaa sannadkii 2013-kii si buuxda isug raacay qaraar tirsiigiisu uu yahay 2102, oo lagu asaasayo xafiiska cusub ee Qaramaad Midoobey.

Mar kale ayaa sanadkii 2024 xafiiska magaca laga badalay waxaana loo bixiyay Hawlgalka Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, (UNTMIS) .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

shaqooyiinka uu qabanayo xafiiska UNTMIS waxaa ka mid ah Marka la eego mudnaanta kala-guurka taageeridda dhismaha dowladnimada, oo ay ku jirto habraaca dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada lagu qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Waxaa sidoo akle shaqooyiinkooda ka mid ah horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha; xukunka sharciga, caddaaladda, nidaamka xabsiyada iyo taageerada waaxda amniga.

Waxaa ka mid ah sida ku cad howlaha loo igmaday; XafiiSka ka kaalmeynta Soomaaliya isku-duwidda taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyadoo lala shaqeynayo la-hawlgalayaal laba-geesood ah iyo isku-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxyabaha kale ee loo igmaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ah xoojinta hay'adaha dowladda, sare u qaadida xuquuqul insaanka iyo awood siinta dumarka iyo carruurta.

Hasa yeeshe, sida ku cad bogga rasmiga ah ee xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waa in Soomaaliya ay ka soo fushaa howlaha ay tahay in beesha caalamka ay ka caawiso.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa saddexdii bilood ba mar si joogta ah ugu wargeliya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay dhaqan gelinta howlaha loo igmaday howgalka UN-ka ee Soomaaliya.

Muhimad intee dhan ayuu xafiiskan u leeyahay Soomaaliya?

Xilli ay Qaramada Midoobey sheegtay in joojinayso howaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa waxaa jirtay shaqooyiin badan oo uu xafiiska qaban jiray.

Khubarada qaar ayaa ka digaya in wali aan laga maarmin howlsha xafiiska Qaramada Midoobey gaar ahaan arrimaha amniga.

Maxamed Mukhtaar oo horey wasiirka batroolka Soomaaliya u soo noqday islamarkana imika falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa u araka in go'aankani yahay mid muhiim ah, balse u baahan in wax la iska waydiiyo waxa ka dhalan kara.

Mr Mukhtaar ayaa farta ku fiiqay in wali ay dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay taageerada Qaramada Midoobey.

"Go'aankani waa go'aan muhiim ah balse wali muujinay inay Soomaaliya wali u baahan tahay taageerada amni marka ay la rabo in si tartartiib ah Soomaaliya loogu wareejiyo arrintaasi" ayuu yiri Mr Mukhtaar.

Maxamed Mukhtaar ayaa xusay in baahida loo qabo ay ka mid tahay in wali Shabab ay halis ku yihiin Soomaaliya ayna dowladda u baahan tahay in arrintaasi laga taageero.

"Salka waxay arintaasi ku haysaa baahida UNTMIS loo qabo oo ah wali inay sii joogto sababtoo ah wadanka wali waxaa ka jirta khatar Al-shabab ah, sidoo kale ciidamada Soomaaliya kuma filno amniga guud ee dalka inay iyaga kaligood maareeyaan" ayuu yiri Mr Mukhtaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u codsatay in la soo gabagabeeyo howlaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.