Muxuu Trump ku samayn doonaa shidaalkii uu ka qabsaday Venezuela?

Xigashada Sawirka, ANDREW CABALLERO-REYNOLDS / AFP/ Getty Images
Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu sii hayn doono ama iibin doono Shidaalka cayriin ee ku jirta maraakiibta uu ku qabtay xeebaha Venezuela, iyo sidoo kale maraakiibta laftooda.
Hadalka madaxweynaha Maraykanka ayaa yimid iyadoo Washington ay weli ku cadaadinayso hoggaamiyaha dalka Koonfurta Ameerika Nicolás Maduro inuu iscasilo.
Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay Florida isniintii, Trump wuxuu yiri saliidda waanu ilaalinaynaa, isagoo raaciyay: "laga yaabee inaan iibino, laga yaabee inaan ilaalino, laga yaabee inaan u adeegsan doono kaydka istiraatiijiga ah, sidoo kale waan ilaalineynaa maraakiibta."
Maamulka Trump ayaa ku eedeeyay Venezuela inay u adeegsato dakhliga Shidaalka si ay u maalgeliso dambiyada la xiriira daroogada, halka Caracas ay dhaleeceysay qabsashadaas oo ay ku tilmaantay "burcad-badeednimo".
Ciidamada Maraykanka ayaa bishan gudaheeda gacanta ku dhigay laba markab oo nooca shidaalka qaada ah, Sabtidii.
Trump ayaa soo saaray digniintiisii ugu dambeysay iyadoo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Mareykanka ay sii wadeen baacsiga markab saddexaad oo noocashidaalka qaada ah, kaasoo mas'uuliyiinta ay ku tilmaameen qeyb ka mid ah "suuqamadow" ee Venezuela ee loo adeegsaday inay ka baxsadaan cunaqabateynta Mareykanka.
"Way socotaa, waanan qaban doonaa," ayuu yiri Trump.
Shalay oo isniin ahayd, ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay fuliyeen weerar ay ku sheegeen in uu ahaa markab la tuhunsan yahay in uu ku tahriibinayey biyaha caalamiga ah ee bariga Pacific-ga. Taliska koonfurta Maraykanka ayaa sheegay in hal qof lagu dilay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar la waydiiyay in hadafka buuqaan uu yahay in Maduro lagu qasbo in uu xilka isaga tago, Trump wuxuu ku jawaabay: "Hagaag, waxaan u maleynayaa inay dhici karto...Taasi isaga ayay ku xiran tahay waxa uu doonayo inuu sameeyo. Waxaan u maleynayaa inay caqli gal tahay inuu sidaas sameeyo. Laakin mar labaad, waan ogaan doonnaa."
Maraykanka ayaa sii xojiyayjoogitaankiisa millatari ee badaha Pacific-ga iyo Caribbean-ka, waxaana uu fuliyay weerarro lagu hoobtay oo lagu qaaday doomo laga leeyahay dalka Venezuela oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen daroogada, waxaana ku dhintay ku dhawaad 100 qof.
Ma aysan soo bandhigin wax caddeymo ah oo sheegaya in maraakiibtaasi ay sideen daroogo waxaana militarigu uu la kulmayaa baaritaan dheeraad ah oo ka imaanaya Congress-ka oo ku saabsan weerarada.
Isagoo hadlayay Isniintii, Trump wuxuu ku celiyay in Mareykanka uu doonayo inuu sidoo kale weeraro bartilmaameedyada dhulka ah.
Isagoo ka hadlayay Telefishinka Qaranka, Maduro ayaa u jawaabay Trump isagoo yiri: "Wuxuu ku fiicnaan lahaa dalkiisa inuu kala tacaalo arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada.
Tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday bishii Janaayo, Trump waxa uu laba jibaaray abaal-marintii la siinayo qofkii keena macluumaad horseeda soo qabashada Maduro, isaga oo ku eedeeyay in uu yahay "mid ka mid ah ka ganacsatada maandooriyaha ugu weyn adduunka".
Maamulka Trump ayaa xukuumadda Maduro u aqoonsaday urur argagixiso oo ajnabi ah (FTO), wuxuuna todobaadkii hore amar ku bixiyay in la " xannibo" maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela.
Maaddaama dowladda Venezuela ay si weyn ugu tiirsan tahay dhoofinta shidaalka si ay u bixiso kharashaadka dowladda, tallaabooyinkii ugu dambeeyay ayaa caro ka dhex dhaliyay saraakiisha Caracas.
Codsiga Venezuela, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu kulan degdeg ah ka yeesho arrinkaan.













