Baaritaan ku aa qaabka uu u dhintay taliyihii ciidnka Liibiya oo bilowday

Maxamed Cali Axmed Al Xaddaad

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, BBC News Türkçe
    • Role, Londra

Janaraal Maxamed Cali Axmed al-Xaddaad iyo afar qof oo kale ayaa saarnaa diyaarad nooceedu ahaa Falcon 50 oo ka duushay caasimadda Turkiga ee Ankara fiidnimadii xalay ee Talaadada.

Qoraal uu soo dhigay barta X, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Cali Yerlikaya ayaa uu ku sheegay in signalladii diyaaraddaas la waayay ku dhawaad siddeeddii – qiyaas ahaanna ahayd afartameeyo daqiiqo kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Ankara.

Diyaaraddan oo ku sii jeedday magaalada Tripoli ayaa dirtay codsi ku saabsan degitaan degdeg ah ka hor inta aan xidhiidhkeedu lumin.

Burburka diyaaradda ayaana markii dambe laga helay koonfur-galbeed magaalada Ankara, waxaana hadda socda baadhitaan ku aaddan waxa sababay shilka.

Qoraal dambe oo uu soo dhigay X, Yerlikaya wuxuu ku qoray in booliisku ay ku arkeen hadhaaga diyaaraddii agagaarka tuulada Kesikkavak, oo ka tirsan degmada Haymana. Wuxuu sheegay in "dadwaynaha lala socodsiin doono sida wax ku danbeeyaan".

Dalka Liibiya, Cabdul Xamiid Dbeibeh, oo ah ra'iisul wasaaraha Dawladda Midnimada Qaran (GNU) ee beesha caalamku aqoonsan tahay, ayaa sheegay inuu helay warka ku saabsan dhimashada Janaraal Xaddaad iyo saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan millateriga Liibiya oo saarnaa diyaaraddaas.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay "khasaaraa weyn" oo soo gaadhay qarankaas.

Janaraal Xaddaad iyo kooxdiisa ayaa ku sugnaa Turkiga qaybna ka ahaa looga gol lahaa xoonintayo iskaashiga dhinaca milateriga iyo amniga ee u dhexeeya labada dal.

Turkiga ayaa door muuqda ku leh Liibiya ka dib markii uu soo faragaliyay sannadkii 2019-kii si uu uga hortago in ciidamo ka yimid bariga dalka ay ay Meesha ka saaraan dawladda ka jirta Tripoli ee caalamku aqoonsan yahay, isagaoona la leh xidhiidh oo siyaasadeed, dhaqaale iyo millateriba.

Baadhitaanno la bilaabay iyo Liibiya oo wafti u diraysa Trukiga

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Magaalada Ankara ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan shilka diyaaradda.

Qayb ka ah baaritaankaas, afar xeer-ilaaliye ayaa loo xilsaaray, iyagoo hoos imanaya isku-duwidda ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud.

Sanduuqa madow (black box) ee diyaaradda weli lama helin.

Sababta shilka ayaa la go'aamin doonaa kaddib marka la dhammeeyo baaritaannada farsamo.

Dalka Liibiya ayaa Ankara u diraya wafdi si ay ula socdaan una dabagalaan baaritaanka socda.

Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa ka codsaday shacabka in ay ku ekaadaan oo keliya wararka iyo bayaanada ka imanaya hay'adaha rasmiga ah ee ku saabsan shilka.

Khariidad muujinaysa marinkii diyaaradda dhacday ay ku socotay

Sidii ay wax u dhaceen

Sida uu sheegay Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, diyaaraddii sidday Taliyaha Guud ee Ciidanka Liibiya, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Axmed Al-Xaddad iyo wafdigii la socday ayaa 23-kii Diseembar saacadda maxalliga ah markii ay ahayd 8:17 ka kacday Garoonka Diyaaradaha ee Ankara Esenboğa.

Diyaaraddu saacadda 10:33 daqiiqo ayay xarunta koontaroolka hawada u gudbisay farriin degdeg ah, iyadoo sheegtay cilad dhinaca korontada ahi in ay haysato, isla markaana waxay codsatay degitaan degdeg ah.

Xarunta koontaroolka hawada ayaa diyaaradda dib ugu leexisay Garoonka Esenboğa, waxaana garoonka laga bilaabay qaadista tallaabooyin degdeg ah oo lagama maarmaan ah.

Diyaaraddii oo hoos u sii degaysa ayaa saacaddu markii ay ahayd 10:36 daqiiqo waxay ka baxday shaashadda raadaarka.

Intaas kaddib, xidhiidh dambe lama helin diyaaradda.

Qayb ka mid ah burburka (hadhaaga) diyaaraddii dhacday oo la sawiray habeennimo

Xigashada Sawirka, Osmancan Gurdogan/Anadolu/Getty Images

Sida ku cad xog ay boggeeda baraha bulshada ku baahisay shirkadda dabagasha duulimaadyada ee FlightRadar24, diyaaraddii fulinaysay duulimaadka HMJ185 ayaa saacaddu markii ay ahayd 10:32 waxay ku duulaysay joog dhan 32,475 feet.

10:33 daqiiqo ayaa qalabka isgaadhsiinta ee diyaaraddu waxa uu diray calaamad degdeg ah, halka 10:41 ay calaamaddaasi luntay iyada oo maraysa meel u dhow tuulada Babayakup.

Dhanka kale, Garoonka Diyaaradaha ee Ankara Esenboğa ayaa shilka kaddib muddo kooban laga xidhay duulimaadyada, balse markii dambe dib ayaa loo furay.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Turkiga, Yaşar Güler oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Liibiya, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Al-Xaddaad

Xigashada Sawirka, milli savunma bakanlığı