Macallin Mahdi: 'Waxaan ka codaynayaa goobtii aan ku dhaawacmay 15 sano ka hor'

Xigashada Sawirka, Mahdi Cumar Muumin
Dadweynaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa markii ugu horraysay u dareeraya doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir oo ay dadweynuhu codkooda dhiibanayaan. Doorashadan waxa la sheegay in ay isu diwaangeliyeen dad aan ka yarayn hal milyan oo qof.
Taliyaha booliska gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaanno Macallin mahdi, waxa uu ka mid yahay dadka isu diwaangeliyay doroashadan. Waraysi uu siiyay BBC-da ayaa uu ku sheegay in isaga ay ahmiyad gaar ah u samaynayso arrintani. Waxa u sheegay in goobta uu ka qaatay kaarka codbixintu ay ahayd isla meeshii uu ku dhaawacmay dhowr iyo toban sano ka hor.
"Goobtaasi waxa ay ku taallal degmada Dayniile, gaar ahaan Oodweyne. Waxaan garowsaday in aan iska diiwaangeliyo halkaasi. Sababtuna waxay tahay saamayn ayay ku leedahay noloshayda. Dhowr jeer ayaan ku dhaawacmay weerarrada al-Shabaab. Laakiin halkan ayaa ahayd meeshii ugu horraysay ee dhaawac iga soo gaadho sannadkii 2009-kii,"ayaa uu yidhi.
Sida uu dhaawacu ku soo gaadhay
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa uu ku yidhi: "Markii aan salaadda casir tukannay galabkii Arbacada oo ku beegnaa 27-kii May 2009 ayay na soo weerareen. Rag aan saaxiibbo ahayn oo halganka igula jiray ayaan gobtaas ku waayay, waxaan ka xasuustaa Nuur Adan Dalabaco iyo Saciid Rooble Geelhore, aniga iyo tobaneeyo kalana dhaawacyo culus ayaa naga soo gaaray. Waxay ahayd billowgii kala miiranka maxkamadaha Islaamiga iyo Shabaab."

Xigashada Sawirka, Mahdi Cumar Muumin
Kala duwanaashaha dareenkiisa labada jeer
Hoggaanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale cabbiray kala duwanaanshaha labada wakhti iyo sida uu noqday dareenkiisu markii uu goobtaasi dib u booqday.
Macallin Mahdi ayaa dhinaca kale waxa uu BBC-da uga warramaya sida ay u kala duwan yihiin labada muuqaal ee sannadaha badan ay u dhaxeeyaan.
"Markii ana goobta tagay si aan isu diiwaangeliyo waxa ii sawirantay sawirku sida uu ahaa markii aan dhaawacmay ee saaxiibbadayna ay ku dhinteen. Jibaadka iyo taaha saaxiibaday oo dhiig baxayay ayaan maskaxdayda ka go'in. Waxay ahayd maalin mugdi ah oo meeshan uu dagaal ka socday. Waxa kala miirmayay Midowgii Maxkamadaha iyo al-shabaab. Dad is yaqaanna ayaa is dilayay. Maalintii aan tagayayna waxay ahayd meelin aan cabsi lahayn oo dadku ay damaashaadayaan. Waxaanan tagay goor habeennimo ah," ayaa uu yidhi.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: "Shahaadada is-diiwaangelinta ee la i siiyay uma arko oo keliya shahaado diiwaangelin ee waa astaanta ii muujinaysa halgankii aan galay in uu midho dhalay. Waxayna caddeyn u tahay in caasimaddeennu ay maanta joogto heer ay muwaadiniintu codkooda si nabad ah ugu dhiiban karaan.
Macallin Mahdi oo hadda ah taliyaha ciidammada booliska gobolka Bnaaadir ayaa hore uga tirsanaan jiray Midowgii Maxkamadaha Islaamka.
Macluumaad ku saabsan doorashada

Xigashada Sawirka, Doorasahda Soomaaliya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalinta Khamiista ah 25-ka bishan ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho looga dareero doorasho qof iyo cod ah oo noqonaysa tii ugu horraysay ee in muddo ah dalka ka dhacda.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tirada ilaa hadda qaadatay kaararka codeynta ay sii kordheyso lana filayo in ay gaarto ilaa 480-kun.
"Ilaa iyo hadda waxaan bixinay ku dhawaad 480-kun, hadda waxaan mareynaa 430-kun, maalinkii dhowr iyo labaatan kun dad ka badan ayaa qaata, tirada kor ayey u socotaa" ayuu yiri guddoomiyaha oo intaas ku daray in ay si rasmi ay u sheegi doonaan maalinta talaadada tirada qaadatay kaararka.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay tababareen dad gaaraya shan kun iyo labo boqol oo qof oo ka shaqeyn doona goobaha cod bixinta oo kor u dhaafaya illaa shan boqol oo goobood.
Sanadkii hore dhammaadkiisa ayey guddiga doorashadu sheegeen in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah balse dib ayey u dhacday.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa hore u qaadacay doorashooyinkaas iyagoo ku tilmaamay mid dowladdu dano ka leedahay.
Sidoo kale waxaa jirtay dood ay qabeen siyaasiyiinta qaarkood oo ku aadan in xaaladda dalku ku sugan yahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubbaland iyo dowladda Federaalka aanu wanaagsaneyn.













