Gabar aayad Qur'aan ah kaga yaabsatay Taliban

Xigashada Sawirka, adele
"Ma dareemin wax cabsi ah, sababtoo ah waxaan rumaysnaa in dalabkaygu uu xaq yahay," ayay tidhi gabadh 18 jir ah oo reer Afgaanistaan ah oo ka soo horjeedda sida wax u socdaan, hammigeeduna ahaa inay hesho shahaado jaamacadeed, taas oo ka xumaatay xayiraadda Taliban ay ka saartay haweenka tacliinta sare.
Iyada oo ka cadhaysan rajada ah in ay rumayso mustaqbalkeeda, ayaa gabadhan (oo aan magaceeda u baddalnay ammaankeeda awgeed) ay mudaharaad aan caadi ahayn oo kaligeed ah la hor hortimid jaamacadda Kabul, iyadoo ku baaqaysa boodh ay ku qoran yihiin kelmado Qur’aan ah.
Axaddii 25-kii Diseembar, Adela waxa ay istaagay albaabka hortiisa iyada oo kor u haysa loox ay ku qoran tahay kelmad xoog badan oo Carabi ku qoran - iqra, ama 'akhri'.
Muslimiintu waxay rumaysan yihiin in weedhani ay ahayd kelmaddii ugu horreysay ee uu Eebbe ku soo dejiyey Nebi Muxamed NNKH.
"Ilaah wuxuu na siiyay xaqa waxbarashada, waxaan u baahannahay inaan ka cabsanno Alle, ma ahan inaan ka cabsanno Talibanka oo doonaya inay naga qaataan xuquuqdeenna," ayay u sheegtay BBC laanteeda Afgaanistaan.
"Waan ogaa in ay si xun ula dhaqmeen dibad baxayaasha, way garaacaan, sida oo kalena hub u adeegsadeen - waxay isticmaalaan qalabo kala duwan oo dadka muddharadaaya ay kaga hortagaan, laakiin iyada oo waxaas oo dhan jiraan ayaan ka hor tegay oo iska caabbiyey.“
“Markii hore si dhab dhab ah uma ay qaadan warkayga, markii dambe se, mid ka mid ah dableyda ayaa iga codsaday inaan baxo."
Markii hore adele, looma arkayn mudaharaadkeeda wax weyn, laakiin looxa warqadda ku rakiban tahay ee ay sidatay ayaa si tartiib tartiib ah u soo jiitay dareenka ilaalada hubaysan ee ku xeeran.
Iyada oo sidata boodhkeeda ayay u tagtay mid ka mid ah xubin ka tirsan Taliban.
"Waxaan ku weydiiyey, "ma akhrin kartaa waxaan qoray" ayay tidhi.
Waxba ma uu odhan, markaa Adela ayaa sii waday: "Miyaanad akhrin karin ereyga Ilaahay?"
Wuu xanaaqay wuuna ii hanjabay.

Xigashada Sawirka, adele
Boodhkeedii waa laga qaaday waxaana lagu qasbay in ay baxdo abbaaro 15 daqiiqo oo bannaanbax kaligeed ah kaddib.
Intay mudaaharaadaysay, walaasheed oo ka weyn waxay fadhiday gaadhi taxi ah oo ay sawiro ka qaadaysay, muuqaalna ka soo duubaysay mudaharaadka.
"Taksiilaha ayaa aad uga baqay Taliban, waxa uu ka baryayay walaasheed inay joojiso duubista filimka, isagoo ka baqaya dhibaato, wuxuu ka codsaday inay ka degto gaadhigiisa," ayay Adela noo sheegtay.
Ka dib bixitaankii degdegga ahaa ee ciidamada caalamiga ah ee Maraykanku hoggaaminayo, Taliban waxay ku soo noqotay xukunka Afgaanistaan Ogosto 2021.

Xigashada Sawirka, adele
Xayiraadaha ayaa ku sii kordhaya haweenka
Ugu horrayn waxay mamnuuceen in habluhu ay tagaan dugsiyada sare. Bishii Sebtembar ee sanadkan, waxay ka mamnuuceen gabdhaha inay bartaan maadooyinka qaarkood, waxayna u sheegeen inay dooran karaan oo keliya jaamacadaha ku yaalla gobolkooda.
20kii Disembar, waxay mamnuuceen in haweenka ay galaan jaamacad, taasoo keentay cambaareyn caalami ah, ka dibna maalmo ka dib waxay joojiyeen NGO-yada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Haweenka, gaar ahaan ardayda jaamacadaha ayaa tan iyo xilligaas ka dhiidhinayey mamnuucidda waxbarashada.
Qaarkood waxay adeegsanayeen hal-ku-dhigga ah “Haweenka, Nolosha, Xoriyadda” ee ay caanka ku yihiin mudaaharaadyadii dhawaan ka dhacay Iran.
Mas’uuliyiin ka tirsan jaamacadda Kabul, oo ay hadda afar kulliyadood ka yihiin haween, ayaa BBC-da u sheegay in haweenka macallimiin ah loo diiday inay galaan jaamacadda.













