Taalibaan oo qaadday tallaabo kale oo ka dhan ah haweenka Kabul

Sawirkan la qaaday 2017 ayaa muujinaya haween ku sugan fagaare ku yaal magaalada Kabul – haatanse dumarka waa laga mamnuucay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sawirkan la qaaday 2017 ayaa muujinaya haween ku sugan fagaare ku yaal magaalada Kabul – haatanse dumarka waa laga mamnuucay

Ururka Taalibaan ayaa haweenka ka mamnuucay inay booqdaan dhammaan goobaha loo nasiino tago ee magaalada Kabul, iyagoo sidaas uga hor istaagaya qeyb kale oo kamid ah noloshii caadiga aheyd ee ay haweenku ku heli jireen gudaha waddanka Afgaanistaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda farta wanaagga, xumaantana reebta, ayaa BBCda sheegay in kooxaha maamula beeraha loo nasiino tago ee ku yaal caasimadda loo sheegay in aanay haweenka u ogolaan inay gudaha galaan.

Kooxda Taalibaan ayaa ku andacoonaysa in shuruucda Islaamka aanan lagu dhowrin goobaha nasiinada.

Waxaa si wayn loo xaddiday xuquuqda iyo xorriyadaha haweenka tan iyo markii Taalibaan ay awoodda Afgaanistaan la wareegtay bishii Agoosto 2021.

Shuruucda Taalibaan ayaa dhigaysa in dadka lagu kala saaro jinsigooda, haweenka ayaa todobaadkiiba saddex maalmood loo ogolaa inay booqdaan beeraha loo nasiino tago – waa maalmaha Axadda, Isniinta iyo Talaadada – halka raggana ay lahaayeen afarta maalmood ee soo hartay.

Haatan haweenka ayaanan loo ogolayn inay tagaan goobahaasi xitaa haddii ay la socdaan rag qaraabadooda ah.

“Waxaynu sidan u samaynay maadaama 15-kii bilood ee la soo dhaafay, wallow aan dedaallo samaynay, haddana dadka tagaya goobaha loo nasiino tago aanay ixtiraamin sharciga,” Maxamed Akif, afhayeenka wasaaradda farta wanaagga, xumaantana reebta, ayaa BBCda u sheegay.

“Xayiraaddu waxa ay saamaynaysaa haweenka oo dhan, haddii ay la socdaan maxram iyo haddii aanay la soconba.”

Dagaalyahannada Taalibaan ayaa la arkay iyagoo booqanaya beer loo nasiino tago waxyar uun kaddib markii ay soo galeen caasimadda Kabul

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada Taalibaan ayaa la arkay iyagoo booqanaya beer loo nasiino tago waxyar uun kaddib markii ay soo galeen caasimadda Kabul

Xayiraadda haweenka lagu soo rogay ayaa waxa ay taabanaysaa xitaa goobaha carruurta lagu madadaaliyo ee ay yaallaan gawaarida ay dhallaanka ku ciyaaraan iyo garaagirta wayn ee la raaco, halkaas oo ay qoysasku geeyeen carruurtooda.

Waxa ay u muuqataa in xilligan la joogo xayiraadda ay ka dhaqangashay magaalada caasimadda ah oo kaliya, hasayeeshee waayadii hore shuruucda noocan oo kale ah ayaa ugu dambayntii la gaarsiin jiray guud ahaan dalka.

Haweeney wakaaladda wararka ee Reuters kula hadashay mid kamid ah albaabada laga galo beer ku taal magaalada Kabul ayaa sheegtay inay niyadjabtay markii dib looga celiyay halkaas.

“Markii ay hooyo wadata carruurteeda timaado halkan waa inay u ogolaadaan inay carruurteeda la gasho beerta, sababtoo ah carruurtan wax wanaagsan maba aanay arag… waa inay ciyaaraan oo laga farxiyaa,” ayey tiri Masooma, taas oo magaceedaas uun ku gaabsatay sababo amni awgood.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mudadii Taalibaan ay maamulaysay Afgaanistaan waxaa haweenka dalkaasi laga hor istaagay xorriyad badan, iyadoo haween badanna la garaacay kaddib markii ay dalbadeen xuquuqdooda.

Haweenka ayaa laga mamnuucay inay galaan safarrada dhaadheer iyadoo aanay la socon rag maxram u ah. Inta badan gabdhaha yaryar ee dalka ayaanan weli ku laaban iskuullada, wallow Taalibaan ay ballanqaadeen inay u ogolaan doonaan inay tagaan iskuullada.

Halka ay weli haween ka shaqeeyaan goobaha qaar sida daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, haddana inta badan dumarka waxaa loo sheegay in aanay shaqo tegin kaddib markii Taalibaan ay la wareegeen awoodda. Bishii May ee sanadkan digreeto la meelmariyay ayaa haweenka ku amartay in ay meelaha fagaaraha ah ku xirtaan niqaabka oo ay wajiga dataan, wallow magaalooyinka qaar aanan weli arrintaasi laga dhaqangelin.

Taalibaan ayaa wacad ku martay in aanan la caburin doonin haweenka sidii hore u dhacday markii koobaad ee awoodda dalkaasi ay la wareegeen 1990-meeyadii.

Waxa ay sheegeen in ay haatan qadarinayaan xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada Islaamka, aysanna ka soo horjeedin in haweenka ay waxbartaan ama ay shaqeystaan.

Hasayeeshee diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa Taalibaan u bidhaamiyay in dib loo bilaabo maalgelinta mashaariicda horumarinta dalkan wajahaya dhibaatada dhaqaale ay ku xiran tahay sida loo horumariyo habka loola dhaqmo haweenka.