Maxaad kala socotaa burburka markabkii Titanic ee badda gunteeda yaalla (Sawirro)

Xigashada Sawirka, RMS Titanic Inc
Waa sawir marka la eego durba la aqoonsan karo markabkii caanka ahaa ee Titanic, kaasoo ka muuqda gunta hoose ee badweynta Atlantigga.
Laakin daahfurkan cusub wuxuu muujiyey saamaynta ay baddu ku yeelatay, iyo sid a tartiibta ah ee ay u cuntay wixii ka haray markabkaas.
Arrintan ayaa lagu ogaaday mar qalabka Robotka lo yaqaanno loo diray gunta hoose ee badda, si uu halkaas sawirro uga soo qaado.
Sawirradii ay soo qaadeen ayaa laga arkay in burburkii Titanic uu wax badan is beddelay ka dib markii uu muddo ka badan 100 sano yaallay gunta hoose ee badda. Markabka ayaa degay bishii Abriil 1912, ka dib markii uu ku dhacay buur weyn oo baraf ah, waxaana ku dhintay 1,500 oo qof.

Xigashada Sawirka, RMS Titanic Inc
“Qaabka loo naqshadeeyey afka hore ee Markabka ayaa ahaa mid cajiib ah, waana tan 1aad ee maskaxdaada ku soo dhacaysa marka aad ka fikirto burburka markabka. Haddase sidiisii uma eka” ayey tiri Tomasina Ray oo ah agaasimaha uruurinta burburka ee RMS Titanic Inc oo ah shirkadda arrintan ogaatay.
“Waxa uu na xusuusinaysaa sida uu markabku ugu sii baaba’ayo badda hoosteeda maalin kasta. Dadku waxay mar walba is weydiiyaan “ilaa intee in le ‘eg ayuu Titanic halkaa oollaan karaa? Ma garanayno, laakin laakin isha ayaan ku haynaynaa”.
Koox sahmiyeyaal ah ayaa rumaysan in qayb ka mid ah burburkii Titanic oo 4.5 mitir ah ay go’day oo ay dhacday muddo laba sano laga joogo.
Sawirro ay sii daayeen 2022 ayey sahmiyeyaal ka socday shirkad la yiraahdo Magellan iyo shirkad filimada samaysa oo la yiraahdo Atlantic Productions waxay ku muujiyeen in burburkaas uu weli ku dheganaa, inkastoo uu xilligaas bilaabay inuu sii go’o.
Qaybtaas kaliya ma ahayn ee markabkaas oo fadhiya 3,800 mitir oo ah gunta hoose ee badda, haatanna ku sii libraya badweynta. Qaybta birta ah ee markabka ayaa waxaa cunaya daxalka badda.

Xigashada Sawirka, Alamy
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhowr sahmin oo hore ayaa muujiyey in qaybo ka tirsan Titanic ay ja-jabayaan, siina kala fuqayaan. Koox hoos u gashay badda gunteeda oo uu hogaaminayey Victor Vescovo 2019 ayaa muujiyey in qayb markabka ka tirsan oo ay saraakiishu seexan jireen ay dumaysay, ayna burburisay qolal, ayadoo aaggii suuliga kabtanka markabka ka dhigtay meel aan muuqan.
Xagaagan ayaa laba qalabka Robotka ah oo laga hago dibadda waxay ka soo qaadeen in ka badan hal malyan oo fiidiyow muddo 24 saac ah, kuwaasoo tayada muuqaalkoodu uu aad u sarreeyey.
Shirkaddu waxay si taxaadar leh dib ugu eegeysaa muuqaalladaas, ayadoo doonaysa inay ka samayso muuqaal aad u faahfaahsan oo ah nooca loo yaqaanno 3D goobta uu ku markabku ku degay.
Bilaha soo socda ayaa la sii deyn doonaa muuqaallada uu robotku soo qaaday.
Kooxdu waxay kaloo ku dhawaaqeen inay ku rajo weyn yihiin daahfur kale oo ah xagga sawirrada.
1986, taallo maar ka samaysan oo ah taallada Diana of Versailles ayaa la arkay, waxaana sawir ka qaaday Robert Ballard oo sannad ka hor helay burburka Titanic.
Laakin goobta ayaan la garanayn, lamana diiwaan galin marnaba sheygaas dhererkiisu gaarayo 60cm, inkastoo badda gunteeda lagu arkay isagoo foorara.

Xigashada Sawirka, RMS Titanic Inc
“Wuxuu ahaa sidii cirbad ku dhex jirta tubaal, daahfurka sannadkanna waa muhiim” ayuu yiri James Penca, oo ah cilmi baare baaris ku sameeya Titanic. Taallada ayaa waxaa la tusi jiray rakaabaka qaybta 1aad ee Titanic.
“Qaybta 1aad (First class) waxay ahayd tan ugu qurxoon, uguna waasacsan xagga qolalka ee markabka. Halka dhexda ahna waxaa ku yaallay hoolka Diana of Versailles” ayuu yiri.
“Laakinse nasiib darro markii u Titanic laba qaybood u kala jabay oo uu degayey ayaa qaybtaas ay kala go’day. Burburkiina wuxuu keenay in taallada ay ka dhacdo maradii saarnayd oo iyadoo sidaas ah ay badda ku dhacdo”.
Shirkadda RMS Titanic ayaa leh xuquuqda in la soo badbaadiyo burburkii Titanic, waana shirkadda kaliya ee sharci ahaan xaq loo siiyey inay burburka soo saarto.
Hore ayey u soo saartay kumanaan shey oo adduunka daafihiisa lagu soo bandhigay.













