Titanic: Sida uu raadiye u badbaadiyay 700 oo qof oo saarnaa markabkii caanka ahaa ee qallibmay?

Habeenimadii ay taariikhdu ku beegneyd 14-kii bishii April ee sanadkii 1912-kii ilaa subaxdii 15-ka April waxaa dhacay shilkii burburiyay markabkii weynaa ee Titanic.
Waxa uu markabkan oo ka safray magaalada Southampton, England ku sii jeeday magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Balse inta uusan gaarin meesha uu u socday waxa uu ku dhacay baraf weyn oo badda dhexdeeda ku sameysmay sidaas ayuuna ugu qallibmay badweynta Atlantic.
In ka badan 1,500 oo qof ayaa ku dhintay biyaha, inkastoo 700 oo ruux ay ka badbaadeen musiibadaas. Waxa dadkaas badbaadiyayna wuxuu ahaa xiriirka raadiyaha lagu hadlo.

Xigashada Sawirka, PA
Maxay ahaayeen wixii dhacay ee sababay inay dadka ku dhintaan biyaha?
Abaare 5:40 pm, 14-kii April, 1912-kii, xilli uu markabka ka tallaabayay badweynta Atlantic ayuu si lama filaan ah ugu dhacay dhagax baraf ah oo aad u weyn.
Markabkii weynaa ayaa islamarkiiba dhexda ka kala dillaacay, biyihii ayaana billaabay inay kusoo hoobtaan.
Thomas Andrews, oo ah ninkii soo hindisay markabka Titanic wuu saarnaa marka uu quusayay markabkaas caanka ah.
Khasaarihii ka dhashay barafka dhagaxa ah ayuu qiimeeyay waxa uuna kabtankii u sheegay in markabka uusan badbaadi karin.
Marconi oo ahaa raadiyihii dhinaca isgaarsiinta ee markabka ayaa durba billaabay inuu diro farriimo lagu dalbanayo caawinaad. Markii ay saacaddu ahayd 6:15 pm ayaa la billaabay dirista farriimaha oo loo adeegsanayay qalabka telegraph-ka.
Howshaas ayaa la sheegay inay sabab u noqotay badbaadinta in ka badan 700 oo ruux oo markabka Titanic la socday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarkaalkii mas'uulka ka ahaa qaybta iskaarsiinta ee markabka Titanic, Jack Phillips, ayaa farriimaha gurmadka lagu codsanayay u dirayay maraakiibta kala ah Carpathia iyo Frankfur oo ku jiray badda. Waxa uu u sheegayay in markabkooda uu baraf ku dhacay uuna qarka u saaran yahay inuu quuso.
"Waxaan dadka rakaabka ah saareynaa doomo yaryar, carruurta iyo haweenka ayaan mudnaan siineynaa, korontada xilli kasta oo hadda ka billowda way dambi kartaa."
"Dadkiinnaan nacasyada ah, is diyaariya, dareenkiinnu ha joogo", ayaa ka mid ahaa farriimaha ka imaanayay Titanic.
"Waxaan kasoo hadleynaa markabka Titanic. Biyaha si xowli ah ayay ugu qulqulayaan qolka matoorka," ayuu yiri Jack Phillips.
Jack Phillips ma uusan kasoo badbaadin shilka, marar badanna waxaa la sheegay in uu ahaa nin aad u dhiiran oo caqli badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraakiibta kale xilligaas ma aysan rumeysneyn in farriimahaas ay ka imaanayeen Titanic. Korntadii waxay go'day markii la gaaray 8:10 pm oo habeennimo.
Qalabkii isgaarsiinta ee Marconi wuxuu joojiyay shaqada maadaama aysan jirin koronto dab siineysa. Qatbta hore ee markabka waxay ku quustay biyaha, qaybta dambeyna hoos ayay u janjeersatay.
10 daqiiqo kaddib, markii ay saacaddu mareysay 8:20 pm, markabka waxa uu u kala jabay labo, dhammaantiisna biyaha ayuu ku quusay.
Labo saacadood kaddib markii ay labadii qayboodba biyaha hoostooda galeen, waxaa yimid markabka Carpathian oo soo gaaray goobta uu shilku ka dhacay.
Doomaha badbaadada ayaa lagu caawiyay dadkii 700 ahaa ee markabka laga saaray.
Waxaa la qiyaasay in dad ka badan 1,500 oo qof ay ku geeriyoodeen shilka habeenkaas dhacay. Sababta ugu weyneyd ee ay dadku durba u dhinteen waxay ahayd in biyaha ay baraf ahaayeen, cimiladuna ay aad u qaboobeyd.
Markabka Carpathian cidna meesha uguma uusan imaan lahayn haddii markii horeba aan dadaal loo sameyn lahayn in dadka qaarkood la saaro doomo la buufiyay oo ku meel gaar ah.
Maxaa xigay?
Haraadiga burburkii Titanic waxaa sanadkii 1985-kii laga helay meel 740 meyl [740 km] u jirta magaalada Newfoundland ee waddanka Canada.
Shirkadda RMS Titanic ayaa 1980-kii codsatay in lasoo saaro burburka markabkii musiibadu ku dhacday.
Tan iyo 1987-kii waxay shirkaddaas biyaha hoostooda naaquudeyaal u dirtay ilaa siddeed jeer. Ilaa hadda khubarada baaritaanka soo sameyneysay waxay soo saareen qalab gaaraya 5,500 oo ay ka mid yihiin lacago qalin ah iyo dahab.
Shirkadda RMS Titanic waxa ay sidoo kale qorsheyneysaa inay robot biyaha hoostooda ku shaqeynaya u dirto halkaas si la isugu dayo in lasoo saaro qalabkii isgaarsiinta ee Marconi, kaasoo sabab u ahaa badbaadinta boqollaal ruux.











