Waa kee dalka la sheegay in sida markabkii Titanic u quusi doono

Xigashada Sawirka, Reuters
Mid ka mid ah siyaasiyyinta ugu sarreeysa Lubnaan ayaa ka digay in guud ahaan dalka uu u quusi doono sida markabkii Tatanic ilaa dowlad laga dhiso.
"Guud ahaan dalka Khatar ayuu ku jiraa, waa sida markabkii Titanic," waxaa sdidaasi yiri afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri. "Haddii uu quuso ama uu dego markabka ma jiri doonto cid bad-baadeeyso."
Lubanaan waxay dowlad la'aan ahayd in ka badan muddo toddobo bilood ah.
Maamulkii hore ayaa is casilay ka dib markii uu dhacay qarixii gilgilay dekadda magaalada Beeyruut.
Musiibadaasi ayaa horseedday dhaqaale xumo baahsan oo keentay in nus ka mid ah dadka reer Lubnaan ay saboolnimo ku noolaadaan. Sidoo kale wuxuu qaraxa sababay dibadbaxyo baahsan oo ay dadku dalbanayeen in meesha laga saaro siyaasiyiinta gaamuray iyagoo ku eedeeyay musuqumaasuq iyo maamul xumo.
Mr Berri oo ka hadlayay furitaanka baarlamaanka ayaa ku baaqay in la ansixiyo amaah deg-deg ah oo 200 o milyan oo doolar ah si loogu bixiyo kharaashadka korontada si dadka reer libnaan ay labada bilood ee socota u helaan iftiin.
Shirkadda Korontada ee dowladda ee EDL ayaa u baahan lacag lagu bixiyo shidaalka matoorada korontada wixii ka dambeeya bishaan haataan sii dhamaaneyso.
Axaddii, mid ka mid ah afarta goobood ee ugu waaweyn ee shirkadda korontada ayaa la damiyay gaas la'aan awgeed.
Shirkadda korontada ee EDL waxay haatan ku shaqeyneysay amaah la meel mariyay 2020-kii sababtoo ah xukuumadda hadda jirta ma qaban karaan kulamo lagu meel marinayo misaaniyadda sannadkan.
Ilaa xukuumad cusub laga soo dhiso baarlamaanka Lubnaan ma sameyn karaan isbadlada ay beesha caalamka dalbanayso.
Bilooyinkii ugu dambeeyay, hogaamiyaasha siyaasadda ayaa ku doodayay dhisidda xukuumad cusub,iyadoo isla markaana ay xaaladda Lubnaan sii xumaaneysay maalinba maalinta ka sii dambeeysa.











