Vladimir Putin: 20 sano iyo 20 sawir

Madaxwa Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlaya olola doorasho March 2018

Xigashada Sawirka, Getty Images

Vladimir Putin ayaa dhawaan xusi doona 20 sano oo u hogaaminayay Ruushka, xilliyadaas oo ahaa madaxwayne ama rai'sul wasaare, waxaa soo maray dhibaatooyiin siyaasadeed iyo dhancdooyiin waawayn.

Bill Clinton ayaa madaxwayne ka ahaa Mareykanka markii ugu horeysay oo Putin uu noqdo madaxweyne oo ahayd 31 december 1999-kii, xilligaas oo uu ahaa sargaal ka tirsanaa sirdoonka dalkaas ee loo garanayo KGB.

Tan iyo xilligaas oo ah 20 sano, waxaa Mareykanka soo maray saddex madaxwayne, halka UK ay soo mareen shan ra'isul wasaare.

Intii uu xilka hayay oo ay soo wajaheen fadeexado gudaha ah, kuwa dhanka ciyaaraha ah iyo sawiro dacaayad ahba, waxaan maanta eegeynaa sawirada qeexaya Mr Putin iyo 20 sano oo uu awoodda hayay.

Putin oo gacan qaadaya Boris Yeltsin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Vladimir Putin waxaa loo magacabay rai'sul wasaare bishii August 1999 ka hor inta usan xilka madaxwaynanimada kala wareegin Boris Yeltsin 31 December

Putin ayaa ra'isul wasaare loo magacaabay markii ay Ruushka billaabeen howlgalkii labaad ee Jeejniya, bishii October 1999, ka dib weeraro lala eegtay dhismeyaal.

Ciidamada Ruushka ayaa isku gedaamay caasimadii Jeejniya ee Grozny. Sannadkii 2003-dii, Qaramada Midoobay waxay magaaladaas ku tilmaamtay in burburkii ugu badnaa uu soo gaaray marka caalamka loo eego.

Putin oo saaran diyaarad dagaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Putin ayaa u duulay Jeejniya March 2000, bilo ka dib markii howlgalka la bilaabay

Muddo sannado ah, waxaa dalka Ruushka ka dhacayay weeraro ay fulinayeen kooxa mintidin ah, waxaana weeraradaas ka mid ahaa midkii 2004 lagu qaaday iskuulka Beslan oo ay ku dhinteen 330 qof oo ay intooda badan ahaayeen caruur.

Putin iyo golaha wasiirada oo daqiiqad aamusnaan ah u sameeynaya weerarkii iskuulka Beslan 2004

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Mr Putin waxaa markii ugu horeysay si toos ah loo doortay bishii March 2000, muddo bilo ah gudahoodna waxaa soo wajahday dhibaato dhanka xiriirka bulshada ah.

Musiibadii markabkii Gunjiska ahaa ee Kursk waxa ku dhintay 118 oo ahaa shaqaalihii saarnaa.

Putin oo la kulmaya qaraabada dadkii ku dhintay musiibadii Kursk

Xigashada Sawirka, ITAR-TASS/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin oo la kulmaya qaraabada dadkii ku dhintay musiibadii Kursk

Markii uu gujiskaas quusay, bishii August 2000, Ruushka maalmo ayey ku qaadatay in uu wargeliyo ehellada dadkii ku dhintay halkaas oo ahaa dalxiisayaal.

Putin iyo George W Bush oo Texas, ku kulmay 2001

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin iyo George W Bush oo Texas, ku kulmay 2001

Tobonkii sano ee ugu horeysay ee uu xafiiska joogay, Vladimir Putin wuxuu xiriir wanaagsan la lahaa wadamada reer galbeedka in kastoo uu dhalleeceynayay siyaasaddooda arrimaha dibadda.

Putin iyo Berlusconi oo xilli xagaa ah ku sugan goob duurjoogta lagu xanaaneeyo oo ku taalla waqooyiga Moscow 2003

Xigashada Sawirka, ITAR-TASS/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin iyo Berlusconi oo xilli xagaa ah ku sugan goob duurjoogta lagu xanaaneeyo oo ku taalla waqooyiga Moscow 2003
Boqoradda Britain Elizabeth II iyo Vladimir Putin 2003 waana markii ugu horeysay oo ay boqortooyada UK casuunto hoggaamiye Ruush ah tan iyo 1874

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqoradda Britain Elizabeth II iyo Vladimir Putin 2003 waana markii ugu horeysay oo ay boqortooyada UK casuunto hoggaamiye Ruush ah tan iyo 1874

Ruushka ayaa marti galiyay shirkii ugu horreyay ee dalalka G8, 2006.

Angela Merkel, Tony Blair, Jacques Chirac, Vladimir Putin iyo George W Bush 2006 shirkii G8 ee St Petersburg

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Angela Merkel, Tony Blair, Jacques Chirac, Vladimir Putin iyo George W Bush 2006 shirkii G8 ee St Petersburg

Sida ku qoran dastuurka Ruushka, Putin madaxweyne ma ahaan karo seddax xilli oo isku xiga, sidaa darteed, 2008 wuxuu noqday Ra'iisul Wasaare oo afar sane uu ahaa.

Dadka qaar waxay madaxweynihii xilligaas u arkeen qof meesha isaga magacaaban oo u hayay ninkii isaga madaxda u ahaa.

Mr Putin oo booqanaya ciidamo ku dhaawacmay dagaalkii Georgia iyo Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Putin oo booqanaya ciidamo ku dhaawacmay dagaalkii Georgia iyo Ruushka

Markii Georgia ay ciidamadeeda u dirtay gobolka koonfurta Ossetia 2008, Ruushka ayaa gudaha u galay Georgia.

Sannadkii 2014 waxaa Ruushka ay qabsadeen gobolka Crimea ee bariga Ukraine taas oo keentay in Mareykanka iyo Yurub ay cunaqabatayn saaraan Ruushka lagana saaro xubinnimadii G8.

Putin oo ku dhawaqaya qabsashadii Crimea

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Putin oo ku dhawaqaya qabsashadii Crimea
Waa Putin oo sawir la qaadanaya dad ku sugnaa Creamia mar uu booqday 2019

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Waa Putin oo sawir la qaadanaya dad ku sugnaa Creamia mar uu booqday 2019
Volodymyr Zelensky, Emanuel Macron, Vladimir Putin iyo Angela Merkel magaalada Paris bishii December 2019

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Volodymyr Zelensky, Emanuel Macron, Vladimir Putin iyo Angela Merkel magaalada Paris bishii December 2019

Dagaalka Suuriya ee socday afarta sano wuxuu Putin taageero u fidiyay madaxwayne Bashar al-Assad, oo markii hore qarka u saarnaa in ay dowladiisa burburto.

Go'aankii Mr Putin uu diyaaradaha iyo gawaarida gaashaaman ugu diray Suuriya ayaa badalay saaxada dagaalka ee dalkaas.

Putin iyo Bashar al-Assad 2017

Xigashada Sawirka, TASS/Getty

Qoraalka sawirka, Putiniyo Bashar al-Assad 2017

Ka dib guushii Donald Trump ee doorashadii Maeykanka 2016, waxay ugu dambeyn waaxda sirdonka Mareykanka sheegtay in Ruushka u farageliyay doorashada.

Putin oo gacan qaadaya madaxwayne Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin oo gacan qaadaya madaxwayne Donald Trump

Sannadkii 2018, UK ayaa Ruushka ku eedeysay in ay dalkeeda gudihiisa ku sumeeysay nin horey uga tirsanaa sirdoonkii Ruushka, Sergei Skripal.

Theresa May iyo Vladimir Putin oo is gacan qaadaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Theresa May iyo Vladimir Putin oo is gacan qaadaya

Xilligiisii xafiiska, madaxweynaha Ruushka waxaa loo arkay in uu dhowrayo sumcaddiisa iyo sumcadda dalkiisa. Sawirro la shaaciyay xilliyo kala duwan oo ah muddadii uu xilka hayay, waxaa loo arkay in lagu muujinayay in uu yahay nin adag oo awood leh.

Putin oo sita qori ah nooca shiishka wanaagsan

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Putin oo sita qori ah nooca shiishka wanaagsan
Putin oo Eey kula la ciyaaraya xillii uu baraf jiro 2013

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin oo Eey kula la ciyaaraya xillii uu baraf jiro 2013
Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Vladimir Putin oo ciyaaraya ciyaarta la ciyaao xilliga barafka

Ruushka waxay sidoo kale marti galiysay ciyaarihii koobka aduunka ee 2018-kii iyo ciyaarihii Olambikada 2014.

Madaxwayne Putin waxa uu door muhim ah ka ciyaaray martigalintii Koobkii aduunka 2018

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxwayne Putin waxa uu door muhim ah ka ciyaaray martigalintii Koobkii aduunka 2018

Sawirradan oo dhan waxay leeyihiin xuquuq lahaansho