Fardaha, salaanta iyo farsamo xun: Maxaa la ogol yahay ama ka reeban fursadaha sawir ee hoggaamiyayaasha

Image shows Boris Johnson and Angela Merkel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa cadaalad haddii la dhoho in sawirka aad soo bahiso wuxuu la imaanayaa heerkaada hoggaamiyo ee calamiga ah.

Fursadda sawir ee siyaasadeed hadda waa wax iska caadi ah, balse sawirro gaar ah ayaa baraha bulshada soo jiitay horraantii isbuucan.

Sawirrada hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, oo saaran faras, waxaa ka muuqday dhaqan, lebis iyo farriin.

Haddaba waxaa soo saarnay qaar ka mid ah sawirrada keydka, halkan ayaana isugu keennay si aad u fahanto. Kuwiina doonaya in ay siyaasiyiin noqdaan: Iska eeg qoralkan.

Samee. in aad si wayn oo deggan uga fakarto qorshaha

North Korean leader Kim Jong Un rides a horse during snowfall in Mount Paektu

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un waxaa sawirka laga qaaday isagoo buur dusheeda ku fuulaya faras, si aan caadi ahaynna u lebisan.

Maxaa halkan ka socda?

Waa su'aal sax ah. Waa Kim Jong-un oo saaran faras cad oo dhex socda barafka iyo geedaha buurta ugu dheer dalkiisa.

Tiro sawirro ah oo la yaab leh - marka si daacad ah loo hadlana, mucjiso ah - oo Kim uu saarna buurta quruxda badan ee Paektu, ayaa la baahiyay, horrantii isbuucan.

Maxaan ka baran karnaa?

In qorshaha isu diyaarinta fursad sawir in si dhab ah ay u tahay arrin u baahan in laga fakaro.

Kuuriyada Waqooyi waxay ku adkeysaneysaa in Buurta Paektu ay tahay meesha ay ku dhasheen Kim aabihii iyo awowgii. Taa marka la eego, dadka falanqeeya sawirada waxay sheegayaan in muuqaalka ay bixinayaan sawirradan in aysan ahayn xasuusinta awoodda iyo maamulka Kim Jong-un.

"Sawirraddan waxaa loogu talagalay dadka gudaha dalkaas ku nool oo keli ah," ayuu yiri Prof. Hazel Smith oo muddo korka kala socday kuuriyada Waqooyi.

"Waxay jilayaan sawirrada awowgii oo faras cad saaran iyo in gacan laga geysasto sharci ahaanta iyo awoodda maamul ee xukunkiisa".

Buurta Paektu waxay astaan dahabi ah u tahay dhaqanka Kuuriyada Waqooyi.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Buurta Paektu waxay astaan dahabi ah u tahay dhaqanka Kuuriyada Waqooyi.

Hase yeeshee, khubarada qaar ka mid ah waxay ku doodayaan in sawirradan ay yihiin kuwo asal ahaan loo diyaariyay muujinta sarreynta Kim.

"Waxay dadka u muujinayaan in uu aad uga duwan yahay," ayuu yiri Khabiirka arrimaha Kuuriyada Waqooyi Dr Sojin Lim. "In uusan ahayn bini-aadam caadi ah - sida in uu aad uga sarreeyo."

Ha sameyn: in aad hilmaamto dhaqdhaqaaqa jirkaaga

Qoraalka Muuqaalka, Waa sax in la dhoho waa salaan diiran oo siyaasadeed

Maxa halkan ka dhacay?

Taas waa Ra'iisl Wasaarihii hore ee UK, oo si deggan u salaameysa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waa horrantii sannadkan. Waa sirgaxan!.

Maxaan ka baran karnaa?

Sida ka muuqato dhaqdhaqaaqa jirkaas iyo shucuurta wejiga, waa u muhiim fursadda sawirka.

Ha ku fakarin in xiisadda halkan ka muuqata ay qalad lama filaan ah tahay. Taas waxay diri kartaa farriin cad.

Kullankan gaarka ahaa waa midkii ugu horreeyay ee labada hoggaamiye ay yeesheen tan iyo markii UK lagu dhex sumeeyay jaajuuskii hore ee Ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia. UK waxay eedeysay Ruushka oo diiday ku lug lahaanshaha dhacdadaas.

Haddaba, xiisadda aad ayey u sareysay. Waxaa si cad loo dhihi karaa in sawirkan uu muujiyay arrintaas.

Samee: in aad muujiso waxyaabaha aad jeceshahay

Russian President Vladimir Putin fishes in the remote Tuva region in southern Siberia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa halkan ka socda?

Waa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isagoo aan shaati xirneyn ku damaashaadaya xeebaha Siberia.

Mr Putin wuxuu noqday hoggaamiyaha ka faa'ideysta fursadaha sawir, waxaana horey loo baahiyay isagoo ugaarsanaya, kalluumeysanaya iyo isagoo jimicsanaya, kuwaas oo dhan si qurux badan ayey ku soo bexeen.

Maxaan ka baran karnaa?

Fursadahaas sawir oo dhan waxay bixinayaan muuqaalka arrin. Mr Putin waa qof si deggan u qorsheeya sawirrada noocan ah.

"Waxay aasaas u yihiin bixinta iyo fahansiint qaabkiisa siyaasadeed," ayey tiri Prof Kataryna Wolczuk, oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadda Ruushka.

Balse maxay tahay sababta markasta loo soo sawiro isgoo sameynaya shaqooyiin ka baxsan kuwiisa caadiga ah?

"Waxay taas oo dhan tahay awooddiisa jireed," ayey sheegtay Prof Wolczuk. "Ragga Ruushka waa in ay awood lahaadaan, ayna sameeyaan wax kasta oo halis loo arko. Putin wuxuu sawirradan ku muujinayaa in uu yhay nin shaqo badan".

"Sidoo kale waxaa halkan (Ruushka) ka jira dhaqan kale oo caado ah, kaas oo ah in awoodda mamul ay leeyihiin dadka jirkoodu dhisan yahay," ayey hadalka ku sii dartay.

Image shows Russian President Vladimir Putin as he plays with his dogs

Xigashada Sawirka, AFP

Balse dhammaan ma ahan hub iyo lagdin. "Putin, iyo hoggaamiyayaasha kale, waxay ka fakaraan muujinta dhankooda dabacsan. Wuxuu isku deyayaa in uu dhinacyadiisa oo dhan muujiyo," ayey tiri Prof Wolczuk.

Eeg sawirka kore ee Putin uu la ciyaarayo eeyaha.

Ha sameyn: in aad muujiso cabsi nacasnimo ah

Boris Johnson got stuck on a zip-line on August 01, 2012

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa halkan ka socda?

Kaas waa Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson oo raadinaya qof garab siiya ka dib markii uu ku xannibmay xarigga lagu taraaraxo ee meelaha dhaadheer lagu xiro.

Waxay dhacday 2012-kii, xilligaas oo uu ahaa maayarkii London.

Maxaan ka baran karnaa?

Waa fursad sawir oo musiibo ah balse ay u badan tahay in si wanaagsan looga faa'ideysan karo.

Isla markii la arkay Boris Johnson oo xarrigga ku xanniban oo meeshaas sare ka lusha, kaftan iyo waxyaabo kale oo laga sameeyay ayaa baraha bulshada ku baahay. Sida midkan.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Presentational white space

Inta badan siyaasiyiinta, waxay arrinta u noqon kartaa musiibo. Laakiin, sida uu qof u sheegay wargeyska The Guardian, horraantii sannadkan, "wuxuu u muuqday qof ka fa'ideystay oo adeegsaday".

Ha sameyn: in lagugu qabto bedelidda sawirka

Altered image which ran in Al-Ahram (Courtesy al-Masry al-Youm)

Xigashada Sawirka, Al-Ahram

Maxaa halkan ka dhacay?

Waa sawir uu shucac ku jiro (oo laga soo qaaday wargeys) kaasoo muujinya madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo horkacaya Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo madaxda kale ee Bariga Dhexe, sannadkii 2010-kii.

Waxa sawirka lagu qaaday Aqalka Cad, wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay in Wadahadalladii Nabadda ee bariga Dhexe ay dib u bilowdaan. Intaa way ku filan tahay soo ma ahan?

Maxaan ka bran karna?

Mark ay timado fursadaha sawirka, arrimaha ma ahan sida ay u muuqdaan markasta.

Waakan sawirka saxda ah - bal garo farqiga.

Egyptian President Hosni Mubarak, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, US President Barack Obama, Palestinian Authority President Mahmoud Abbas, and King Abdullah II of Jordan are pictured in 2010 at the White House

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida kuu muuqata, Obama ayaa hoggaaminaya, Mubaarak-na gadal yuu ka soo socdaa.

Haddaba, dhab ahaantii, Wargeyska dowladda Masar ayaa sawirka badalay, markaan cadaalad u noqono xafiiskii Xusni Mubaarak ma ahan kuwa sawirka sidan yeelay. Balse weli waa ceeb.

Samee: in aad ka fakarto indhaha

US President Donald Trump signing an abortion-related order in the Oval Office

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa halkn ka socda?

Sawirkan taariikhiga ah waxaa laga qaaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, maalintiisii ugu horeysay ee xafiiska. (Waa 23 January 2017).

Wuxuu muujinayaa isagoo saxiixaya digreeto la xiriirta ilmo iska soo xaaqidda. Waxaa ku hareereysan saraakiishii sare ee Aqalka Cad oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Mike Pence oo dhanka bidix ka taagan.

Maxaan ka baran karnaa?

In dadka gadaal ka muuqda ay qiimo u yeelayaan sawirka.

Kani wuxuu ahaa fursad sawir oo iska caadi ah, balse si weyn oo aan fiicnayn looga falceliyay. Wargeysyo, bogag Twitter ah iyo telefishinno ayaa si guud uga wada qeyb galay ka falcelinta sawirkan.

Maxaa sida xanaaqa leh loogaga falceliyay? Sababtoo ah, maadaama amarka madaxweyne si weyn loo dhalleeceeyay, haddaba sawirka qof dumar ah kama muuqato.

"Dhammaan ragga waxay si fudud ugu gudbeen in ay go'aan ka gaaraan arrimaha dumarka. Taas ma dhici karto," ayuu qoray qof ka mid ah dadka Twitter-ka adeegsada. "ogeysiis, qof kale oo maqan?" ayuu weydiiyay mid kale.

Laakiin, qof ceebtiisa, waxay fursad u thay mid kale. Halkan hoose waxaa ka muuqda ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha Sweden oo ka jawaabtay wax dad badan ay u qaateen daandaansi ku jees-jeesid ah.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2