Dagaalka Ukraine: Maxay yihiin dabeecadaha u gaarka ah Vladimir Putin?

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, Getty

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin

Vladimir Putin waa mid ka mid ah siyaasiyiinta lagu tilmaamo inay dhexdhexaad ahaayeen tobankii sano ee la soo dhaafay, isla mar ahaantaana, ay adagtahay in la fahmo ninkan.

Maxaan ka ognahay nolosha hoggaamiyahan qalalaasaha ka dhaliyay caalamka? Maxaa ku dhiirigeliyay? Waa kuman ninkan xoogga badan?

Steven Lee Myers wuxuu muddo toddobo sano ah magaalada Moscow uga soo warramayay wargeyska New York Times.

Muddadaas waxa u suurtagashay in uu la kulmo oo uu waraysiyo la yeesho Vladimir Putin, iyo sidoo kale in uu falanqeeyo isbeddelkiisa dhinaca awoodda.

Wareysi uu siiyay BBC Mundo, Steven Lee Myers waxa uu Putin ku sheegay in uu yahay qof cod kar ah oo sheekeeya isla markaana inta badan diiradda saaro kala dambeynta iyo xasilloonida, xoojinta dalkiisa iyo nacaybka uu u hayo reer galbeedka.

Steven Lee Myers wuxuu BBC-da uga sheekeeyay cidda dhiirigelisa Putin, waxa laga yaqaano dadka u dhow iyo waxyaabaha sugayo xilli uu dagaal ku qaaday Ukraine.

Myers waa qoraaga taariikh nololeedka Vladimir Putin, haddana waa tifaftiraha maamulka Beijing ee New York Times.

Steven Lee Myers.

Xigashada Sawirka, Michael Lionstar

Qoraalka sawirka, Steven Lee Myers.

'Putin waa qof mar kasta doonayo in uu guuleysto'

Steven Lee Myers ayaan weydinayay, waxa uu ugala jeedo, Putin waa nin mar kasta doonayo in uu guuleysto?

Waxaan ula jeedaa, Laba iyo labaatankii sannadood ee uu xukunka hayay, waxa jirtay dhawr jeer oo ay dadku moodayeen in ninkani aanu ka bixin karin caqabadaha uu la kulmay.

Markii hore wuxuu dagaal kula jiray Chechnya, markii uu madaxweyne noqday , dadka waxay dhigeen didbaxyo lagu soo dhaweynayo, Waxaa dhacay mudaaharaadyo waaweyn. hal maalin ah waxaa waddooyinka Moscow isugu soo baxay hal milyan oo qof. Dadka waxay lahaayeen, "sidee ku badbaadi kartaa?"

Kadib markii uu Ruushka qabsaday gobolka Crimea sanadkii 2014, arrintaas waxay saameyn xooggan ku yeelatay dhaqaalaha Ruushka, waxaana hoos u dhacay qiimaha lacagta Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, Putin waxa uu ku guulaystay in uu xukunka sii hayo, dhinaca kalena, waxa uu muujiyay in uu yahay qof awood leh.

Markaa taasi waa waxa aan ula jeedo, ilaa hadda, Putin wuxuu ku guuleystey inuu niyad jabiyo kuwa rajo ka qabay in xukunka si khasab ah looga qaadi doono.

Dagaalkii Chechenia, 1994.

Xigashada Sawirka, Getty

Qoraalka sawirka, Dagaalkii Chechenia, 1994.

Waa sidee kulanka fool ka foolka ah ee Putin?

Steven Lee Myers wuxuu sheegay in muddo ah uu kasoo warrami jiray Ruushka, sidaas darteed mar hore ay si fiican isku barteen. wuxuu ka sheekeynayaa dabeecadaha Putin marka uu qof la kulmayo.

Wuxuu sheegay in Putin uu yahay qof hadal-yaqaan ah oo aad u wanaagsan, dadka qaarkii waxay taas ugu nisbeeyaan xirfaddiisa ciidanka KGB, wuxuu yimaadaa kulanka isaga si wanaagsan isku soo diyaariyay.

Wuxuu dib usoo hadal qaadaa warbixinno la xiriira mowduucyda kala duwan ee looga hadlayo kulanka, si faahfaahsan ayuu uga faaloodaa isaga oo aan heysan warqad.

Angela Merkel iyo Vladimir Putin oo ku kulmay Moscow sanadkii 2020.

Xigashada Sawirka, Getty

Qoraalka sawirka, Angela Merkel iyo Vladimir Putin oo ku kulmay Moscow sanadkii 2020.

Waa qof maskax leh, sidoo kale waxaad u maleyneysaa in uu yara xanaaqsan yahay, xitaa waxaan arkay isaga oo xanaaqsan.

Waa nin dadka hadalka ka dherjiyo, garanaya halka uu hadalka u wado, wuxuu ku dareensiinayaa waxa uu ka hadlayo.

Dadka isaga wax badan ka yaqaanna, sida Angela Merkel, tusaale ahaan, waxay Obama u sheegeen xilligii xiisadda gobolka Crimea in Putin uu ku noolaa adduun kale.

La taliyaha Macron ayaa maalmo ka sheegay hadalkaas mid lamid ah.

Markaa waxay ila tahay inay jirto arrintan ku saabsan Putin, yeynaan oranin waa dhalanteed, balse waxa uu dunida ka arkaa aragti ka duwan tan ay leeyihiin dadka isaga la macaamila.

Ma jirtaa wax dhacdo ah oo Putin yaraantiisii ​​astaan u ah aragtidiisa adduunka?

Waxaa jira dhowr waxyaabood… Waxaan buuggeyga ku bilaabaya anigoo ka hadlaya Putin aabihiis iyo khibradii uu u lahaa dagaalkii labaad ee aduunka. Waxa uu ahaa askari ka dagaalamay go'doominta Leningrad, iskahorimaad aad u xun oo ay malaayiin qof ku dhinteen oo ka dhacay halkaas.

Sidaa darteed dagaalka wuxuu saameeyay ku dhawaad ​​qoys kasta oo ku noolaa Midowgii Soofiyeeti, taasina waxay ku sii jirtaa xusuusta taariikhiga ah ee dhaqankooda ilaa maantadan la joogo.

Waxa uu koray wakhti uu Midowgii Soofiyeeti bilaabay in uu abaal-mariyo dadaalkaas.

Putin

Xigashada Sawirka, BSTU

Qoraalka sawirka, Putin

Midowgii Soofiyeeti, wuxuu ka adkaaday Nasigii Jarmalka, Waxaan u maleynayaa in waayo-aragnimadaas, waxyaabaha ku gadaaman dagaalka waa waxa uu Putin ku soo koray oo aasaas u ah dabeecaddiisa.

Waxaa kaloo jirta sheeko uu isagu ka sheekeeyo, oo aan la garanayn inay run tahay iyo in kale.

Waxa uu ka hadlayaa buug la qoray 1968-kii oo la oran jiray "Gaashaanka iyo Seefta", waxaa buuggan lagu xusay sheekada qof u eg sirdoon ku dhex milmay ciidankii Nazi-ga, oo gacan ka geystay inuu dagaalka ku guuleysto.

Putin wuxuu jeclaa buuggaas, wuxuuna sheegay inuu aad u qiirooday markii u akhriyay, waxay u horseeday in mar uu isku dayo in uu ku biro ciidanka KGB, inkastoo uu aad u yaraa.

Sidaa darteed, taasi waxay qayb ka ahayd fikradda ah inay ku howlan yihiin shaqo weyn oo ka dhan ah Nasiyiinta, t sidoo kale waa qayb ka mid ah luqaddooda dagaalka maanta ee Ukraine.