Vladimir Putin: Afar qaab oo loo sugo amniga madaxweynaha Ruushka

Putin iyo ilaaladiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma jiro wax aan la sameynin si loo ilaaliyo Vladimir Putin naftiisa.

Tallaabo kasta oo uu madaxweynaha Ruushka qaadayo waxaa si dhow ula socda boqollaal ilaalo ah oo wehliya maalin kasta 24-ka saac ee ay ka kooban tahay.

Cuntadiisa waxaa loo diyaariyaa si taxaddar leh, wax walba oo uu cabayana waa in ay marka hore kabadaan la-taliyeyaashiisa khaaska ah.

Sababta arrintan loo sameynayo waa in ninkan horay uga tirsanaan jiray sirdoonkii Soviet-ka uu si fiican u ogyahay khatarta ku hareereysan, gaar ahaan xilligan uu dagaalka ku jiro.

Putin waxa uu hoggaaminayaa dagaalka uu waddankiisa ku qaaday Ukraine, taasina waxay keeneysaa halis dheeraad ah.

Balse yaa mas'uul ka ah ilaalintiisa? Maxayse yihiin qaar ka mid ah tallaabooyinka loo qaaday si loo ilaaliyo naftiisa? Waa tan xog aad wax badan uga ogaaneyso arrimahaas.

1- Koox si weyn u sugeysa amniga

Ciidamada kala duwan ee dhinaca amniga u qaabilsan Ruushka waxaa ka mid ah koox si khaas ah loogu xil saaray in ay ilaaliyaan Madaxweynaha iyo qoyskiisa: Waxaana lagu magacaabaa Ciidanka Ilaalada Amniga Madaxweynaha.

Kooxdan waxay hoos tagaan Taliska Hay'adda Ciidamada Amniga ee Federaalka Ruushka, oo asal ahaan ka tirsanaan jirtay Hay'adda Sirodonka ee loo soo gaabiyo KGB. Waxay sidoo kale qaabilsan tahay amniga saraakiisha sar sare ee Ruushka, oo uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Mikhail Mishustin.

Sidaas awgeed, koox ciidamo si gaar ah u tababaran, oo dhagaha ay ugu jiraan qalabka isgaarsiinta ayaa ku hareereysan madaxweynaha habeen iyo maalinba.

Sida ay ku warrantay warbaahinta afka dwoladda ku hadasha ee lagu magacaabo Russia Beyond, marka ay ilaaladan madaxweynaha u raacayaan bannaanka, waxay isu qaybiyaan saddex kooxood.

Kooxda ugu dhow waxay u noqonayaan ilaalada khaaska ah.

Kooxda Labaad waxay iyagoo aan la fahansaneyn dhex galayaan shacabka.

Kooxda saddexaadna waxay waardiye ka qabanayaan dusha sare ee goobta uu madaxweynaha ku sugan yahay, si ay uga ilaaliyaan cid walba oo laga shakisan yahay oo soo gasha halkaas.

Kooxda afaraadna waa kuwo u tababaran shiishka oo la saaro saqafka kore ee dhismayaasha ku hareereysan meesha uu madaxweynuhu joogo.

Nin wax shiisha oo saaran mid ka mid ah darbiyada madaxtooyada Ruushka ee bartamaha Moscow

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin wax shiisha oo saaran mid ka mid ah darbiyada madaxtooyada Ruushka ee bartamaha Moscow

Ilaaladan waxay madaxweynaha u raacaan meel kasta oo uu tallaabo u qaado.

"Putin ma jecla in uu fuulo diyaaradaha qumaatiga u kaca; inta badan wuxuu ku safraa kolonyo gawaari ah, oo ay la socdaan mootooyin, gawaari midab madow, iyo kuwo kale oo qayb ka ah gaadiidka madaxtooyada. Marka uu socdo waxaa la joojiyaa dhammaan gawaarida shacabka, hawadana waxaa laga ilaaliyaa wax diyaarad ah ama kuwa loo yaqaanno drones-ka," ayuu yidhi Mark Galeotti, oo ah khabiir dhanka amniga u qaabilsan Ruushka.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada Ruushka waxaa caawiya laanta "Ilaalada Qaranka Ruushka", ama "Rosgvardia", oo lix sano ka hor uu abuuray Putin qudhiisa, laguna tilmaamay in ay yihiin "ciidan shakhsiyeed" oo uu sameystay madaxweynaha.

Waa laan ka madax bannaan taliska ciidamada amniga Ruushka. Inkastoo howlahooda ay ka mid yihiin ilaalinta xuduudaha, la dagaallanka argagixisada iyo arrimo kale, haddana shaqadooda khaaska ah waa in ay Madaxweynaha ka difaacaan khatar kasta oo suuragal ah.

"Qof walba wuu og yahay in ay yihiin ciidamada ilaalada khaaska u ah madaxweynaha," ayuu yidhi Stephen Hall, oo ah khabiir wax ka dhiga Jaamacadda Bath ee dalka UK.

Viktor Zolotov, a former Putin bodyguard, heads the National Guard.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Viktor Zolotov, oo horay ilaalo khass ah ugu ahaa Putin ayaa hadda hoggaaminaya kooxda ilaalada qaranka

Ninka hadda hoggaaminaya Ciidanka Ilaalada Qaranka waa Viktor Zolotov, oo horay u ahaan jiray waardiyaha khaaska ah ee Madaxweyne Putin.

Waa nin daacad u ah Madaxweynaha, sannadihii ugu dambeeyayna waxa uu kordhiyay tirada ciidanka amniga oo uu gaarsiiyay ilaa 400,000.

"Waa tiro aad u badan, ilaalada madaxweyneyaasha, sida madaxweynaha Mareykanka, uma dhawa tiradaasoo kale," ayuu yidhi Mr Hall, oo la hadlay BBC Mundo.

Maxay yihiin tallaabooyinka loo qaaday si loo ilaaliyo Putin?

Inkastoo ay adag tahay in la ogaado heerka ay gaarsiisan yihiin tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga Madaxweynaha, qaar ka mid ah waxaa tooshka ku ifiyay Madaxtooyada Kremlin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Ruushka.

2- Cuntada

Mid ka mid ah arrimaha sida aadka ah looga taxaddaro waa cuntada.

Sida uu sheegay Mark Galeotti, Putin waxa uu leeyahay dad u qaabilsan dhadhaminta raashinka, maadaama laga baqayo in la sumeeyo, waxayna tijaabiyaan wax walba oo uu madaxweynuhu cunayo.

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Qaabkan ilaalada ah wuxuu u eg yahay kii ay adeegsan jireen boqortooyooyinka, mana aha mid la mid ah amniga madaxweyneyaasha ee xilligan casriga ah," ayuu Mr Galeotti ku yidhi BBC-da.

Xitaa marka uu madaxweynuhu dalka dibaddiisa aado, kooxdan ayaa dhadhamineysa wax walba ka oo uu cunayo.

Stephen Hall, ayaa sheegay in kooxda ilaalada Madaxweynaha ay si dhow ula socdaan qaabka loo kariyo raashinka madaxweynaha, si khatarta looga hor tago.

3- Taleefannada casriga ah

Tallaabo kale oo loo qaaday si madaxweynaha amnigiisa loo sugo waa in telefoonnada casriga ah laga ilaaliyo madaxtooyada Kremlin.

Mid ka mid ah gawaarida wehliya Putin, meel kasta oo uu u dhaqaaqayo

Xigashada Sawirka, MIKHAIL SVETLOV

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah gawaarida wehliya Putin, meel kasta oo uu u dhaqaaqayo

Madaxweynaha Ruushka qudhiisa ayaa xaqiijiyay in uusan isticmaalin qalabka casriga ah ee isgaarsiinta.

Sanadkii 2020-kii ayuu wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, TASS, ku sheegay in haddii uu rabo inuu la xiriiro qof uu isticmaalo telefoon rasmi ah oo loogu talo galay.

Balse xaqiiqada ku aaddan in madaxweynaha uusan isticmaalin qalabkaas waa in uusan kalsooni ku qabin internet-ka.

Horay ayuu mar u sheegay in internet-ka uu yahay "Mashruuc ay leeyihiin CIA" - oo ah hay'adda sirdoonka Mareykanka. Dadka u dhashay Ruuhska ayuu ka codsaday in aysan waxba ka raadinin Google maadaama uu u arko in Mareykanku ay la socdaan xogta la galiyo adeeggaas.

Madaxweynaha Ruushka ma isticmaalo telefoonnada casriga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ruushka ma isticmaalo telefoonnada casriga ah

Isbadallada lagu sameeyay amniga madaxweynaha Ruushka kuma eka oo kaliya kuwa ku saabsan dhinaca weerarrada.

4- Karantiilka iyo cudurka safmarka ah

Waxaa kale oo laga ilaaliyaa fayraska corona.

Waqti xaadirkan, in loo dhawaado madaxweyne Vladimir Putin aad bay u adag tahay.

Hoggaamiyeyaasha faro ku tiriska ah ee la kulma waxaa lagu khasbaa in ay ka fogaadaan. Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu caansanaa ee arrintaas muujiyay waxaa ka mid ah markii uu dhawaan la kulmay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasoo isaga iyo Putin loo dhaxeysiiyay miis aad u dheer.

Putin iyo Macron

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay tabisay BBC-da laanteeda Ruushka, dhammaan dadka ka qayb galaya munaasabadaha uu xaadiro madaxweynaha waxaa la galiyaa karatiil labo isbuuc ah oo khasab ah.

15-kii bishan March, afhayeenka dowladda Ruushka, Dmitry Peskov, ayaa xaqiijiyay in ilaa hadda ay shaqeynayaan dhammaan tallaabooyinka loo qaaday in madaxweynaha laga ilaaliyo fayraska corona.

Putin iyo ilaaladiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tan iyo markii uu billowday cudurkan safmarka ah, madaxweynuhu uma safro deegaannada gudaha dalka, wayna yar yihiin munaasabadaha uu ka qayb galo.

Qaar ka mid ah dadka falabqeeya arrimaha sirdoonka ayaa sheegay in isbadalladan xad dhaafka ah ee lagu xoojiyay amniga madaxweynaha ay ka turjimayaan in Ruushka ay qaadeen tallaabooyin "ka badbadis ah".

Qaar kalena waxay sheegayaan in madaxweynaha oo horay usoo maray laanta sirdoonka uu cid walba ka og yahay muhiimadda ay leedahay in uu naftiisa ilaaliyo.

line

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

line