Dagaalka Ukraine: Dhowr dhacdo oo tusaale u ah inuu Putin 'isticmaali rabo' hubka nuclear-ka

Madaxweyne Putin wuxuu amar ku bixiyay in la diyaariyo hubkiisa nuclear-ka

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY VIA GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Putin wuxuu amar ku bixiyay in la diyaariyo hubkiisa nuclear-ka

Ugu horreyn, waa inaan qirto in aan marar badan u maleeyay in "Putin uusan tallaabo qaadi doonin" balse uu qaaday, ayuu yidhi wariyaha qoray maqaalkan, Steve Rosenberg, oo ka tirsan laanta af Pashto-ga ee BBC-da.

"Ma doonayo inaan xukumo Crimea," ayuu horay u yidhi Putin. Waxaana og nahay in markii dambe uu guud ahaan gacanka Criema ku darsaday Ruushka, uuna hoos yimid xukunkiisa. Taasi waxay dhacday 2014-kii.

"Ma rabo inaan dagaal ka billaabo Denbas," ayuu mar kale yidhi. Dhawaan inta uusan dagaalka Ukraine qarxinna, Putin wuxuu yidhi: "Si rasmi ah uma billaabayo dagaal lagu galayo gudaha Ukraine."

Hadda waxay ila tahay in erayga ah "Ma sameyn doono" aan loo dhihi karin Putin.

Balse arrinta ku saabsan in Putin uusan hadda riixi doonin batoonka laga rido hubka nuclear-ka waxaa ka taagan su'aalo culus.

Tallaabadaas waa mid la filan karo wixii ka dmabeeyay markii uu madaxweynaha Ruushka amar ku bixiyay in heegan loo galiyo hubkiisa nuclear-ka, wax yar kaddib markii uu billowday dagaalka Ukraine.

Hoggaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay isbahaysiga Nato ayuu xilligaas ku eedeeyay in ay "sameeyeen ficillo gardarro ah".

Tan iyo markaas wixii ka dmabeeyay, hadallada kasoo yeerayay Vladimir Putin, aad baa isha loogu hayay.

Maalmo kaddib markii ay militeriga Ruushka dagaal ku qaadeen Ukraine, Putin wuxuu ka digay "in waddan kasta oo soo faro geliya howlgalkiisa uu la kulmi doono cawaaqib uusan horay u arkin taariikhdiisa."

Dmitry Muratov, oo ah tifaftire ku guuleystay abaalmarinta Nobel-ka, xilli uu madax ka ahaa wargeyska Novaya Gazeta, ayaa yidhi: "Hadala Putin waa digniin toos ah oo ku aaddan dagaal nuclear la isticmaalo."

Mr Putin oo sanadkan ku sugnaa munaasabad ka dhacday xarun laga rido gantaallada

Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Mr Putin oo sanadkan ku sugnaa munaasabad ka dhacday xarun laga rido gantaallada

Muuqaal dokumentari ah oo la shaaciyay 2012-kii ayuu Putin ku yidhi: "Haddii Ruushka maamulkiisa lasoo faro gishto, xaq baan u yeelaneynaa inaan jawaab ka bixinno, jawaabtaasina waxay noqon doontaa mid musiibo ku ah bani'aadannimada, balse anigu waxaan ahayn muwaadin Ruush ah."

Wuxuu sheegay in haddii uu Ruushka uu muhiim u yahay adduunka haddii uu meesha ka baxana aysan wax kale jiri karin.

'Putin xaalad adag buu ku jiraa'

Hadda, waxaad mooddaa in Putin uu dagaalka Ukraine kala kulmay jawaab lama filaan ah. Dhinac militeriga Ukraine ayaa iska caabbin xoog leh kala hor yimid, dhinaca kalena waddamada Reer Galbeedkuna waxay ka mideysan yihiin cunaqabateynno xooggan oo ka dhan ah Moscow.

Cunaqabateynnadu waxay khatar gelinayaan dowaddii uu dhismaheeda waqtiga badan iyo dadaalka ku bixiyay Vladimir Putin.

Paul Felgenhair, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha gaashaandhigga, oo fadhigiisu yahay Magaalada Moscow ayaa yidhi: "Putin hadda wuxuu ku sugan yahay xaalad aad u adag."

"Mar haddii hantida laga xayiro bangiga dhexe ee Ruushka, Putin fursad kale ma heysto, nidaamkiisa ayaa burburaya," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hal waddo oo u furan waa in uu gaaska ka joojiyo Yurub, taasoo dalalka Yurub ku khasbeysa in ay dib u gurasho sameeyaan, tallaabada xigtana waa in uu gooyo badda Waqooyiga ee isku xirta Britain iyo Denmark. Waxa kale ee xigi kara waa inuu isticmaalo bambooyinka atomic-ga, sida uu sheegay khabiirka.

Graphic of weaponry presented by Vladimir Putin during his annual address on 1 March 2018

Xigashada Sawirka, Reuters

Haddii Vladimir Putin uu go'aan ku gaadho inuu isticmaalo nuclear, ma jiraa qof ka mid ah dadka ku hareereysan oo hor istaagi kara?

Dmitry Moradov, oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yidhi: "Saraakiisha ugu sarsarreeya Ruushka waligood shacabka mudnaan ma siiyaan, waxay taageeraan amar kasta oo hoggaamiyaha uu siiyo."

Xukuumadda Putin ee ka talisa Ruushka waa mid xoog badan, waddankana wax walba oo ay dooneyso ayay ka sameyn kartaa, sababtoo ah cid hor istaageysa ma jirto.

Paul Felgen ayaa isagana yidhi: "Ma jirto cid ku sugan Ruushka oo diyaar u ah in ay ka hor imaato Putin. Waxaan ku jirnaa xaalad khatar ah oo dhab ah."

Dagaalka Ukraine waa dagaal uu leeyahay Vladimir Putin. Haddii Madaxtooyada Kremlin ay gaarto ujeeddadeeda, kaddib waxaa meesha imaaneysa su'aasha ku saabsan xornimada Ukraine.

Dhanka kelena, haddii Putin uu guul darreysto ama u muuqdo in ujeeddadiisa aysan hirgeli karin, markaas waxaa jiri karta khatar weyn oo ku aaddan in xaaladdaas ay u horseedi karto isticmaalka hubka nuclear-ka, maadaama kalmadda "ma sameyn doono waxaas" aan loo adeegsan karin isaga.

line

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

line