Dagaalka Ukraine: Nin si dirqi ah uga soo badbaaday xasuuqii Yuhuudda oo ku dhintay madfac

Xigashada Sawirka, Buchenwald and Mittelbau-Dora Memorials Foundation
Nin u dhashay dalka Ukraine oo ka soo badbaaday xasuuqii Yuhuudda loo geystay xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa hadda ku dhintay weerarrada uu Ruushka ku hayo magaalada dhinaca bari ku taalla ee Kharkiv.
Boris Romantschenko, oo 96 jir ahaa, ayaa lagu dilay madfac ay ciidamada Ruushka soo tuureen oo Jumcadii ku dhacay dhismaha uu dagganaa, sida ay sheegeen dad qaraabadiisa ah.
Militeriga Ruushka ayaa muddo ka badan saddex isbuuc si aan loo meel dayin mdaafiic ula dhacaya magaalada Kharkiv, oo 30 meyl (50km) keliya u jirta xadka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.
Ugu yaraan 500 oo qof oo rayid ah ayaa ilaa hadda lagu dilay halkaas, sida ay shaaciyeen saraakiisha dowladda Ukraine.
Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay uu ahaa wiil sagaal jir ah.
Hay'adda u dhaqdhaqaaqda arrimaha la xiriira xasuuqii yuhuudda oo lagu magacaabo "Buchenwald and Mittelbau-Dora Memorials Foundation" ayaa sheegtay in ay "si aad ah uga murugootay" geerida Mr Romantschenko.
Hay'addan oo Mr Romantschenko uu ka ahaa guddoomiye ku xigeen, ayaa shaaca ka qaadday warkan kaddib markii ay kusoo wargeliyeen qoyska ninkaas, waxa ayna sheegtay in uu "si weyn uga soo shaqeeyay xasuusta ku aaddan dambiyadii ay galeen Nazi-ga".
"Waxaan ka baroor diiqeynaa geerida saaxiibkeen. Waxaan u rajeyneynaa wiilkiisa iyo gabadha uu awowga u yahay, oo nasoo gaarsiiyay warkan naxdinta leh, in ay helaan awood iyo adkeysi ay uga gudbaan xaaladdan adag," ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay Hay'addan.
Mr Romantschenko waxa uu 20-kii bishii January ee sanadkii 1926-kii ku dhashay magaalada ku taalla dhinaca waqooyiga-bari ee Bondari.
Waxaa gacanta ku dhigay oo xiray ciidamadii Nazi-ga ee qabsaday Midowgii Soviet, waxayna u musaafuriyeen dhinaca Jarmalka sanadkii 1942-kii, halkaasoo markii uu tagay lagu khasbay shaqooyin adag, sida ay hay'addu sheegtay.
Kaddib markii uu ka dhicisoobay isku day uu ku damcay inuu baxsado sanadkii 1943-kii, waxaa loo diray xerada dadka la isugu geyn jiray ee Buchenwald, halkaasoo lagu dilay ilaa 56,545 oo qof ka hor inta aysan ciidamadii huwanka xoreynin dhulka.
Waxa uu sidoo kale muddo ku xirnaa xerada Mittelbau-Dora, iyo sidoo kale xeryaha kale ee Bergen Belsen iyo Peenemünde.

Xigashada Sawirka, Buchenwald and Mittelbau-Dora Memorials Foundation
Waxa uu dib ugu laabtay xerada Buchenwald sanadkii 2012-kii si uu ugu dabaaldago xuska sanad guuradii 67-aad ee kasoo wareegtay markii xeradaas ay xoreeyeen ciidamadii Mareykanka.
Waxa uu goobtaas ka aqriyay erayo ay dhaheen dadkii badbaaday oo ay ku codsanyeen in la dhiso "adduun cusub oo lagu tixgeliyo nabadda iyo xornimada".
Xukuumaddii Nazi-ga ayaa dil u geysatay in ka badan lix milyan oo ka mid ahaa dadka Yuhuudda ah, oo ku kala sugnaa meelo kala duwan oo ka mid ah Yurub, intii u dhaxeysay 1941-kii ilaa 1945-kii.

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah
- Haddii hubka nuclear-ka la rido xeeladahan isticmaal si aad u badbaadid
- Xayawaankii mar sababi gaaray in nuclear la isticmaalo
- Turkiga oo shaaciyay waxa uu damacsan yahay Putin oo telefoon kula soo hadlay
- Saddex khalad oo ay militeriga Ruushka ka sameeyeen goobaha dagaalka
- Xog ku saabsan hubka nuclear-ka ee uu Ruushka u isticmaali karo Ukriane
- Ukraine oo kashiftay in diyaarado uu Turkiga siiyay ay Ruushka isaga dhicisay
- 'Waxaan kusoo kacay Ninkeyga oo laabta i geliyay balse taas micnaheeda wuxuu ahaa dagaal'
- Hadal heyn cusub oo ku saabsan hubka Turkiga iyo Dagaalka Ukraine














