Ukraine iyo Ruushka: 'Ninkeyga ayaa laabta i geliyay balse taas micnaheeda wuxuu ahaa dagaal'

Xigashada Sawirka, Intellias
Olha Svyripa waxay kusoo kacday 24-kii bishii February, 5.30am, wax ay ku qeexday "Ninkeyga ayaa sida ugu fiican laabta ii geliyay".
"Wuxuu igu yidhi 'fadlan soo kacm wuu billowday'."
Labo saacadood kaddib waxay gaadhi yar la raacday seygeeda, saaxiibteed iyo afar qof oo aysan garaneynin, si ay u billaabaan safar qaatay 18 saacadood oo ay uga baxeen magaalada Kyiv, si ay u gaadhaan magaalada Rivne ee ku taalla galbeedka Ukraine.
"Waxaan qaadannay waxyaabihii noogu muhiimsanaa - dukumiintiyo, laptop-yo, jaajarro. Ninkeyga wuxuu boorsada iiga buuxiyay buugaag, wuxuuna yidhi: 'way cuslaan kartaa balse waxay kaa difaaci kartaa haddii uu madfac soo dhaco firirkiisa'."
Olha laptop-keeda muhiim ayuu u ahaa, sababtoo ah waxay, sida dad badan oo kale oo reer Ukraine ah ay sameeyaan, rabtaa in ay shaqada sii wataan, inkastoo nolosheeda ay si buuxda isu baddashay.
Sida ay BBC-da u shegetay, waxay shaqada uga mashquushaa "wararka aan dhammaadka lahayn iyo naxdinta badan" ee ay uga walwaleyso saaxiibbadeeda ku sugan magaalooyinka ay madaafiicda ku socdaan.
Waxa ay u shaqeysaa shirkad software ah oo lagu magacaabo "Intellias" sheekadeedana waxay la mid tahay dad badan oo ay isla shaqeeyaan.
Oleksandr Bilyk wuxuu ku noolaan jiray magaalada Kharkiv, oo ku dhow xadka Ruushka, wuuna ogaa in dagaalka uu soo socday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Xitaa haddii ay waxa ugu xun dhacaan, kuma fikirin inaan 4.30am hurdada uga kici doonno qaraxyo. Balse sidaas ayaa dhacday."
Waxay meel isugu keeneen dhammaan xubnaha qoyskooda - oo ay ku jiraan labadooda wiil ee ay dhaleen - labo gaari ayayna ku galeen safar saddex maalmood qaatay oo ay ku tageen Ivano-Frankivsk.
"Waddada aad bay u xumeyd xaaladdeeda, boqollaal qof ayaa ka baxayay magaalada. Mararka qaar xaaskeyga cunugga ayay naaska nuujineysay, iyadoo gaarigana aan joojineynin."
Dad ay isla shaqeeyaan iyo saaxiibbo kale ayaa ku caawiyay labo magaalo oo ay ku hakadeen, kooxda maxalliga ah ee shirkadda Intellias ayaana ka caawiyay in ay helaan meel ay dagaan markii ay gaareen magaalada ay u socdeen.
Maalintii Isniinta ahayd ee xigtay, Oleksandr wuxuu aaday shaqada.
"Maalin kasta waxaan xafiiska u tagayay si aan u qabto howlaha degdegga ah, halka magaaladeydii quruxda badneydna la burburinayay."

Sidoo kale waxa uu maalin kasta wacaa saaxiibbadii uu uga soo tagay magaalada Kharkiv: "Waxaan iska rajeeyaa inay telefoonka iga qabtaan."
Shirkaddiisa, sida kuwo badan oo kale, waxa ay isku dayday in ay u soo rarto shaqaalaheeda dhinaca galbeedka Ukraine ama magaalada Krakow ee ku taalla waddanka deriska la ah ee Poland.
Covid ayaa caawiyay
Andrew Pavliv waa maamulaha guud ee shirkadda software-ka ee lagu magacaabo N-iX, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Ukraine. Tan iyo markii uu dagaalka billowday in badan oo ka mid ah shaqaalihiisa waxay u guureen magaalada Lviv, oo ah meesha uu isagu daggan yahay.
Isaga xitaa gurigiisa wuxuu u banneeyay qaar ka mid ah shaqaalihiisa, si ay ugu hoydaan.

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah
- Saddex khalad oo uu sameeyay Madaxweynaha Ukraine
- Ruushka oo magaalooyiin cusub oo ku yaalla Ukraine weerar ku qaaday
- Zelensky: 'Putin wuxuu galay dambi dagaal'
- Mareykanka iyo Poland oo isku mari la' go'aan culus oo ku saabsan dagaalka Ukraine
- Ardayga Hindiga ah ee Militeriga Putin ka difaacaya Ukraine
- Maraykanka oo Ruushka dartii ku qasbanaaday inuu la heshiiyo dal uu horay u go'doomiyay

BBC-da ayuu u sheegay in shirkaddiisa ay fuliso 80% ka mid ah howlaheeda, iyadoo adeegyo kala duwan u qabata macaamiisheeda ku kala sugan caalamka: "Waxaan garannay inay qayb muhiim ah oo ka mid ah dagaalka tahay in dadka shaqo la siiyo oo lasii wado bixinta canshuurta. Dadkuna way jecel yihiin inay shaqeeyaan," ayuu ku yidhi BBC-da.
Waxa uu intaas ku daray in cudurka safmarka ah ee Covid "uu caawiyay" maadaama dadka intooda badan ay la qabsadeen shaqada guriga laga soo fuliyo.












