Waa maxay dambi dagaal, cidda geystana sidee caddaaladda loo mariyaa?

Xigashada Sawirka, UKRAINE MILITARY VIA REUTERS
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa weerarka lagu qaaday isbitaalka carruurta dumarkana ay ku umulaan ku tilmaamay 'dambi dagaal'.
Waxaa laga yaabaa inaysan xaaladdu sidaa u muuqan, laakiin "xitaa dagaalku wuxuu leeyahay xeerar", sida Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas uu dhigayo.
Goobaha ay dagaalladu ka dhacaanna waxaa laga dhaqan geliyaa heshiiska Geneva, shuruucda iyo heshiisyada kale caalamiga ah.
Muxuu yahay dambi dagaal?
Heshiisyada iyo sharciyada dagaalku waxay dhigayaan inaan si ula kac loo duqeyn karin goobaha ay dadka rayadka ah ku nool yihiin.
Sida oo kale heshiisyadaasi waxaa lagu mamnuucay hubka qaarkii inaan dagaalka loo isticmaali karin maadaamaa ay qasaaro ba'an ka dhalan karto. Sida hubka kiimikada oo sida weyn wax u gumaado iwm.
Dadka dhaawac ahna in la daryeelo dadkaasi oo ay ka mid yihiin askarta dagaalka qaybta ka ahayd iyo macabiista dagaalka lagu qabto.
Sida oo kale shauruucda kale ee goobaha dagaalka la xiriira ayaa mamnuucaya dilka, kufsiga, jirdilka, xasuuqa, in koox si gaar ah loo beegsado arrimahaasi oo dhan heshiiska Geneva wuxuu u aqoonsan yahay iney yihiin 'Gaboodfallo baniaadanimada loo geystay'.'
Maxay yihiin eedeymaha dembiyada dagaal ee Ukraine ka dhacay ?
Ukraine waxay sheegtay duqeynta ay diyaaradaha dagaalka Ruushka u geysteen isbitaalka carruurta dumarkana ay ku umulaan ee ku yaalla magaalada Mariopoli inuu dambi dagaal uu Ruushku geystay.
Duqeyntaasina waxaa ku dhintay seddex qof oo ay carruur ku jiraan halka ay ku dhaawacmeen 17 qof oo isugu jiro bukaanno iyo shaqaalaha isbitaalka.
Warbixinno kale ayaa sheegaya iney ciidamada Ruushka ay si ulakac ah u bartilmaameedsadaan dadka rayadka ee ka qaxaya dagaalka Ukraine.
Waxaa jira cadeymo isa soo taraya oo muujinaya in bambaanooyinka klastarka rasaas iyo bambaanooyin ay ku garaaceen aagagga dadka rayadka ah ay ka deggan yihiin magaalada Kharkiv.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushka iyo Ukraine midkoodna ma saxiixin heshiiska caalamiga ee lagu mamnuucayey isticmaalka hubkaasi, balse dhacdooyinkan ayaa wali loo qaadan karaa dambi dagaal.
Wasaaradda difaaca ee UK ayaa sheegtay in Ruushku uu isticmaalay walxaha qarxa ee thermobaric, kaas oo abuuraya faaruq wayn iyada oo uu kaashanayo ogsijiinta. Walxahan qarxa ee wax gumaada isticmaalkooda lama mamnuucin laakiin si ula kac ah in loo isticmaalo dadka rayidka ah ayaa hubaal ah inay jabin doonaan shuruucda dagaalka.
Khubaro badan ayaa ku doodaya in duullaanka Ukraine laftiisa uu yahay dembi hoos imanaya dagaal gardarro ah.
Sidee looga daba tagaa dambiilayaal dagaal?
Waddan kasta wuxuu waajib uu ka saaranyahay iney baaraan shaqsiyaadka looga shakiyo iney geysteen dambio dagaal.
Hase yeeshee waddamada qaar ayaa qaaday tallaabbooyin dheeraad ah si ka duwan waddama badan oo caalamka ah.
Dalka UK, saraakiil sare oo booliis ah ayaa ku baaqay in gacan laga geysto ururinta caddaynta dembiyada suurtagalka ah ee ka dhacay Ukraine.
Sidee loo maxkamadeeyaa dadka lagu tuhunsan yahay dambiyo dagaal?
Waxaa jiray maxkamado isdaba joog ah oo hal mar ah tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo ay ku jiraan maxkamadda dambiyada dagaalka ee la galay ka dib burburki Yugoslavia.
Waxaa sidoo kale la sameeyay hay'ad lagu soo oogo qaar ka mid ah dadkii mas'uulka ka ahaa xasuuqii Ruwaanda, halkaasoo kooxaha xagjirka ah ee Hutu ay 100 maalmood gudahood qudha kaga jareen 800,000 oo qof sannadkii 1994-kii.

Xigashada Sawirka, AFP
Maanta, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka (ICC) iyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) waxay leeyihiin door ilaalinaya xeerarka dagaalka.
Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
ICJ waxay xukuntaa murannada u dhexeeya waddamada, laakiin ma dacwayn karo shakhsiyaad. Ukraine ayaa halkaas ka billowday dacwad ka dhan ah Ruushka oo ku saabsan duullaanka.
Haddii ICJ ay xukun ka dhan ah Ruushka, hawsha fulinta xukunkaas waxay ku dhici doontaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC).
Laakiin Ruushka - oo ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa diidi kara soo jeedin kasta oo lagu cunaqabatayn karo.
Maxkamadda Dambiyada Dagaalka (ICC)
Bishii July sanadkii 1998-kii ayaa la aasaasay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, ujeedkana waxaa uu ahaa sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka ay waxyeellada ka soo gaarto dambiyada dagaal, xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.
24 sanno kaddibse waxaa su'aal la galinayaa in maxkamaddu ay ku guulaysatay ujeedooyinkaasi loo aasaasay.
Kiisaska ugu badan ee horyaal maxkamadda waxay la xiriiraan Afrika iyo guud ahaan dunida saddexaad.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nuremberg waxa uu xoojiyay mabda'a ah in dawladuhu ku heshiin karaan in la sameeyo maxkamad gaar ah oo ilaalisa sharciga caalamiga ah.
ICC ma xukumi kartaa dambiyada Ukraine ka dhaca?
Madaxa dacwad oogaha maxkamada ICC, oo ah qareen Ingiriis u dhashay Karim Khan QC, ayaa sheegay in ay jirto sabab macquul ah oo lagu rumeysan karo in dambiyo dagaal laga geystay Ukraine wuxuuna fasax u heystaa 39 dowladood inay baaritaan ku sameeyaan.
Baarayaashu waxay eegi doonaan eedeymihii hore iyo kuwa hadda jira iyagoo dib ugu laabanaya illaa 2013, ka hor inta aan Ruushka goosan gacanka Crimea ee Ukraine.
Haddii ay jiraan cadaymo ka dhan ah shakhsiyaadka, dacwad-oogaha ayaa weydiisan doona garsoorayaasha ICC inay soo saaraan waaran soo qabasho ah si maxakamadda Hague loo horkeeno.
Waxaana halkaa ka muuqda awooda maxkamada sida a u xaddidan tahay.
Maxkamaddu ma laha ciidan boolis u gaar ah. Waxay ku tiirsan tahay dawladadaha caalamka iney u soo qabtaan tuhmanayaasha.
Laakin Ruushku ma aha xubin ka tirsan maxkamadda oo waxay ICC ka baxday 2016-kii. Madaxweyne Putin ma soo gacangelin doono wax tuhmane ah.
Haddii tuhmanuhu u dhoofo waddan kale, waa la xidhi karaa laakiin taasi aad bay u adag tahay maadaamaa dalalka laftooda colaad hor leh ay ka dhex abuuri karto.
Madaxweyne Putin ama madaxda kale ee Ruushka ma la dacweyn karaa?
Waxaa aad uga sahlan in dembi dagaal lagu qaado askarigii falkaasi gaystay, si ka fudud taliyihi amray inuu dilka fuliyo.
Laakiin ICC waxay dacwad ku soo oogi kartaa dembiga "dagaal gardarada ah" ee Ukraine lagu qaaday.
Tani waa dembiga duullaan ama iskahorimaad aan cudurdaar lahayn, oo dhaafsiisan tallaabo milateri oo macquul ah ama isdifaacid ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhibaatadu waa tan: Professor Philippe Sands QC, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda University College London, ayaa sheegay in ICC aysan ku dacwayn karin madaxda Ruushka dembigan sababtoo ah waddanku ka mid ma aha waddamada xubin ka aha ama oggol maxkamaddan.
Haddaba ma jirtaa waddo kale oo lagu maxkamadayn karo shaqsiyaadka?
Waxtarka ICC iyo sida uu u dhaqmo sharciga caalamiga ah ee dhaqan ahaan kuma xirna heshiisyada oo kaliya, balse wuxuu ku xiran yahay siyaasadda iyo diblomaasiyadda.
Prof Sands iyo khubaro kale oo badan ayaa ku doodaya in sida Nuremberg, uu xalku mar kale ku jiro diblumaasiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah.
Waxa uu ugu baaqayaa hoggaamiyeyaasha adduunka in ay dhisaan maxkamad loo dhan yahay oo dacwad ku soo oogi karto dambiyada ka dhaca dagaalka gardarrada oo Ukraine lagu qaaday.










