Dagaalka Ukraine: Ardayga Hindiga ah ee Militeriga Putin ka difaacaya Ukraine

Xigashada Sawirka, SAI NIKESH
Arday kasoo jeeda gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya ayaa lagu soo warramay in uu ku biiray ciidanka Ukraine ee sida militeriga u tababaran, si uu uga qayb qaato dagaalka lagula jiro militeriga Ruushka.
Ninkan dhallinyarada ah, oo qoyskiisu ay daggan yihiin degmada Coimbatore, ayaa Ukraine u tagay si uu uga barto cilmiga injineernimada.
Sai Nikesh waxa uu waxbarashadiisa iskuulka dhammeystay sanadkii 2018-kii, kaddibna waxa uu labo jeer isku dayay in uu ku biiro militeriga Hindiya balse uma aysan suurtagalin.
Sida laga soo xigtay dad qaraabo la ah Sai, kaddib markii uu ku guul darreystay inuu ka mid noqdo militeriga Hindiya, waxa uu billaabay inuu ka fikiro sidii uu ugu biiri lahaa militeriga Mareykanka, hase yeeshee taasna uma suuroobin.
Sidaas awgeed, Sai qoyskiisa ayaa u diray dalka Ukraine si uu Jaamacad lagu magacaabo National Aerospace, oo ku taalla magaalada Kharkiv, uga soo barto cilmiga farsamada diyaaradaha.
Markii uu billowday dagaalkii uu Ruushka ku qaaday Ukraine, ardayda reer Hindiya waxa ay isku dayayeen in ay ka cararaan magaalada Kharkiv, balse Sai Nikesh oo aan dhag jalaq u siinin codsiyo badan oo uga yimid qoyskiisa, waxa uu diiday in uu ka tago halkaas.

Xubno ka tirsan qoyska Sai Nikesh, oo ay la xiriirtay BBC-da laanteeda luuqadda Tamil-ka, ayaa sheegay in aysan xilligan xaaladdoodu xasillooneyn, oo aysan awoodin inay la hadlaan warbaahinta.
Saraakiisha sirdoonka oo la kumay qoyska
Mid ka mid ah qaraabada Sai Nikesh oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da ku yidhi: "Nikesh riydaiisa waligiis waxay ahayd inuu militeriga ku biiro. Uguma suurtagalin Hindiya. Waalidiintiisa ayaa u diray Ukraine si uu wax uga soo barto. Balse rabitaankiisii ahaa inuu ciidamada galo wali wuu ku jiray."
Sida uu sheegay qofkan qaraabada la ah, ma jirto cid og sababta uu go'aanka noocaas ah u qaatay. Qoyskiisa ayaa warka ku saabsan tallaabada uu qaaday Nikesh ka helay waaxda sirdoonka ee booliska.
"Markii ay arrintan dhacday kaddib, saraakiisha sirdoonka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa la kulmay xubno ka tirsan qoyska, waxayna weydiiyeen su'aalo," ayuu yidhi qofka qaraabada la ah.
Waxa uu intaas ku daray in qoysku ay hadda ku jiraan xaalad welwel ah, waqti xaadirkanna aysan dooneynin in ay la hadlaan warbaahinta.
"Waxaan qoyska u sheegay in ay iska joojiyaan xiriirka joogtada ah ee ay la sameynayaan Nikesh, sababtoo ah ma jiro qof naga mid ah oo hadda awooda inuu meeshaas kasoo bixiyo," ayuu yidhi.
Tan iyo markii uu soo shaac baxay warkan, ma jirto cid la hadashay Nikesh.
"Waxaan codad ugu diray WhatsApp-ka, anigoo u sheegaya in aysan jirin wax naxdin ah oo aan ka qaadnay xaaladda uu ku sugan yahay. Dhammaanteen waxaan rabnaa in aan soo badbaadinno Sai Nikesh," ayuu yidhi qodka la hadlay BBC-da.

Xigashada Sawirka, SAI NIKESH/FB
'Wiilkan rabitaankiisa ayuu ugu biiray militeriga'
BBC-da ayaa isku dayday inay xiriir la sameyso laanta sirdoonka ee Booliska Hindiya, waxa ayna sheegeen in aysan ogeyn wax ka badan wararka lagu shaaciyay warbaahinta.
Sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka ayaa yidhi: "Waxa ay u muuqataa in wiilkani uu si iskiis ah ugu biiray militeriga, nooma suurtagalin inaan isaga la xiriirno, sidaas darteed ma jirto xog badan oo laga hayo, laakiin waax aruurineynaa macluumaadka."
Wararka ayaa intaas ku daraya in ardayda u dhashay Hindiya uu ku biiray koox isxilqaamay oo dagaalka kasoo aaday waddanka Georgia. Waxaa kale oo la sheegay in markii horeba uu daneynayay sidii uu uga mid noqon lahaa ciidanka, sidaas awgeed, waxaa arrinta lagu tilmaami karaa, "go'aanka shakhsi ahaaneed ee ardaygaas."
Madaxweynaha Ukraine, President Zelensky, ayaa shacabka dalkiisa ka codsaday in ay ka qayb qaataan dagaalka looga soo horjeedo militeriga Ruushka.

Xigashada Sawirka, Reuters

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah
- Maraykanka oo Ruushka dartii ku qasbanaaday inuu la heshiiyo dal uu horay u go'doomiyay
- Sheekada wiilka 11 jirka ah ee reer Ukraine ee caalamka ka yaabiyay
- Maxaa dhici kara haddii uu Ruushku xirto shidaalka iyo gaaskiisa?
- Arrimihii Putin u sahlay in uu saaxiib la noqdo Mareykanka kaddibna ka guuleysto
- Ninka Muslimka ah ee loo yaqaanno "Askariga daacadda u ah Putin".
- Maxay yihiin dadka Ruushka ah ee ku qulqulaya waddanka Finland?
- Zelensky oo NATO ku eedeeyay inay fududaysay duqaymaha Ruushka

Sarkaal howl gab ka noqday militeriga Hindiya, oo lagu magacaabo Colonel R. Hariharan, ayaa mar uu ka hadlayay codsiga madaxweynaha Ukriane ee ku aaddan dadweynaha, waxa uu yidhi: "Kama doodi karno in codsigaas uu sax yahay ama uu khalad yahay, sababtoo ah dagaalka qudhiisa ayaaba khalad ah.
"Markii uu Zelensky codsiga jeediyay kaddib, hub ayaa loo qaybiyay shacabka Ukraine ee ku kala sugan magaalooyinka kala duwan ee Ukraine. Arrintan waxaa sameeyay Ruushka markii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka."
Hase yeeshee, Madaxweyne Zelensky ayaa taageero ka raadinaya waddamada caalamka, oo ay ku jiraan kuwa Yurub, si ay dagaalka garab ugu siiyaan.
Waxa uu sidoo kale ka doonayaa waddamadan in ay ku caawiyaan hubka.











