Sheekada wiilka 11 jirka ah ee reer Ukraine ee caalamka ka yaabiyay

Xasan waxaa la siiyay cunto iyo cabitaan ay siiyeen dad iskaa wax u qabso ah, eheladiisana waxaa lala xiriiriyay Bratislava

Xigashada Sawirka, SLOVAK INTERIOR MINISTRY

Qoraalka sawirka, Xasan waxaa la siiyay cunto iyo cabitaan ay siiyeen dad iskaa wax u qabso ah, eheladiisana waxaa lala xiriiriyay Bratislava

Wiil aad u da'a yar ayaa si nabad ah ku gaaray dalka Slovakia ka dib markii uu soo jaray masaafo dhan 1,200 km bariga Ukraine.

Wiilkan ayaa sitay labo boorso oo yaryar, baasaboor iyo taleefan nambarka qaraabadiisa.

Xassan, oo 11 jir ah, ayaa ka soo tagay gurigiisa oo ku yaala Zaporizhzhia sababtoo ah hooyadii way ka soo tagi waysay hooyadeed oo da' ah.

Waxay soo saartay tareen, markii uu ugu dambayntii soo gaaray xuduudla waxa caawiyay askartii ku suganayd goobtaasi.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in uu ahaa geesi dhab ah oo qof walba kaga guuleystay dhoola cadeyntiisa.

Wiilka ayaa soo gaaray xuduudka isagoo wata bac, boorso yar oo cas iyo baasaboorkiisa.

Waxaa markii dambe masuuliyadiisa la wareegay dad mutadawiciin ah oo siiyay cunto iyo cabitaan iyadoo saraakiisha xuduuduhu ay la xiriireen qaraabadiisa oo ku sugan caasimadda Slovakia ee Bratislava.

Hooyadii oo muuqaal ay soo duubtay ay baahiyeen booliiska Slovakia ayaa waxa ay uga mahadcelisay qof walba sida ay u xanaaneeyeen wiilkeeda, waxa ayna faah faahin ka bixisay in wiilkeeda uu dalka ka soo baxay markii uu duullaanka bilaabmay.

"Magaaladeyda waxaa ku dhagan warshad koronto oo Ruushku ay duqeynayeen, hooyaday kama tagi karin - keligeed ma dhaqaaqi karto - sidaas darteed wiilkeyga waxaan u diray Slovakia," ayay tiri Julia Pisecka, oo ah haweeneyda wiilka dhashay.

Xarunta tamarta nukliyeerka ee Zaporizhzhia waa tan ugu weyn qaaradda Yurub oo dhan.

Waxaa qabsaday militariga Ruushka dhamaadkii isbuucii hore kadib weerar uu madaxweyne Volodymyr Zelensky ka digay inuu sababi karo burbur ka weyn musiibadii Chernobyl ee dhacday 1986-kii.

Julia Pisecka ayaa u mahadcelisay qof kasta oo daryeelay wiilkeeda

Xigashada Sawirka, JULIA PISECKA

Qoraalka sawirka, Julia Pisecka ayaa u mahadcelisay qof kasta oo daryeelay wiilkeeda

Xasan waxa uu ka mid yahay in ka badan 2 milyan oo qof oo ka qaxay dagaalka Ruushka ee Ukraine.

In ka badan 1.2 milyan ayaa gaaray Poland, halka 140,745 ay gaareen Slovakia, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay.

iyada oo ilin ay ku soo istaagedyso, ayaa wiilkani hooyadii waxay codsatay in carruurta Ukraine la siiyo meel ay gabaad ka dhigtaan.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Slovakia ayaa sheegtay in Xasan uu kaga guuleystay qof kasta oo ku sugnaa xadka isagoo dhoola cadeynaya, cabsi la'aantiisa iyo go'aan qaadashadiisa.

Sargaalka ayaa sheegay in uu isticmaalay taleefoon nambar oo gacanta ugu qornaa wiilka iyo sidoo kale warqad uu jeebka ku sitay, si uu ula xiriiro qaraabada ku sugan caasimadda Slovakia ee u yimid .

Xasan xagga dambe ee gacantiisa waxa ugu qornaa lambarka talefoonka qaraabadiisa oo jooga Slovakia

Xigashada Sawirka, SLOVAK INTERIOR MINISTRY

Qoraalka sawirka, Xasan xagga dambe ee gacantiisa waxa ugu qornaa lambarka talefoonka qaraabadiisa oo jooga Slovakia

Wasiirka arrimaha gudaha Roman Mikulec ayaa isniintii la kulmay Xassan wuxuuna sheegay in isaga iyo walaalihiis ay mar hore ka codsadeen ilaalin ku meel gaar ah gudaha Slovakia.

Saraakiisha Slovakia ayaa ku booriyay dadka daneynaya inay caawiyaan wiilka hooyadiis iyo ayeeyadii inay lacag ugu deeqaan ururka dhalinyarada Masiixiyiinta Slovak ee ZKSM.