Xiisadda Ukraine: Maxay yihiin dadka Ruushka ah ee ku qulqulaya waddanka Finland?

A bus carrying Russian citizens is waiting to cross the border into Finland
Qoraalka sawirka, Bas wada dad u dhashay Ruushka ayaa sugaya inuu ka gudbo xadka si uu ugu tallaabo Finland

Xuduudda waddanka Finland uu la wadaago Ruushka, oo 120 meyl u jirta magaalada caasimadda ah ee Helsinki, basas iyo gawaari kale ayaa taagan si dadka saaran looga hubiyo baasaboorrada iyo canshuuraha.

Dadkan isku dayaya in ay xadka ka tallaabaan ma aha muwaadiniin reer Ukraine ah balse waa muwaadiniin u dhashay dalka Ruushka.

Inkastoo tiradu aysan aad u badneyn, qulqulka ayaa socda oo kala joogsi ma laha.

Dadka qaar waxa ay aad u doonayaan in ay ka baxaan Ruushka maadaama ay jiraan warar la isla dhex marayo oo sheegaya in dowladda madaxweyne Vladimir Putin laga yaabo in ay soo rogto xaalad deg deg ah, si loola tacaalo mudaharaadyada ka dhanka ah weerarka lagu qaaday Ukraine.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday, duullimaadyada isku xira Ruushka iyo Yurub ayaa xayirnaa, waddada kaliya ee furanna waa in gawaari lagu safro, si xadka looga gudbo, ama tareenno.

BBC-da ayaa la hadashay haweeney da' yar oo u dhalatay Ruushka, kana mid ah dadka qaxaya ee aadaya waddamada reer Galbeedka.

Waxa ay ka mid ahayd dadkii nasiibka badnaa ee dal ku galka Yurub helay ka hor inta aan cunaqabateynta lasoo rogin, balse walwal ayay qabtay.

"Dadka reer Ukraine waa eheladeenna iyo qoysaskeenna," ayay tidhi. "Ma ahayn inaan dilno."

Waxaan weydiinnay su'aal ah, dib ma u laaban doontaa? "Maya inta ay dowladdeenna halkaas joogto. Waa arrin murugo badan," ayay tidhi.

Ruushka iyo Finland ayaa wadaaga xad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ruushka iyo Finland ayaa wadaaga xad

Waxa ay intaas ku dartay in shacabka Rushka badankood aysan raalli ka ahayn dagaalkan, balse haddii ay isku dayaan inay ka soo hor jeestaan Putin ay halis u galayaan is xabsi la dhigo.

Waddanka Finland, aad baa looga soo dhaweeyaa dadka iyadoo kale ah, si la mid ah sida loogu hiillinayo Ukraine iyo muwaadiniinteeda.

Naxariistan iyo cabsida laga qabo in Ruushka uu weeraro dalalka dariskiisa ah, sida Finland qudheeda, ayaa horseeday in xukuumadda Helsinki ay baddasho mowqifkii ay ka taagneyd arrinta ee ahaa dhexdhexaadnimada.

Sida ay muujisay daraasad dhawaan la sameeyay oo ra'yi aruurin looga qaaday shacabka, dadka reer Finland waxa ay jeclaan lahaayeen in waddankooda uu ku biiro isbahaysiga NATO si ay u helaan difaacista ay waddamada Nato diyaarka ula yihiin waddamada xubnaha ka ah.

Waxaa isasoo taraya tareennada dadka kasoo qaadaya magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka, kuwaasoo wada boqollaal qof oo ka baxsanaya Ruushka.

Inta badan tareennada ayaa lasii buuxiyay iyadoo lacagta lagu raacayo ay aad u sarreyso.

Tirada lacagta ee loo oggol yahay inay qaataan dadka ka safraya Ruushka ayaa aad u xaddidan.

There is no heavy traffic at the border crossing between Russia and Finland but Russians are steadily flocking to cross the border
Qoraalka sawirka, Waxaa sii kordhaya dadka ka baxaya Ruushka ee ku wajahan Finland

Haddana dhaqaalaha Ruushka ayaa halis ugu jira in uu burburo, sababo la xiriira cunaqabateynnada iyo shirkadaha waaweyn ee Reer Galbeedka oo lacagtooda la baxay.

Dowladda Ruushkana waxa ay ku dadaaleysaa inay yareyso tirada dadka ku xoomaya bangiyada.

line

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

line

Ma laga yaabaa in cunaqabateynnada lagu soo rogay dadka hantida leh ee Ruushka ay baddalaan mowqifka madaxweyne Putin?

Ma aha arrin aan suurtagal ahayn, balse uma badna in madaxweynaha Ruushka lagu khasbi karo inuu joojiyo dagaalka uu ku qaaday Ukraine.