Waa kuwee shaqsiyaadka dagaalka hoggaaminaya ee Putin ugu dhow?

Putin oo kulan ku jira

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Ruushka

Qoraalka sawirka, Putin oo kulan ku jira

Maadaamaa uu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, go'aanka ugu dambeeya ee duulaanka Ukraine lagu qaaday waxaa gaaray madaxweyne Vladamir Puting.

Balse waxa uu ku tiirsanyahay talada saaxiibada iyo mas'uuliyiinta ugu dhow, kuwaas oo isaga lasoo shaqeeyay tobonaan sano.

Haddaba iyada oo laga tixraacayo dagaalka hadda socda, waxaan halkan kusoo gudbinaynaa dadka ay isugu dhowyihiin Putin.

1-Sergei Shuigu

Sergei Shuigu , Wasiirka Difaaca

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Sergei Shuigu , Wasiirka Difaaca

Ninkani muddo aad u dheer ayuu xulufo la ahaa Putting, waxa ay isku arag yihiin madaxweynaha marka laga hadlayo arrimaha Ukraine. Waxa ay doonayaan in ay Ukraine ka dhigaan meel militiga ka caaggan oo ay difaac u noqon karta Ruushka.

Sergei oo ah wasiirka gaashaandhigga Ruushka ayaa hormuud ka ahaa hawlgalkii Ruushka kula wareegay gobolka Cremea ee laga gooyay Ukraine.

Waxaa kale oo la sheegay in uu madax u yahay koox saraakiil sirdoon ah oo dalka banaankiisa ka ugaarsada dadka Putin kasoo horjeeda.

2- Valery Gerasimov

Valery Gerasimov, Taliyaha ciidamadda xoogga dalka Ruushka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Valery Gerasimov, Taliyaha ciidamadda xoogga dalka Ruushka

Waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, kaas oo mas'uul ka ahaa duullaanka lagu qaaday Ukraine, balse aanan weli guusha la taaban karo laga gaarin.

Tan iyo intii Putin uu 20 sano ka hor duullaanka ku qaaday jamhuuriyadda Jejniya, ninkani waxa uu hormuud ka ahaa ciidamada iillaa waagaas, isaga oo sidoo kale hormuud ka noqday dhoolatuska ciidamada Ruushka ee Belarus.

Waxaase jirey warar sheegaya in ninkani geeska la galiyay markii duulaanka biloowday, hase yeeshee ninka Andre Soldato oo ah falanqeeye xagga amniga ah waxa uu qabaa in arartaasi ay tahay mid aanan xoog badnayn, wuxuuna sheegay in Putin uusan keligiis kala maamuli karin ciidanka tiradaas la eg ee hawlgalka balaaran ku jira.

3- Nikolai Patrushev

Nikolai Patrushev , xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Ruushka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Nikolai Patrushev , xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Ruushka

Ninkan waxa uu aaminsanyahay in reer Galbeedka aysan jecleyn Ruushka, waana nin aad ugu dhow Putin muddo tobonaan sano ah.

Ninkani oo ah madax ka ahaa sirdoonka Ruushka , isaga oo illaa 1970-kii lasoo shaqaynayay Putin. Hadda waa xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Ruushka.

4- Alexandar Bortnikov

Alexandar Bortnikov , Madaxa Hay'adda Sirdoonka Ruushka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Alexandar Bortnikov , Madaxa Hay'adda Sirdoonka Ruushka

Ninkani oo madax ka ah laanta sirdoonka ee FSB isaga oo xilkaas kala wareegay Nokolai Patrushev , waxaana la aaminsanyahay in uu yahay maskaxda ka dambeysa macluumaadka uu Putin ku hawlgalo.

Hay'addan sirdoonka ayaa saamayn aad u culus ku leh laamaha iyo hay'adaha kale ee amniga ee Ruushka, waxayna leedahay awooddo u gaar ah. .

5- Sergei Nariishkin

Sergei Nariishkin , Madaxa Hay'adda Sirdoonka Dibedda ee Ruushka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Sergei Nariishkin , Madaxa Hay'adda Sirdoonka Dibedda ee Ruushka

Waxa uu ka mid yahay kuwa ugu dhow Putin muddo aad u dheer, isaga oo Putin kala shaqeeyay magaalada St. Petersburg xilligii uu duqa magaalada ahaa Putin sanadihii sagaashameeyadii.

Waxa uu mar noqday afhayeen baarlamaanka, isaga oo sidoo kale madax ka noqday Hay'adda Taariikhda Ruushka. Aqoonta uu ninkani u leeyahay taariikhda, ayaa Putin siisay aragtiyada uu ku dooddo iyo fikradaha uu ka aaminsanyahay adduunka intiisa kale , sida ay qubaradu sheegeen.

Ninkan ayaa madax ka ahaa hay'adda sirdoonka Ruushka ee dibedda qaabilsan, waana nin ganacsade ah.

6- Sergei Lavrov

Sergei Lavrov , Wasiirka Arrimaha Dibedda

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Sergei Lavrov , Wasiirka Arrimaha Dibedda

Waa wasiirka arrimaha dibedda muddo dheer, 18 sano ayuu xilkan soo hayay, isaga oo khibradiisa shaqo ay tahay waxa ugu badan ee lagu tiirsanyahay.

Inkasta oo muddo xurguf kala dhaxaysay Ukraine, haddane waxa uu ka mid yahay dadka xalka dublamaasiyadeed u arkay in xal waara lagu gaari laro, balse ma uusan dhagaysanin Putting.

7-Valentina Matvi Ye Nko

Valentina Matvi Ye Nko, Guddoomiyaha Aqalka Sare

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Valentina Matvi Ye Nko, Guddoomiyaha Aqalka Sare

Waa haweenayday keliya ee kamidka ah dadka u dhow Putin, waxa ay guddoomiye ka tahay Aqalka Sare ee Ruushka, kaas oo ansixiyay duullaanka Ukraine.

Sidoo kale haweenaydan waxa ay qeyb ka ahayd go'aankii Ukraine looga jaray gobolka Cremea.

Waxa ay Valentina ka tirsantahay golaha awoodda badan ee amniga qaranka.

8- Voctor Zolotov

Voctor Zolotov , Madaxa illaalada gaarka ah

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Voctor Zolotov , Madaxa illaalada gaarka ah

Waxa uu madax ka ahaa ciidamada illaalada gaarka ah ee Ruushka, kuwaas oo la dhisay lix sano ka hor.

Maadaamaa uu Putin ka dhigtay illaaliyihiisa gaarka ah ayaa la dhigan kalsoonida uu ku qabo iyo daacadnimada uu u hayo madaxweynaha.

Waxaa la sheegay in ciidamada illaalada gaarka ah ee uu madaxda ka yahay ninkani ay tiradoodu gaarayso illaa 400,000 oo askari.

Dhibka jira ayaase ah in ninkani uusan hub qaadanin, qibrad badana uusan u lahayd arrimaha ciidanka, taas oo ka dhigaysa bartilmaameed jilicsan.