Dagaalka Ukraine: Maxay Kherson iyo Mariupol muhiim ugu yihiin guusha Ruushka?

Xilli ciidammada Ruushka ee ku sugan waqooyiga iyo bariga Ukraine ay la daalaa dhacayaan sidii ay u qabsan lahaayeen bartilmaameedyada muhiimka ah, ee ay ku jiraan magaalada caasimadda ah ee Kyiv, ayaa dhanka kale ruqaansiga ciidammada Ruushka ee koonfurta Ukraine waxa uu u muuqanayaa mid guulo laga soo hooyay.
Ruushka ayaa koonfurta Ukraine waxa uu u arkaa inay muhiim u tahay guusha duullaanka uu dalkaasi ku qaaday, waxa uuna go'doominayay dhowr magaalo oo halkaas ku taal halka uu qabsaday warshadda dhalisa quwadda korontada ee nukliyeerka ee Zaporizhzhia, taas oo ah tan ugu ballaaran ee Yurub.
Howlgalka ka soconaya koonfurta ayaa waxa uu ka soo bilowday Crimea, taas oo uu Ruushku xoog uga qabsaday Ukraine 2014, halkaas oo saldhig u ah ciidammo badan oo Ruush ah.
Arbacadii, afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in Ruushka uu halkaas ku leeyahay "dhisme cajiib ah".
Khariiddada hoose ayaa waxa ay muujinaysaa muhiimadda uu gacankaas leeyahay iyadoo halkaas ah saldhigga loogaga duulo koonfurta Ukraine.

Ciidammada Ruushka ayaa waxa ay Ukraine ka soo galaan dhinaca Crimea, kaddibna waxa ay u ruqaansadaan dhankaa iyo magaalada Mariupol iyo dhinaca galbeedka ee Odesa, iyagoo ku goodinaya inay jaraan galaangalka ay Ukraine u leedahay badda, taas oo waxyeello wayn gaarsiin doonta dhaqaalaha dalkaasi.
"Istaraatiijiyad ahaan, waxaa gobolkaas ku yaal dekado waa wayn oo u ciidammada Putin u ogolaan doona inay caburiyaan awoodkasta oo Ukraine saad loogaga soo gelin lahaa dhanka badda," Karl Qualls, oo ah barfasoor taariikhda iyo culuumta Ruushka ka dhiga Koleejka Dickinson ayaa sidaasi BBCda u sheegay.
Dhinaca bariga Crimea, ciidammada Ruushka ayaa waxa ay ku sii siqayaan magaalada Mariupol, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 450,000 oo qof, taas oo dhinacyada laga hareeyay oo duqeyn culusna ay ku socoto. Biyaha iyo korontada ayaa la jaray, iyadoo dadka magaaladana ay BBCda u sheegeen inay aad u walwalsan yihiin.
Haddii lala wareego magaalada Mariupol, waxaa Ruushka gacantiisa soo galaya mid ka mid ah dekadaha ugu waa wayn Ukraine, waxaana ay sidaas ku samaysan karaan marin dhanka dhulka ah oo isku xira Crimea iyo gobollada kale ee uu Ruushku baritaaro ee Luhansk iyo Donetsk.
In Crimea lagu xiro dhulwaynaha Ruusha iyadoo la sii marayo deegaannada ay fallaagadu haysato ayaa waxa ay Ruushka u sahli doontaa inay saadka iyo dadkaba geeyaan oo ay kala soo baxaan Crimea. Ruushka ayaa arrintan doonayay tan iyo 2014, markii uu bilowday dagaalkii bariga.
Haatan gacanka wadada kaliya ee Ruushka ku xirta ayaa ah hal buundo oo dhaqaale badan lagu dhisay kaddib markii ciidammada Ruushka ay halkaasi la wareegeen.
Waxaa la qabsaday warshaddii quwadda korontada nukliyeerka
Waqooyi galbeed magaalada Mariupol, Ruushka ayaa waxa uu qabsaday warshadda dhalisa quwadda korontada ee Zaporizhzhia. Marka ay warshaddaas shaqaynayso waxa ay soo saartaa ku dhawaad 20% korontada Ukraine, marka in Ruushka ay gacanta u gasho ayaa waxa ay ka dhigantahay inuu maamulayo quwad badan oo koronto oo ay Ukraine ay leedahay.
Milateriga Ruushka ayaa sidoo kale waxa uu la wareegay magaalada Kherson oo ku taal halka webiga Dnieper uu kaga daro Badda Madow, halkaas oo goob muhiim ah u ah ciidammada inay hore ugu sii ruqaansadaan gudaha Ukraine.
"Waxaannu arkaynaa inay ka faa'iidaysanayaan qabsashada Kherson," ayuu Dr Jack Watling oo ka tirsan mac-hadka Royal United Services Institute u sheegay Barnaamijka Maanta ee BBC Radio 4. "Haatan waxa ay ku sugan yihiin dhanka galbeed ee webiga Dnieper waxaana u suuragalaysa inay webiga kor u raacaan illaa magaalada Odesa."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii Ruushka ay u suuragasho inuu u ruqaansado dhanka galbeedka, illaa Odesa iyo ka shishaba, taasi ma jari doonto oo kaliya galaangalkii Ukraine ay badda u laheyd ee balse sidoo kale waxaa dalkaasi laga hareerayn doonaa saddex dhinac.
"Haddii ay qabsadaan Odesa, waxa ay helayaan magaalo muhiim ah oo ay ku samayn karaan istaraatiijiyad ay aag dhan uga hareerayn karaan Ukraine. Maadaama ay waqooyiga ka xigto Belarus, Donbas-na bariga, waxaa halkaas ku soo dhacaya dal dhinacwalba laga xigo," ayey BBCda u sheegtay Catherine Wanner, oo ah barfasoorad cilmiga taariikhda iyo kan Ruushka iyo Ukraine-ba khabiir ku ah oo ka tirsan Jaamacadda Penn State.
Novorossiya
Sidoo kale waxaa jira taariikh ay Ruushka u leedahay gelitaanka koonfurta, gobolkaas ka tirsan Ukraine ee ka soo bilowda Odesa ee koonfurta illaa laga yimaado Luhansk ee bariga ayaa Boqortooyadii Ruushku qarnigii 18-aad dagaal dheer kaddib waxa uu kala wareegtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaana markaas loo aqoonsaday inay tahay Novorossiya ama Ruushka Cusub.
Waagii Midowga Soofiyeet, inta badan Novorossiya waxa ay qeyb ka aheyd Jamhuuriyaddii Shuuciyadda Soofiyeetka ee Ukraine taas oo waqtigan casriga ah loo badalay Ukraine.
2014, kaddib markii uu qabsaday Crimea, ayuu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxa uu ku andacooday in walow Ruushku uu dhul badan oo Novorossiya uu uga maqan yahay sababo badan, haddana dadkii Ruushka u dhashay ay weli dhulkaas joogaan.
"Hadalka Putin waxa uu ka dhigan yahay in dhulkaas uu yahay dhul Ruush uu leeyahay," ayuu yiri barfasoor Qualls. "Dhulkaasi waxa uu qeyb ka ahaa boqortooyadii Ruushka hasayeeshee dad Ruushka u dhashay halkaasi kuma aanay noolayn. Waxa ay aad ugu dhawaayeen Roomaaniyiinta, Ukrainiyiintuna aad bay halkaasi ugu badnaayeen."

Xigashada Sawirka, AFP
Sikasta oo uu xaal ahaadase, fikraddaas waa ay sii xoogaysatay oo muddo kooban oo 2014 ah jamhuuriyadaha iskood goonnida ugu istaagay ee Luhansk iyo Donetsk ayaa doonayay inay abuuraan Novorossiya, oo xitaa waxa ay dib u hindiseen calankii waagaas la isticmaali jiray ee guduudka dhexda ku leh istilaabta buluugga ah.
Sheegashada taariikhiga ah ee Ruushka ee dhulka Ukraine ayaa astaan u ahaa Madaxweyne Putin ka hor inta uusan duullaanka qaadin, hasayeeshee barfasoor Wanner ayaa waxa ay sheegaysaa in arrintaasi aanan loo qaadan mid wax ku ool ah.
"Mr Putin waxa uu muujiyay inuusan ceeb dareemayn markii uu soo nooleeyay fasiraado taariikhi ah si uu xoog ugu galo oo uu dhulkaas u qabsado - Novorossiya waa qiildayasho aan caqligal ahayn," ayey BBCda u sheegtay.

Halkan ka akhriso xog dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka Ruushka iyo Ukraine
- Madaxweynihii hore ee Ukraine oo dunida u jeediyay labo talo oo ku saabsan Putin
- Shan qaab oo uu ku soo idlaan karo duullaanka Ruushka
- 'Magaaladeyda madaafiic baa ku socota, balse hooyadeey ima aamineyso'
- Muxuu Ruushka si buuxda ugu adeegsan la' yahay ciidankiisa cirka?
- Bisadaha Ruushka oo laga mamnuucay tartamada caalamka











