Dagaalka Ukraine: 'Magaaladeyda madaafiic baa ku socota, balse hooyadeey oo ku sugan Ruushka Ima rumeysaneyso'

Oleksandra sheltering with her dogs in her flat's bathroom in Kharkiv

Xigashada Sawirka, Oleksandra

Qoraalka sawirka, Oleksandra waxay sheegtay in hooyadeed ay aaminsan tahay oo keliya wararka ay ka aragto telefishinka dowladda Ruushka

Oleksandra iyo afarteeda eey ee ah kuwa wax badbaadiya waxa ay ku gabbanayaan musqusha gurigeeda ku yaalla magaalada Kharkiv, tan iyo markii ay madaafiicdu billowdeen.

"Markii ugu horreysay ee aan qaraxyada maqlay waan ka cararay guriga si aan usoo kaxeysto eeyaheyga oo bannaanka u maqnaa. Dadku way argagaxsanaayeen, waxayna ka cararayeen gawaaridooda. Anigana aad baan u naxsanaa," ayay tidhi.

Gabadhan 25 jirka waxa ay si joogto ah ula hadleysay hooyadeed, oo ku nool magaalada Moscow. Balse wada sheekeysigaas iyo xitaa markii ay u dirtay muuqaallo muujinaya sida loo duqeynayo magaaladeeda, Oleksandra wali uma suurtagalin in ay hooyadeed ka dhaadhiciso khatarta ay ku dhex jirto.

"Ma rabin inaan ka nixiyo waalidiinteyda, balse waxaan billaabay inaan si toos ah ugu sheego in dad rayid ah iyo carruur ay dhimanayaan," ayay tidhi.

"Laakiin inkastoo ay iga walwalayaan, wali waxa ii sheegayaan in waxa dhacay laga yaabo in ay yihiin wax kama' ah oo aan ku talagal ahayn, ciidamada Ruushkuna aysan waligood bartilmaameedsaneynin dad shacab ah. Dowladda Ukraine-na ay tahay midda dadkeeda si ula kac ah u leyneysa."

Waa wax caadi ah in dadka reer Ukraine ay eheladooda qaar ka mid ah ku nool yihiin xadka dhankiisa kale oo ah gudaha Ruushka. Balse qaarkood, sida Oleksandra, qaraabadooda Ruushka ah si kale ayay u fahansan yihiin dagaalka. Waxa ay aaminsan tahay in sababtu ay tahay wararka ay ka daawadaan warbaahinta dowladda ee sida weyn loo xakameeyo.

Oleksandra's dog in a helmet

Xigashada Sawirka, Oleksandra

Qoraalka sawirka, Oleksandra eeyaheeda waxay caawinayeen xilliga ay bambooyinka socdeen

Oleksandra waxay sheegtay in hooyadeed ay mar walba ku celcelineyso waxyaabaha ay ka maqasho telefishinnada ku hadla afka dowladda Ruushka.

"Runtii aad baan uga naxay markii ay hooyadeey u hadashay isla sida uu u hadlo telefishinka Ruushka. Dadka ayay maskaxda ka baddalayaan. Dadkuna way aaminayaan," ayay tidhi Oleksandra.

"Waalidkeyga way fahansan yihiin in howlgal militeri uu ka socdo halkan. Balse waxay dhahaan: 'Ruushka waxay u imaadeen in ay ku xoreeyaan. Waxba ma burburinayaan, kuma taabanayaan adiga. Waxay bartilmaameedsanayaan oo keliya saldhigyada militeriga'."

Marka ay BBC-da wareysaneysay Oleksandra, madaafiicdu way socdeen. Khadka internet-ka wuu liitay, sidaas darteed waxaan ku khasbanaannay in aan farriimo codad ah is weydaarsanno.

"Waxaan u dhawahay inaan illoobo sida uu ahaan jiray dareenka aamusnaanta. Waxay ridayaan madaafiic aan kala joogsi lahayn," ayay tidhi.

Balse Telefihsinnada dowladda Ruushka isla maalintaas wararkooda kuma aysan soo darin gantaallada lala dhacayay degmooyinka shacabka ku nool yihiin ee magaalada Kharkiv iyo dhimashada dadka rayidka ah, ama afar qof oo la dilay iyagoo saf ugu jira biyo.

Warbaahinta Ruushku waxay sheegayaan in khatarta ku wajahan dadka reer Ukraine aysan ahayn mid ka imaaneysa ciidamada Ruushka, oo ay ka imaaneyso kuwa Ukraine oo shacabka ka dhiganaya gabbaad.

Telefishinnada dowladda Ruushka waxay dagaalka marmarsiiyo uga dhigayaan iyagoo u sababeynaya gardarrada Ukraine, waxa ayna wali ku tilmaamayaan "howlgal khaas ah oo xoreyn ah". Warbaahin kasta oo Ruushka ku taalla oo waxa socda u adeegsata erayga "dagaal" ama "qabsasho" ama "weerar" waxay wajaheysaa in laga mamnuuco shaqada, aqoonsigana ay kala noqoto waaxda sharciyeynta, maadaama loo arkayo inay "si ulakac ah u faafinayaan warar marin habaabin ah oo ku saabsan howlgalka militeriga Ruushka" ay ka wadaan Ukraine.

Qaar ka mid ah shacabka Ruushka ayaa waddooyinka ku sameeyay mudaharaadyo ay uga soo horjeedaan dagaalka - balse mudaharaadayaashaas lagama soo deynin telefishinnada dowladda.

Mykhailo, oo ah makhaayadle caan ka ah magaalada Kyiv, ma uusan helin waqti uu ku daawado wararka telefishinka dowladda Ruushka ee ku saabsan weerarka Ukraine lagu qaaday.

Markii ay billowdeen madaafiicda lagu ridayay caasimadda Ukraine, isaga iyo xaaskiisa waxa ay diiradda saarayeen sidii ay u badbaadin lahaayeen gabadhooda oo lix jir ah iyo wiilkooda oo aad u yar.

Mykhailo with his father before the war

Xigashada Sawirka, Mykhailo

Qoraalka sawirka, Mykhailo oo waalidiintiisa la jooga dagaalka ka hor

Habeennimo ayay carruurtooda kusoo kaceen dhawaaqa qaraxyada oohin ayayna joojin waayeen. Qosyku waxay go'aansadeen inay u qaxaan duleedka magaalada, kaddibna dibadda u cararaan.

Waxay u safreen waddanka Hungary, halkaas oo Mykhailo uu uga soo tagay xaaskiisa iyo carruurtiisa, isagoo dib ugu laabtay Galbeedka Ukraine si uu dagaalka uga qayb qaato.

Waxa uu la yaabay in uu lasoo xiriiri waayay aabihiis oo ka shaqeeya gudaha Ruushka. Isaga ayaa wacay aabihiis waxa uuna u sharraxay waxa dhacay. Balse aabihiis waxa uu ku jawaabay in warkaas uusan run ahayn; wuxuu sheegay in uusan dagaal jirin - xaqiiqduna ay tahay - in Ruushku ay Ukraine ka badbaadinayaan Nazi-yiinta.

Mykhailo waxa uu sheegay in uu dareensanaa awoodda ay leedahay borobogaandada Ruushka, balse markii uu aabihiis ka maqlay uu aad uga xumaaday.

line

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

line

"Aniga aabeheey ayaa i rumeysan waayay, anigoo taas og ayaan indhaheygana ku arkayaa waxa dhacaya. Hooyadeeyna, oo xaaskiisii hore ah, arrintan ayaa ku dhaceysa," ayuu yidhi.

"Iyada iyo ayeeyadeey waxay ku dhuumanayaan musqusha, iyagoo ka gabbanaya bambooyinka."

Anastasiya waalidiinteeda waxay ku nool yihiin tuulo yar oo 20km (12 miles) u dirta gobolka ay fallaagadu maamulaan ee Donetsk. Tuuladu wali waxay gacanta ugu jirtaa maamulka mas'uuliyiinta Kyiv, balse telefishinka Ruushka ayaa mar walba gudiga uga daaran. Xitaa waxaa saacadda ugu xiran waqtiga Moscow.

Sidaas awgeed, markii ay Anastasiya 24-kii February kusoo kacday dhawaaqa siiriga qeylo dhaanta ee Kyiv, way ogeyd sida ay waalidiinteeda uga fal celin doonaan.

Anastasiya with her cat Freddie in a bomb shelter

Xigashada Sawirka, Anastasiya

Qoraalka sawirka, Anastasiya - iyo bisaddeeda - way ka tageen guriga

"Hooyadey waxay ahayd qofka ugu horreeya ee aan wacay markii aan sariirta naxdin uga soo booday shantii subaxnimo, anigoo isku dhex yaacsan. Way la yaabtay waqtiga aan soo wacay, si daggan ayayna u hadleysay," ayay tidhi.

Anastasiya, oo ah wariye u shaqeysa BBC-da laanteeda Ukraine, magaalada Kyiv-na u wareegtay 10 sano ka hor, waxay maqashay qaraxyada bambooyinka markii ay soo kacday kaddib, waxayna ka walwalsaneyd waxa xigi karay.

"Hooyadeey ayaan wacay mar kale. Waxaan u sheegay in aan naxsanaa. 'Ha walwalin', ayay igu tidhi, iyadoo i dajineysa. 'Ma dhici doonto in ay duqeeyaan Kyiv'."

Balse duqeyntu wayba socotaa hadda, ayay ku jawaabtay Anastasiya.

"Waxaan u sheegay in uu khasaare gaadhay shacabka. 'Laakiin taas waa wixii aan maqalnay markii ay ciidanka Ukraine weerareen Donbas!', ayay tidhi, iyadoo qosleysa. Waxaan gaadhay heer aan neefsan waayo. Inaan maqlo hooyadeey oo sidaas dhaheysa, iyadoo jeesjeeseysa waan ku qalbi jabay."

Waxaan Anastasiya la hadalnay markii ay ka baxeysay Kyiv, oo ahayd afar habeen kaddib markii ay duqeynta socotay. Maskaxdeeda waxay dareemeysay in mustaqbalkeeda uu habnti la'aan yahay.