Colaadda Ukraine: Shan qaab oo uu ku soo idlaan karo duullaanka Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilli dagaalka Ukraine uu galay maalintiisii sagaalaad, ayaa khubarada milateriga iyo siyaasiyiinta waxa ay wadaan inay saadaaliyaan sida ay ku dhammaan karto colaadda.
Way adag tahay in si sax ah loo sii qiyaaso halka uu xaal ku dambeyn doono, balse waxaan halkan ku soo bandhigi doonnaa shan qaab oo uu ku soo idlaan karo duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Dagaal muddo kooban
Tani ayaa ka dhigan in Ruushka uu xoojin doono duullaankiisa milateri. Waxaa hadda uu sare u qaaday duqeymaha gantaallada ee guud ahaan Ukraine. Ciidanka cirka ee Ruushka oo illaa hadda aan dowr weyn ka qaadan dagaalka ayaa billaabi kara duqeyn ba'an.
Sidoo kale, waxaa suuragal ah in Ruushka uu weerarro dhanka internet-ka ah ku qaado xarumaha muhiimka u ah jiritaanka Ukraine, isla markaana uu jaro tamarta iyo isgaarsiinta dalkaas. Taasi ayaa horseedi doonta in dad badan oo rayid ah ay geeriyoodaan, Kyiv na lagu qabsado maalmo gudahood.
Ruushka ayaa markaa kadib dhisi doona xukuumad taabacsan, iyadoo Madaxweyne Zelensky la khaarajin doono ama uu dalka ka carari doono. Madaxweyne Putin ayaa markaa kadib shaacin doona inuu ku guulaystay duullaanka, Ukraine na waxa ay noqonaysaa sida Belarus oo kale, isla markaana ku siyaasad ah Moscow.
Si ay arrimahaas u dhacaan, Ruushka waxa uu u baahan yahay in ciidamo ka awood badan kuwa hadda uga sugan Ukraine uu dagaal geliyo, iyo in uu ku guulaysto isbedalka xukun ee uu la damacsan yahay Kyiv. Balse caqabada taagan ayaa ah in maamul kasta oo uu Putin u sameeyo Ukraine uu la kulmi doono iska caabin iyo in dagaalka uu markale qarxo.
Dagaal daba dheeraada
Qaabka labaad ayaa ah in dagaalka uu daba dheeraado, oo Ruushka uu si fudud gacanta ugu dhigi waayo caasimadda Kyiv. Xooggaga Ukraine ayaa dagaal magaalada gudaheeda kula gali doona ciidamada soo duulay, waxaana Ruushka qabsan doonta mid la mid ah tii ku dhacday markii uu sagaashameeyadii weerarray caasimadda caasimadda Grozny ee Chechnya.
Maadaama uu dalka Ukraine yahay mid baaxad weyn, waxaa ku adkaan doonta ciidamada Ruushka inay isku ballaariyaan magaalooyinka oo dhan. Reer Galbeedka oo fursad u arka iska caabinta Ukraine ee duullaanka Ruushka ayaa hub iyo saanad ciidan siin doona xooggaga dalkaas.
Qaabkan ayaa ku dhammaan kara in sanado badan kadib uu Ruushka ciidankiisa kala baxo Ukraine, si lamid ah jabkii ka soo gaaray Afghanistan 1989, kadib toban sano oo uu la dagaallamayay xooggagii muhaajidiinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaalka Yurub
Waxaa suuragal ah in dagaalka uu ka gudbo xuduudaha Ukraine, oo Putin uu damco isku ballaarinta dalalkii horay uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet ee Moldova iyo Georgia.
Waxaa sidoo kale dhici karta in Ruushka uu gargaro ku tilmaamo hubka ay Nato siiso Ukraine oo uu sidaa ciidan ugu diro dalalka loo yaqaano Baltic ee kamidka ah gaashaan buurta, sida Lithuania.
Taasi ayaa khatarteeda leh, oo waxa ay horseedi kartaa in Ruushka iyo Nato ay isku dhacaan, isla markaana ay sare u kacdo suuragalnimada ah in dagaal nukliyeer loo adeegsado uu caalamka ka qarxo.
Xal diblomaasi
Maadaama uu wada hadal u furmay Ruushka iyo Ukraine, waxaa suuragal ah in ay ku heshiiyaan qodobo macquul ah oo horseedi kara in colaadda la soo afjaro. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku baaqay in fursad la siiyo wada hadalka.
Hase yeeshee su'aasho waxa ay tahay Galbeedku diyaar ma u yahay inuu aqbalo rabitaanka Ruushka, si looga baaqsado dhiig kale oo daata.
Waxaa kale oo suuragal ah in Ruushka uu dareemo in dagaalka aanu u dhicin sidii uu rabay, isla markaana ay cunaqabateynta saameyn xooggan ku yeelato. Taasi ayaa ku qasbi karta Putin inuu raadiyo xal kale oo aan dagaal ahayn.
Waxaa dhici karta in Shiinaha uu soo bandhigo qaab uu Ruushka ku cadaadin karo inuu aqbalo xabbad joojin. Wadaxaajoodka labada dhinac ayaa horseedi kara in Ukraine ay ka tanaasusho Crimea iyo Donbas, taa bedalkeedana uu Ruushka aqoonsado dowladnimada Kyiv.
Putin oo xilka waaya
Waxaa suuragal ah in haddiii uu dagaalka sii daba dheeraado oo khasaaro lixaad leh uu soo gaaro ciidamada Ruushka, ay taasi horseedo kacdoon dadweyne oo gudaha Ruushka ah iyo in Putin uu lumiyo kalsoonida shacabka.
Waddamada Galbeedka ayaa markaa ku baaqa doona in Putin uu xilka wareejiyo si Ruushka uu uga baxo xaaladda adag ee ka dhalatay cunaqabateynta, una hagaajiyo xiriirkiisa caalamiga ah.
Balse si kasta oo uu xaalka ku dambeeyo, waxaa xaqiiq ah in dagaalkan uu caalamka wax badan ka bedali doono, isla markaana uusan sidii hore ahaan doonin xiriirka Moscow kala dhexeeya dalalka adduunka.











