Muxuu waddankan reer Yurub u taageerayaa duulaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine?

Serbia

Xigashada Sawirka, Reuters

Kumannaan qof oo ku nool caasimadda Serbia ee Belgrade ayaa ka qeyb galay dibadbax ballaaran oo taageero loogu muujinayo duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Qiyaastii 4,000 oo qof ayaa isugu soo baxay dibadbaxa ka dhacayay bannaanka hore ee taallada Ruushka ee Tsar Nicholas II, halkaasi oo ay ku qaadayeen heesta calanka waddamada Ruushka iyo Seerbiya, waxa ayna labada dal ku ammaaneen in ay yihiin laba dal oo walaalo ah.

Dadka Dibad-baxyada dhigaya ayaa sitay calanka Ruushka iyo sawirrada madaxweyne Vladimir Putin, waxa ayna socod ku mareen bartamaha magaalada iyagoo ku sii jeeday safaaradda Ruushku uu ku leeyahay Belgrade.

Serbia

Xigashada Sawirka, Reuters

Dowladda Serbia ayaa isku dayaysa in ay isu dheeli tirto siayasaddeeda dibadda, iyada oo dhinac isku dayaysa in ay sii adkeyso xiriirka ay la leedahay Moscow, dhinaca kalena ilaaliso xiriirkeeda ay la leedahay Yurub iyo hammigeeda ah in ay Yurub ku biirto.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli dibad-baxyo looga soo horjeedo duulaanka Ruushka ay ka dhacayeen caasimadaha dhawr waddan oo caalamka ka tirsan.

Kumannaan oo qof ayaa xalay isugu soo baxay bannaanbaxyo ka dhacayay caasimadda Georgia ee Tbilisi iyo caasimadda Jamhuuriyadda Jeeg ee Prague.

Serbia

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa dibad-baxaayaashani kula hadlay qaab maqal iyo muuqaal ah.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay mudaharaadyo kale oo lagaga soo horjeeday dagaalka, kuwaa oo ka dhacay magaalooyinka Frankfurt, Vilnius, Lyon iyo Bratislava.

Mudaaharaadyo kale oo lagu taageerayo Ukraine ayaa Jimcihii ka dhacay magaalooyinka Lisbon, Lucerne, London, Seoul, Jakarta iyo La Paz.