Daraasad: Daacsi la'aantu waxay keeni kartaa dhibaato caafimaad

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
In kasta oo daacsashadu ay gebi ahaanba caadi tahay, haddana mararka qaarkood waxaa laga yaabaa inay calaamad u tahay dhibaato caafimaad sida daraasada lagu sheegay.
Sida laga soo xigtay cilmi-baaris dhawaan la sameeyay, dadka ay ku adag tahay in ay daacdaan waxay la kulmaan xishood, walaac iyo niyad-jab, sababo la xiriira xaaladdooda, iyo sidoo kale xanuun jireed.
Daaco la'aanta oo loo yaqaanno 'cricopharyngeal retrograde' (RCPD) waxay sababtaa calool-xanuun, " qallafsan" laabta iyo qoorta oo ku xanuuna iyo dhibaatooyin kale “.
Cilmi-baaristan ayaa waxaa sameeyay koox aqoonyahanno ah oo ka socday jaamacad ku taal Texas ee dalka Mareykanka.
Sida cilmi baaristu ay kasoo xigtay dhaqaatiir badan ilaa iyo hadda “lama oga wax badan oo ku saabsan cilladan oo ah mid bulsho badan ay la dhiban yihiin”.
Daraasadaan ayaa soo jeedisay in loo baahan yahay in la sameeyo cilmi baaris kale oo dheera ah si loo ogaado xaaladda dhabta ah ee sababta.
Kooxdu waxay ku talinaysaa in la barto "saameynta xaaladdan ee nolol maalmeedka bukaanka, oo ay ku jiraan saameynteeda maskaxeed iyo tan bulsho", sababtoo ah waxay saameyn xun ku yeelan kartaa tayada nolosha qofka.
Yakubu Karagama, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada ku dhaca cunaha, dhagaha iyo sanka oo kana tirsan isbitaalka Guy's iyo St Thomas' ee magaalada London, ayaa sheegay in xaaladdu ay "ay saamaysay dadka muddo dheer."
“Marka aad wax cunayso ama aad wax cabto, waxa aad dareemaysaa xanuun, dadka qaar waa in ay seexdaan si ay u daacan, qaar kale ayaa afka galiya farta si ay daacada bannaanka uga soo baxdo"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhaqatar Karagama ayaa BBC-da u sheegay in tan iyo sanadkii 2016 uu dadka xanuunkan uga daweynayay irbadda lagu weyneeyo xubnaha qaar ee jirka, kuwaas oo nasinaya muruqa cunaha.
Wuxuu sheegay in daawadaan “ay wax ka beddeshay nolasha ku dhawaad bukaan kasta" oo uu qalay.
Si kastaba ha ahaatee, daawadaan ayaana hadda ahayn mid si gaar ah looga heli karo Boqortooyada Ingiriiska, sababtoo ah waxaa jirta wacyigelin yar oo ku saabsan arrintaan oo ka dhex jirta xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, sida uu sheegaya Yakubu Karagama.
Dadka intooda badan way qoslaan markaad tiraahdo "ma daacin karo" taasi waa dhibka ka dhax jira bulshada, "dadku ma fahmaan dhibka ay arrintan leedahay” ayuu yir khabiirka .

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay Karagama, lama oga inta qof ee wajahaya dhibaatada daaco, la,aanta , laakiin wuxuu aaminsan yahay inay tahay mid si weyn bulshada uga dhex jirta.
"Dad badan ayaan xitaa ogayna astaamaha iyo wax sabab arrintaan, Inta badan bukaannada yimaada rugteyda caafimaadka waxay sheegaan inay la ildaran yihiin xaaladaan dhaman noolshooda oo dhan” .
Waxa uu ku baaqayaa in la kordhiyo maalgelinta cilmi-baarista lagu ogaanayo sababta dhabta ah ee ku salaysan.
Afhayeen u hadlay Adeegga Caafimaadka Qaranka ayaa yiri: "In kasta oo caddaynta caafimaad ee xaaladdan ay aad u xaddidan tahay tirada yar ee dadka soo bandhigtay awgeed, shaqaalaha Adeegga Caafimaadka Qaranka waxay raacaan talada caafimaad ee Machadka Qaranka iyo heerka sare ee bukaan-socodka, kaas oo qeexaya daryeelka iyo adeegyada ku habboon bukaanka qaba xaalado gaar ah."
Daraasadda, oo ku salaysan sahan lagu sameeyay 199 qof oo aan awoodin inay daacisadaan , ayaa lagu soo gebogebayay in xirfadlayaasha caafimaadku ay "aqoon aad u kooban" u leeyihiin xaaladda iyo in fahamka ay ka haystaan intaba"
Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in kala bar dadka qaba xanuunka ee ku nool UK in aysan helin gargaar ku filan.













