Maxkamad xukuntay “nin xaaskiisa galmo aan caadi ahayn" la sameeyey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamad ku taalla gbolka Chattisgarth ee dalka Hindiya ayaa nin ku xukuntay 9 sano oo xabsi shaqo adag ah iyo ganaax dhan 10,000 Rupee, ka dib markii uu xaaskiisa “la sameeyey galmo aan caadi ahayn”.
Sida uu sheegayo qareenka Neeraj Choubey oo haweeneyda u doodayey, maxkamaddu waxay kaloo xukun 10 bilood ah ku ridday gabadha sodohdeed iyo soddogeed, halka dumaashideedna lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah.
Dadkaas waxaa lagu helay inay jirdil iyo bahdil ku sameeyeen gabadha wiilkoodu qabay.
Go’aanka ay maxkamaddu gaartay ayaa yimid marki la sheegay in ninku gaystay “kufsi guur” oo ah marka saygu uu la galmoodo xaaskiisa oo diiddan. Xaaladda noocaas ah ayaa sharci darro ka ah dalka Hindiya, ayadoo dhinaca kalena ay tahay arrin weli ay dood ka taagan tahay.
Markii uu xukunku dhacay ayaa ninkaas oo ah ganacsade caan ah xabsiga loo diray. Xaaska ayaa iyadana ka dhalatay qoys ganacsato ah.
Sida uu sheegayo dacwad oogaha, labada qof waxay is guursadeen 2007, markaasoo wixii xilligaas ka dambeeyey ay billowdeen xadgudubyada loo gaysanayey gabadha.

Sida ay xaasku codsatay, guurka ka dib jirdil jireed iyo mid maskaxeed ayey la kulantay, dhowr goorna waxay sheegtay in lagu khasbay “galmo aan caadi ahayn”. Xiriirka noocaas ah waxaa ku dhalatay gabadh sannadkii 2016.
Xaaska ayaa isaga tagtay gurigii ninkeeda, waxayna u wareegtay aqalka waalidkeed, ayadoo dacwad ku soo oogtay reerkii ay xididka ahaayeen.
Waxay sheegtay in kiiskeeda uu muujinayo bal in arrinta qabsatay ay tahay “galmo aan caadi ahayn oo qayb ka ah nolosha guurka” ama inuu yahay bahdil loogu gaysanayo arrimo ay ka mid yihiin yarad aan la dhiibin.
Waxay intaa ku dartay in dumarka ku jira guurka noocaas ah ay sare u qaad aan codkooda, haddii ay wajahayaan xadgudubyo uga imaanaya mujtamaca.
Aabaheed aya isna BBC u sheegay in aan “la qiyaasi karin xanuunka uu qoyskiisu la kulmay dhowrkii sano ee la soo dhaafay”.
Sida uu qorayo dukumentiga maxkamadda, ganacsade Nimesh Agarwal oo ka soo jeeda deegaanka Durg ee Chattisgarh, ayaa guursaday gabar uu dhalay ganacsade kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii meherku uu dhacay ayaa qoyska saygu waxay bilaabeen inay qoyska gabadha weydiistaan lacag, arrintaasna way sii xoogaysanaysay marba marka ka dambeeya, waxaana arrintaas darted gabadha loogu gaystay jirdil.
Waxay gabadhu maxkamadda ka hor sheegtay in aabaheed uu bixiyey yarad dhan 35 malyan oo Rupee oo u dhiganta 420,000 oo dollar, lacagtaasoo dhowr goor la kala bixiyey. Waxaa kale oo maxkamadda laga hor sheegay in wakhtiy kale la bixiyey lacag badan iyo gaari BMW ah.
Markii ay uurka qaadday 2011, ayaa sida ay maxkamadda u sheegtay waxaa la ogaaday inay gabadh siddo, sidaa darteedna waxaa saygeeda iyo qoyskiisaba ay si Khasab ah ugula taliyeen inay iska soo riddo, taasoo aysan aqbalin.
Markii ay dhashay ka dib, ayaa sida ay sheegtay waxay heleen marmarsiiyo ay ku garaacaan. Waxay kaloo ku eedeysay odaygeeda in uu ku khasbay inay samayso “waxa uu ka so daawado aflaanta anshax xumada ah”, ayadoo intaa ku dartay in ninkeedu uu isla xilliyadaas fiidiyowyo ka duubi jiray.
Qoyska ninka uu ka dhashay ayaa waxay maxkamadda u sheegeen in eedeymahaas ay yihiin kuwo been abuur ah, laakinse maxkamaddu waxay ogaatay in eedeymaha ay yihiin kuwo run ah.
Khubarada arrimaha sharciga waxay sheegayaan in muhiimadda go’aankan uu yahay mid aad u sarreeya, “waayo arrimaha noocan oo kale ah si dhif ah ayey bulshadu uga hadashaa”, waxayna sheegeen in go’aanka noocan oo kale ah uu horseedayo in dadku aad u fahmaan.
Devesh Kumar oo ah sharci yaqaan ka hawlgala maxkamadda Chattisgarh wuxuu sheegayaa in go’aanka racfaan laga qaadan karo, laakinse in go’aankan oo kale uu soo baxo ay ka dhalanayso in bulshadu si weyn ay u fahmaan.













