Sidee baaritaan dhiig loogu ogaan karaa isdilka dunida ku badan

Dhiig laga baarayo isdil

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Saynisyahano ka tirsan jaamacada California, San Diego School of Medicine ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in baaritaan dhiig oo la qaado si fudud loogu ogaan karo is dilka ama firkadaha isdilka.

Waxay ogaadeen in walbahaarka, welwelka iyo fikradaha isdilka ay saameyn ku yeelan karaan isku dhiska kiimikooyinka ku jira, sida cudurrada faafa iyo kansarka.

Isbeddellada isku dhiska kiimikooyinka ayaa keena isbeddel ku yimaada hal-mataboolikada dhiigga, halkaasoo kiimikooyin gaar ah ay ka soo baxaan kuwaas oo tilmaamaya jiritaanka dhibaatooyinka qaarkood ee jirka.

Cudur kastaa wuxuu leeyahay calaamado u gaar ah oo lagu ogaan karo xilliga baaritaanka dhiigga. Taas macnaheedu waxa weeye natiijadu waxay muujin kartaa in bukaanku qabo niyad-jab ama xitaa fikradaha isdilka.

"Sababaha xanuunka dhimirka iyo saameynta ay ku leeyihiin jirka kaliya ma saameeyaan maskaxda" ayuu yiri Robert Navio, oo ah borofesar ka tirsan waaxda caafimaadka iyo cudurrada faafa ee San Diego College of Medicine.

Qaar badan oo ka mid ah bukaannadan ayaa la kulma fikrado isdil ah, mid ka mid ah saddexdii qofba wuxuu isku dayaa inuu isdilo, ugu yaraan hal mar ayaana lagu sheegay warbixinta sayniska ah ee ay dhaqaatiirtan soo bandhigeen.

Si loo ogaado calaamadaha, saynisyahannadu waxay tijaabiyeen dhiigga boqollaal bukaan ah oo qaba jabtada ragga, waxayna natiijada la barbar dhigeen tiro la mid ah dadka aan qabin jabtada.

Waxaa la ogaaday in boqollaal kiimikooyin ah oo dhiigga ku jira, shan ka mid ah loo isticmaali karo calaamad muujinaysa jiritaanka jabtada joogtada ah iyo fikradaha isdilka ee bukaanka.

Hababka daweynta

ISDILKA

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hababka lagu daweeyo jabtada waa kuwo la garanayo. Daaweynta jabtada waxay yarayn kartaa dhibaatada, waxayna ka ilaalin kartaa inay sii fiddo, waxayna ka dhigi kartaa fikradaha isdilka ah inay meesha ka baxaan.

Xanuunada maskaxdu way badan yihiin, laga bilaabo qabatinka maandooriyaha ilaa xanuunada maskaxda. Cudurradan ayaa laga helay ku dhawaad 1 bilyan oo qof oo adduunka oo dhan ah.

Xanuunnadaas kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah welwelka iyo jabtada, waxaana ku baxa dhaqaalaha adduunka ku dhawaad 1 trillion oo dollar sanad kasta, oo la mid ah GDP-ga Turkiga ama Sacuudi Carabiya.

Sida laga soo xigtay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, 20-kii sano ee la soo dhaafay, tirada dadka isdila ayaa si xawli ah hoos ugu dhacday, xitaa Ruushka -oo ku jira liiska saddexda waddan ee ugu horreeya ee dhibaatadan.

In ka badan toddobo boqol oo kun oo qof ayaa isdila sannad kasta. Raggu waxay is dilaan ku dhawaad laba jeer in ka badan dumarka.

Dalka Ruushka, raggu sideed jeer ayay is dilaan marka loo eego dumarka sida xogaha ay muujinayaan.

Is-dilku waa dhibaato caafimaad oo bulsho oo weyn oo leh cawaaqib bulsho, shucuureed iyo mid dhaqaale oo fog.

Waxaa lagu qiyaasaa in ay hadda dunida oo dhan ka jiraan in ka badan 700,000 oo kiisas is-dil ah sanadkiiba, waxaana ognahay in is-dil kasta uu si qoto dheer u saameeyo dad badan sida lagu xusay warbixinta uu sanadkan soo saaray ururuka caalamiga ee loo soo gaabiyo (IASP) oo hoos taga hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Sidoo kale Is-dilku waa sababta afaraad ee dhimashada ugu badan ee dhallinyarada ragga iyo dumarka ee da'doodu u dhaxayso 15-30. Inkastoo dhacdooyinka isdilku ay ku sii yaraanayaan xitaa dhalinyarada.

Dalalka Ruushka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa kaalimaha hore kaga jira dunida dalalka dadkoodu ugu badan yihiin inay is dilaan sida ka muuqata warbixinta la soo saaray ee caalamka.