Xubnaha muhiimka ah ee jirkaaga maka weyn yihiin da’daada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkastoo da’da caadiyan lagu cabbiro tirade sanadaha uu qofku noolaan karo, saynisyahannada ayaa aaminsan inay sameyn karaan tijaabo dhiigga ah oo lagu qiimeynayo habka ay u gaboobayaan xubnaha gudaha ee qofka. Tan ayaa gacan ka geysan karta saadaalinta xubnaha laga yaabo inay halis ugu jiraan inay mar dhow shaqada joojiyaan.
Koox ka socotay Jaamacadda Stanford ayaa sheegtay inay eegi karaan 11 xubnaha waaweyn ee jirka ah, oo ay ku jiraan wadnaha, maskaxda iyo sambabbada.
Kooxda Stanford team ayaa tijaabo ka qaadday kumannaan dad qaangaar ah, oo badankood da’da dhexe ku jiray amaba dad waaweyn.
Shantii qofba, mid walboo qaangaar ah oo caafimaad qaba oo cimrigiisu dhaafay 50 ayaa laga yaabaa inay ku jirto ugu yaraan xubin dhaqso u koreysa, sida lagu sheegay daraasadda.
Hal ilaa labo ka mid ah 100-kii qof ayaa iyagana laga yaabaa inay ku jiraan dhowr xubnood oo ka da’weyn sanadahooda dhalashada.
Iyadoo fekerka baaritaanku u muuqan karo mid cabsi leh, waxay haddana fursad u noqon kartaa inay soo farageliso ayna beddesho muddada mustaqbalka ee xubnaha nugul, sida ay baarayaashu sheegeen.
Inaad ogaato xubnaha sida degdegga ah usii gaboobaya ayaa gacan kaa siin karta daah ka qaadidda arrimaha caafimaad ee ku hoos duugan, sida ay baarayaashu ku sheegeen joornaalka Nature.
Kala duwanaanshaha da’da ee xubnaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tusaale ahaan, wadne da’weyn ayaa kordhin kara khatarta wadne howlgab noqda, iyadoo maskax degdeg u gaboobeysana laga yaabo inay u nuglaato xanuunka asaasaqa.
Sida lagu xusay daraasadda, inaad lahaato hal ama labo xubin, xubinta degdegga u gaboobeysa, waxaa lala xiriiriyay cudurrada qaar iyo dhimasho kugu iman karta 15-ka sano ee soo socda.
Xubnaha jirka ee ay baareen waxaa ka mid ah:
•Maskaxda
•Wadnaha
•Beerka
•Sambabbada
•Mindhicirka
•Killida
•Baruurta
•Xiidmaha dhiigga
•Xiidmaha
•Murqaha
•Beer-yarada
Maxaa lagu eegayaa baaritaanka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baaritaankan dhiigga ayaa lagu eegayaa heerarka kala duwan ee kumannaanka borotiin si wax looga ogaado xubnaha sida ka duwan kuwa kale u gaboobaya.
Noocyada borotiinka la helay ayaa u muuqda kuwo gaar u ah xubno gaar ah.
Baarayaasha ayaa tababaray mashiin wax lagu ogaanayo si saadaalinta loo sameeyo iyagoo adeegsanaya natiijooyinka baaritaanno badan oo dhiigga ah iyo xogta bukaanka.
Mid ka mid ah baarayaasha, Dr Tony Wyss-Coray, ayaa sharraxaad bixiyay: "Markii aan is barbardhignay mid walba oo ka mid ah da’da dhalashada ee xubnaha shakhsi walba marka la barbardhigo dhiggooda oo ka mid ahaa koox ballaaran oo dad ah oo aanan qabin xanuunno daran oo muuqda, waxaanu ogaannay in 18.4% kuwa jiray 50 ama ka weyn waxay lahaayeen ugu yaraan hal xubin oo si ka duwan celceliska u gaboobeysay.
"Waxaanan ogaannay in shakhsiyaadkan ay khatar sare oo cudur ah ugu jiraan xubintaas gaarka ah 15-ka sano ee soo socda."
Jaamacadda Stanford ayaa haatan soo gudbiyay natiijada baaritaanka, lacalla haddii la adeegsan karo lana iibin karo mustaqbalka.
Daraasado badan ayaa si kastaba loo baahan yahay si loo baaro sida ay u wanaagsan tahay saadaalinta da’da xubnaha iyo caafimaadka.
Qaar ka mid ah daraasadaha uu hore u sameeyay Dr. Wyss-Coray ayaa soo jeedinaya inuusan sal lahayn hannaanka da’da bayoloji ahaan, balse tan ayaa isa soo tareysa.
Prof. James Timmons, oo ah khabiir dhanka caafimaadka da’da iyo cudurrada kana tirsan Queen Mary University of London, ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynayay dhiigga iyo da’da dhalashada. Daraasaddiisa ayaa diiradda saareysa isbeddellada jiiniska, intii uu diiradda saari lahaa borotiinnada.
Wuxuu sheegay in baaritaannadii ugu dambeeyay ee Dr Wyss-Coray ay ahaayeen kuwo cajiib ah, balse loo baahan yahay in dad badan la baaro, gaar ahaan kuwa da’da yar.













