Shey ay isticmaalaan gabdhaha Soomaalida oo ay ku dagaallamaan kuwa Hindiya

Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Geeta Pandey
    • Role, BBC News, Delhi

Ku dhowaad haweeney walba oo Hindiya ku nool waxaa soo martay sheeko ku saabsan tacaddiyo jinsi oo ka dhacay meelaha dadweynaha isugu yimaado – markaasoo qof uu taabtay naaskeeda amaba qanjaruuftay cajarkeeda, suxulka ka saaray xabadka amaba uu isku xoqay.

Si ay isaga caabbiyaan ragga sidaa ula dhaqmaya, haweenka ayaa adeegsanaya wax walba oo ay awoodaan – tusaale ahaan, iyadoo ardayda kuleejyada ay isu ciriirinayaan basaska buux dhaafay ee magaalada bariga ku taalla ee Kolkata tobnaan sano kahor, saaxiibbadey iyo aniga waxaan adeegsannay dallad.

Qaar badan oo naga mid ah ayaa sidoo kale ciddiyaha sii deystay kana dhigay kuwo af leh si ay ugu xagtaan gacantii soo aadda; qaar kale ayaa kabahooda cirribaha dhaadheer isaga caabbinayay ragga ka faa’iideysta meelaha ciriiriga ah kuwaasoo isku xoqa hablaha.

Qaar kale oo badan ayaa isticmaalay shey aad waxtar u leh – biinka qamaarka lagu xajisto.

Tan iyo markii la hindisay sanadkii 1849, biinka ayaa waxaa adeegsada haween ku nool daafaha dunida si ay dharka ugu xejistaan.

Sidoo kale haween ku nool caalamka ayaa u adeegsada inay isaga caabbiyaan ragga soo weerara.

Bilooyin kahor, dhowr haween oo Hindiya ku nool ayaa barta Twitter-ka uga hadlayay sida ay mar walba boorsadooda ugu sitaan biinka, iyo inay ahayd hubkooda ay kula dagaallamaan ragga soo aada marka ay joogaan meelaha ciriiriga ah.

Haweenkaas qaarkood waa - Deepika Shergill – waxay wax ka qortay dhacdo ay qof dhiig kaga keentay. Waxay ka dhex dhacday bas ay mar walba u soo raaci jirtay xafiiska, sida ay Ms Shergill u sheegtay the BBC. Dhacdadan ayaa dhacday tobnaan sano kahor, balse weli way xusuuusataa wax walba.

Hindiya

Xigashada Sawirka, DEEPIKA SHERGILL

Qoraalka sawirka, Deepika Shergill ayaa biinka u adeegsatay nin tacaddiyo kula kici jiray muddo bilooyin ah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay jirtay 20 sano halka ninka dhibka u geystayna u uku jiray da’da 40-meeyada, wuxuu mar walba xiran jiray isku joog midabka grey-ga ah oo ay caan ku yihiin shaqaalaha dowladda, iyo kabo furan oo sandal ah wuxuuna qaadan jiray boorso maqaar ka sameysan.

"Mar walba wuu imaan jiray agteyda ayuuna soo istaagi jiray, wuu igu soo tiirsan jiray, isagoo isku key xoqaya, wuuna igu kor dhici jiray mar walba oo uu darawalku bareegga qabto."

Maalmahaas, waxay sheegtay in "ay aad u xishoon jirtay oo aysan dooneyn inay dadka isku soo jeediso", marka bilooyin ayay aamusneyd.

Balse fiidnimo maalmaha ka mid ah, markii "uu garbaheeda ku shubay biyo uu iska keenay", waxay go’aansatay intan ka badan waa bes.

"Waxaan dareemay in la i kufsaday. Markaan guriga tagay, waqti dheer ayaan qubeysanayay. Xitaa uma aan sheegin hooyadey waxa igu dhacay," ayay tiri.

"Habeenkaas ma aanan seexan karin xitaa waxaan ku fekeray inaan shaqada ka tago, balse haddana aargoosi ayaan ku fekeray. Waxaan doonayay inaan jir ahaan dhaawaco, si aan u xanuunjiyo, si aan uga joojiyo inuusan mar dambe waxaas igu sameyn."

Maalintii xigtay, Ms Shergill waxay iska beddeshay kabaheedii dacaska ahaa iyadoo xiratya kabo dhaadheer baska ayayna kortay, iyadoo ku hubeysan biinka xijaabka lagu xejisto.

"Isla markii uu yimid ina soo ag istaagay, kursiga ayaan ka soo kacay waxaana faraha uga qabtay kabaheyga cirbaha dhaadheeraa. Isagoo cabaadaya ayaan maqlay, farxad badan ayaana dareemay. Kaddibna biinka ayaan uga muday gacanta degdeg ayaana baska uga degay."

Inkastoo ay sanad kadib weli baskaas raaceysay, haddana waxay sheegtay in maalintaas ay ahayd markii ugu dambeysay ee ay aragto ninkaas.

Sheekada Ms Shergill waa mid yaab leh, laakiin ma aha dhif.

Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Inta badan gabdhaha Hindiya waxay ka sheegtaan tacaddi loogu geysto meelaha ciriiriga ah

Gabar aan isla shaqeyno oo da’da 30-meeyada ku jirta ayaa iiga sheekeysay dhacdo markii nin uu si joogto ah isugu deyi jiray inuu naaska ka qabto xilli ay bas saarnaayeen habeen inta u dhaxeysa magaalooyinka koofureed ee Cochin iyo Bengaluru (Bangalore).

"Markii hore waan iska fujiyay, anigoo u heystay inay kama’ ahayd," ayay tiri.

Balse markii uu sii waday, waxay ogaatay inuu ula kac u sameynayay – biinkii ay ku xejisaneysay qamaarka "ayaana maalintaas badbaadisay".

"Waan ku muday wuuna iga fuqay, balse wuxuu isku dayayay mar kale iyo mar kale anigana waan sii waday inaan ku mudo biinka. Ugu dambeyn, wuu iga tegay. Waan ku faraxsanahay in aan heystay biinka, balse waxaan dareemayay ciil inaanan ku jeesan oo dharbaaxin," ayay tiri.

"Balse markii aan yaraa, waxaan ka walwali jiray inaysan dadku i taageereyn haddii aan qeylo-dhaan diro," ayay tiri.

Dadka u dooda arrimaha haweenka ayaa sheegay in cabsidan iyo ceebtan ay inta badan haweenku dareemaan ay si dhiirrigeliso kuwa tacaddiyada ku kaca ayna dhibta uga sii darto.

Sida laga soo xigtay qiimeyn online-ka ah oo laga sameeyay 140 magaalo oo Hindiya ku yaalla sanadkii 2021, 56% haweenka waxay sheegeen in tacaddiyo jinsi loogu geystay gawaarida dadweynaha dhexdooda, balse keliya 2% ayaa u tegay booliiska. Intooda badan waxay sheegeen inay iyagu tallaabo qaadeen amaba ayba iska aamuseen, sababtoo ah ma dooneyn inay xaaladda ka sii daraan.

In ka badan 52% waxay sheegeen inay iska diideen fursado waxbarasho iyo shaqo sababo la xiriira inaysan badqab dareemeyn.

"Cabsida tacaddiyada jinsiga ayaa saameysa haweenka in ka badan rabshadda qudheeda," ayay tiri Kalpana Viswanath, oo wax ka aasaastay Safetipin, oo ah urur bulsho oo ka shaqeeya in goobaha bulshada laga dhigo kuwo ammaan ah oo haweenkuna aysan dhib ka soo gaareyn.

Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waaxda Delhi Metro ayaa hal qeyb oo tareenka ka mid ah u qoondeysa dumarka

"Haweenka ayaa bilaaba inay xayiraad isa saaraan taasina waxayna naga hor istaageysaa inaan dhanka dhalashada kala mid noqonno ragga. Saameyn ballaaran ayay ku leedahay nolosha haweenka mid ka badan tan kufsiga."

Ms Viswanath ayaa tilmaantay in dhibaatada haweenka aysan keliya ku koobneyn Hindiya, ayna tahay arrin adduunka ka taagan. Daraasad ay sameysay Thomson Reuters Foundation ayna ka qeyb qaateen 1,000 haween oo ku nool London, New York, Magaalada Mexico, Tokyo iyo Qaahira ayaa muujineysa in "gaadiidka ay marin u ahaayeen kuwa geysta tacaddiyada kuwaasoo xilliyada kala orodka u adeegsada inay ku qariyaan dabcigooda iyo marmarsiyo ahaan haddii lagu qabto".

Ms Viswanath ayaa sheegtay in haweenka ku nool Latin America iyo Afrika ay u sheegeen inay sidoo kale qaataan biin. Wargeyska Smithsonian ayaa sheegay in gudaha Mareykanka, ay haweenku biinka isticmaali jireen xitaa sanadihii 1900-meeyadii si ay ugu duraan nimanka kusoo dhowaada si ay ugu raaxeystaan.

Balse inkastoo dhowr qiimeyn oo adduunka ah ay Hindiya so gashay kaalmaha sare marka la eego tacaddiyada haweenka, haddana uma muuqato mid arrintaas u aqoonsaneysa dhibaato weyn inay tahay.

Ms Viswanath ayaa sheegtay in arrintan ay qeyb ka tahay soo sheegid la’aanta oo la micno ah inaysan ka muuqan xogta dembiyada, iyo saameynta shaleemooyinka ee na baraya in dhibaatadu ay keliya tahay mid lagu soo jiidayo haweenka.

Inkastoo sanadihii la soo dhaafay, Ms Viswanath ay sheegtay, in magaalooyin badan ay xaaladdu ka soo hagaageyso.

Caasimadda Delhi, basaska waxay leeyihiin badhamo la taabto haddii qofku dhib dareemo iyo kaamirooyinka qarsoon, iyadoo haween darawallo ahna ay ka shaqeeyaan, iyadoo sidoo kale darawallada iyo kirishbooyada loo tababaray inay caawiyaan haweenka baska saaran.

But, Ms Viswanath waxay qabtaa, in dhibaatadu aysan mar walba ahayn dhanka anshaxa.

"Waxaan u maleynayaa in xalka ugu muhiimsan uu yahay inaan in badan ka hadalno arrinta, waa inuu jiraa olole warbaahin oo dadka baraya waxa la aqbali karo iyo waxa aan la aqbali karin."

Ilaa ay taas ka dhacayso, Ms Shergill iyo saaxiibtey iyo malaayiin haweenka Hindiya ah waxay sidan doonaan biinka lagu xejisto biinka.