Kufsiyada ka dhaca Hindiya: Haweenka is weydiiyay ‘Maxay raggu dumarka u kufsadaan?'

Xigashada Sawirka, BBC/Nikita Deshpande
Wareysiga ay la yeelaneysay ragga wax kufsada ayaa saameyn ba'an ku yeeshay caafimaadka Tara Kaushal.
Tan iyo intii ay baaritaankeeda bilowday, sannadkii 2017, waxaa ku dhacay walwal iyo walbahaar. Maalmaha qaar, way iska ilmeyn jirtay.
Maalin maalmaha ka mid ahayd, oo aan aad u sii fogeyn, xilli fiid ah waxay isku soo xirtay qolkeeda iyadoo ku sugneyd Noida, oo ka tirsan Delhi.
"Seygeyga, Sahil, bannaanka ayuu ku maqnaa, wuxuuna isku dayayay inuu xalliyo," ayuu yiri.
"Wuxuu garaacayay albaabka si uu u hubiyo in aan fiicanahay, anigana gudaha ayaan ku jiray oo waan iska barooranayay.
"Waxaa garwaaqsaday inaan u baahnaa la talin caafimaad oo dhanka maskaxda ah."
Xitaa kahor bilowgii baaritaankeeda, Tara waxay ka walaacsaneyd tacaddiyada galmada. Waxay markii ugu horreysay ka hadalkeeda bilowday xilligii ay jirtay 16 sano.
"Nin beerteenna ka shaqeyn jira ayaa i kufsaday aniga oo afar sano jir ah," ayay u sheegtay waalidkeed.
Hadalkaas ayaa ka fajiciyay waaliddiinteeda. Balse iyada waxay u ahayd in ay furtay albaabka daadadka.
Laga bilaabo xilligaas, Tara si shaac ah ayay uga hadli jirtay tacadiyada galmo ee loo geystay, iyadoo uga haldi jirtay doodaha dadweynaha. Waxay uga sheekeyn jirtay saaxiibbadeed waxayna xitaa ka qortay buug.
"Wax yar ayaan ka xusuustaa dhacdadaas," ayay tiri.
"Waan garanaayaa magaciisa. Waan garan karaa sida uu u yaallo. Waan xusuustaa timihiisii raamaha lahaa iyo dhiiggii ku yaallay saakadeydii buluugga ahayd."
Mrakii ay weynaatay, waxay ka fekertay kiisaska kale ee tacaddiyada galmada ee dhacaya maalin walba. Waxay dooneysay inay ogaato sababta ay u dhacayaan.
"Buuggeyga 'Maxay Raggu dumarka u Kufsadaan' wuxuu khuseeyaa safar dheer oo mid shakhsiyadeed iyo mid shaqo ah," ayay u sheegtay BBC.
"Balse waxa la socdo tiiraanyadeyda."
Soo qabashada kuwa wax kufsada 'ee aan la baarin'
Kufsiga iyo tacaddiyada galmada ayaa lagu baraarugsanaa tan iyo sannadkii 2012, makii ardayad 23 jir ahayd lagu dhex kufsaday gaari bas ah, magaalada Delhi.
Maalmo yar ka dib ayay u geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray dhacadadaas. Afar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la daldalay bishii March 2020.
Iyadoo ay jirto cambaareyn badan oo falalkaas ku aaddan, haddana kiisaska kufsiga ayaa sii kordhaya.
Sida laga soo xigtay waaxda ururinta xogta dembiyada, booliiska ayaa gudaha Hindiya ka diwaan geliyay 33,977 kiis sannadkii 2018 - taasi waxay ka dhigan tahay in 15-kii daqiiqaba uu kufsi dhaco. Balse dadka u dooda arrimahan ayaa sheegaya in tirada saxda ah ay aad u badan tahay, maaddaama aanan kiisas badan la diwaan gelin.

Xigashada Sawirka, BBC/Nikita Deshpande
Tara waxay dooneysay in ay wax badan ka ogaato kuwa wax kufsada ee aan weligood la dacweyn amaba la xukumin. Waxay la kulantay illaa sagaal nin oo dalkaas ku nool, kuwaas oo dhammaantood lagu eedeeyay kufsi, weligood booliiska si rasmi ah uma baarin.
Waxay u lebisatay si hagaagsan iyadoo xiratay dhar dhaqameedka kurta (tunic) iyo jeemis.
Tara waxaa raaci jiray qof turjumaan ah oo ay ku sheegto inuu yahay waardiye. Waxay iska dhigtaa inay tahay qof aan degganeyn Hindiya oo ka yimid Australia isla markaana ay baaritaan ku saabsan nolosha caadiga ah ee ragga ka sameyneyso filim.
"Su'aalaha 250-ka ah ee aan weydiiyay iyo wxayaabihii aan baarayay way ka wada sinnaayeen dhammaan ragga, balse weligey uma sheegin inaan baaritaan ku sameynayo maaddaama la sheegay in ay kufsi geysteen," ayay tiri.
Tara way isku diyaarisay xaalad walba oo qabsan karta. Balse ma fileyn wixii ay kala kulantay saddex ka mid ah raggii ay wareysaneysay.
Mid ka mid ah raggii ay wareysaneysay oo hablo badan oo xaafaddiisa deggan kufsi kula kacay, ayaa markii ay wareysaneysay bilaabay inuu iyada jirkeeda taabto.
"Intii la xiri lahaa, bulshada ayuu ku dhex jiraa, waxaa taas dheer inuu bilaabay inuu aniga jirkeyga taabto."
Dhacdooyinkaas ayaa saameyn ku yeeshay caafimaadka maskaxdeeda.
"Markii aan wareysiyadaas soo qaaday, waxaan xaqiiqsaday in aan ka qaaday tiiraanyo," ayay tiri.

Xigashada Sawirka, BBC/Nikita Deshpande
Si ka duwan sidaas, Dr Madumita Pandey, oo cilmiga dembiyada ka dhigta Jaamacadda Sheffield Hallam, ayaa go'aansatay in ay baaritaankeeda diiradda ku saarto dembiilayaasha kufsiyada geysta.
Waxay howsha bilowday wax yar ka dib kiiskii kufsiga ee sannadkii 2012.
Dr Madhumita waxay wareysatay in ka bada 100 nin oo kufsi loo heystay kuwaas oo ku jiray xabsiga Tihar ee Delhi, oo ah xabsiga ugu weyn Koofurta Aasiya.

Xigashada Sawirka, BBC/Nikita Deshpande
Si gaar ah waxaa aad u soo jiidatay sheekada gabar shan sano jir ah oo kufsi ka badbaadday, waxayna go'aansatya inay la kulanto qoyskeeda.
"Markii uu maqlay in gabadhiisa la kufsaday, aabbaha dhalay gabadha waxaa ku dhacay xanuun maskaxiyan ah, qoyskiisiina wuu ka tegay," ayuu yiri Dr Madhumita.
"Hooyada ayay ahayd qofka booliiska u tegay ee dacwadda ka gudbiyay, iyadoo aan rajo badan ka qabin caddaaladda."
Dr Madhumita ayaa dooneysay in ay fahanto waxa ay raggan ka damacasan yihiin haweenka. Waxay sheegtay in inkastoo sababaha iyo qaabka ay dembiyada u dhaceen ay kala duwan tahay, haddana ay dhammaan ragga ay wareysatay ka sinnaayeen fekerka ay bulshadu ka aaminsan yihiin ragga.

Xigashada Sawirka, BBC/Nikita Deshpande
Sidaas darteed maxay raggu wax u kufsadaan?
"Ma jirto hal jawaab maaddaama kufsigu yahay arrin cakiran," ayay tiri Dr Madhumita.
Balse waxay carrabka ku adkeysay in raggan ay noqon karaan qof walba; sida asxaabta kula shaqeeya, saaxiibbada kuugu dhow, kuwaad isla sheekeysan kartaan, kuwa aad iskuulka isla dhigataan, ama macallimiinta jaamacadda.
Dr Madhumita ayaa hadda ka shaqeyneysa barnaamij dhaqnacelin ah oo gacan ka geysanaya in lagu beddelo fekerka laga aaminsan yahay ragga wax kufsada.
"Waxaan jeclaan lahaa in banaamij dhaqancelinta ah laga hirgeliyo Hindiya oo laga wacyigeliyo kufsiga iyo dhaqamada lagula kaco ahweenka."
"Taasi waa waxa aan mar walba ka fekero. Rajo weyn ayayna i siineysaa."















