Wax ka ogow shanta qof ee madaxweyne Muuse Biixi ku wehlisa wada hadalada Soomaaliya
- Author, Sidiiq Burmad
- Role, Weriye, BBC Somali

Waxaa magaalada Jabuuti ka bilowday kulankii ugu horreeyay ee wada hadal ee dhexmara madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Kulankan waxaa martigelinaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo gogosha u dhigay labada dhinac, oo ay horey u dhexmareen wada hadalo aan miro dhal noqon.
Madaxweynaha Somaliland waxaa kulanka ku wehliya shan qof oo isugu jira wasiiro aan dhicin iyo kuwo ku cusub siyaasada, iyo ergayga gaarka ah ee wada hadaladda. Hadda wax ka ogow shanta qofka ee madaxweyne Biixi ku wehliya madasha wada hadalka.
Sacad Cali Shire, wasiirka aan dhicin ee Kulmiye

Xigashada Sawirka, Madaxtooyadda Somaliland/ Facebook
Waa wasiirka ugu mudada xilheynta dheer ee dowladda Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Waxa uu ahaa wasiir aan dhicin saddex iyo toban sano oo xiriir ah, isaga oo markii ugu horreysay kasoo muuqday xukuumaddii madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ sanadkii 2010kii.
Waxa uu shan sano oo xiriir ah uu ahaa wasiirkii qorsheynta ee xukuumaddii ugu horreysay ee Siilaanyo.
Sacad Shire oo kasoo jeeda gobolka Saaxil waxa uu noqday 2015kii Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, xilkaas oo uu kaga wareegay wasiirka Maaliyadda 2018dii oo uu ilaa hadda ku magacaaban yahay.
Dr sacad Waxa uu qayb ka ahaa masuuliyiintii illaa bilowgiiba ku matalayay Somaliland wada hadalada ay Soomaaliya la yeesheen, maaddaama uu ahaa wasiirka arrimaha dibada markii ay wada hadaladu bilaabmeen 2012kii.
Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland

Xigashada Sawirka, Xisbiga Kulmiye
Maxamed Kaahin Axmed waxaa lagu tiriyaa in uu yahay wasiirka ugu awoodda badan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo hayay xilka wasiirka arrimaha gudaha ilaa maalinkii lasoo dhisay xukuumaddan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kaahin oo kasoo jeedaa gobolka Togdheer waxa uu ka mid ahaa saddexdii sarkaal ee ugu horreeyay ee lagu aas-aasano jabhada Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM).
Isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ahaayeen saaxiibo ilaa xilligii jabhadda oo ay dagaalka kula jireen dowladdii askarta ee Maxamed Siyaad Barre.
Biixi oo ah Kabtan ka tirsanaan jiray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaa lagu soo tababaray dalka Ruushka.
Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha iyo hoggaamiyeyaasha ciidan ee ugu saameynta weynaa SNM, isaga oo sidoo kale noqday wasiir dowladdii ugu horreysay ee Somaliland ee madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Tuur.
Mardambe ayuu iska casilay xilkaas. Waa nin ay madaxweynaha saaxiib soo ahaayeen illaa xilligii ay jabhadda SNM ka wada tirsanaayeen.
Waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Siilaanyo la dhisay xisbiga Kulmiye, oo uu hadda ka yahay guddoomiye, xilkaas oo albaabka u furaya in uu noqdo murashaxa madaxweyne xisbiga kadib marka uu xukunka wareejiyo madaxweyne Muuse Biixi.
Edna Aadan Ismaaciil, xagjir ku adag gooni-goosadka Somaliland ahna ergayga wada hadalada

Xigashada Sawirka, 2023 Templeton Prize
Edna Aadan Ismaaciil waa mid ka mid ah tiirarka ugu adag ee gooni-u-goosadnimada Somaliland, iyada oo aad ugu dooda in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah.
Waa gabadhii ugu horreysay, uguna dambeysay, ilaa iyo hadda, ee wasiir arrimo dibedeed ka noqotay Somaliland xilligii uu talada hayay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Edna oo ah dhakhtarad umulisonimo, waxa ay Hargeysa ka hirgelisay isbitaal iyo jaamacad caafimaadka lagu barto.
Arday tiro badan oo maanta qaarkood yihiin kalkaaliyayaal caafimaad, kuwa yihiin dhakhaatiir ka hawlgala gobolada Somaliland ayaa kasoo aflaxay jaamacaddaas ay dhistay.
Dunida aad baa looga jecel yahay, oo waxay guratay bilado caalami ah. Edna oo ah xaaskii Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo markii dambe noqday madaxweynihii labaad ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay Somaliland uga dhigan tahay astaan halyeynimo.
Dr Edna waxa ay billad-sharafeedyo badan, xilliyo kala duwan ka heshay madaxwenayaal dalalka caalamka ah, haayado, iyo ururo caalimi ah oo ku maamuusay doorka ay ka qaadato arrimaha caafimaadka iyo haweenka.
Axmed Aadan Axmed 'Dr Buuxane', wasiir kasoo jeeda Awdal

Xigashada Sawirka, Madaxtooyadda Somaliland/ Facebook
Waa dhakhtar caafimaad oo ka howlgeli jiray degmada Boorame, ee caasimada u ah gobolka Awdal.
Waa uu ku cusub yahay siyaasada Somaliland, oo bil kahor ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska.
Waxase uu se sannad kasii horreeyay ahaa wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland.
Siyaasadda ka hor, dhakhtar Buuxane waxa uu ka mid ahaa bahda caafimaadka, waana mid ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland laga yaqaano.
Axmed Maxamed Diirye 'Toorno', Wasiirka Qorsheynta Qaranka

Xigashada Sawirka, Madaxtooyadda Somaliland/ Facebook
Axmed Toorno oo ah wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka waxa xilkan loo magacaabay bil kahor.
Waxa se uu ahaa dhowr sanno oo ka horreeyay wasiirka Wasaaradda waxbarashada.
Wasiir Toorno waxa uu kasoo jeedaa koonfurta iyo hawdka Somaliland.














