Ninka bilyaneerka ah ee lacagtiisa oo dhan bixiyay

Xigashada Sawirka, Noah Berger
Inteenna badan, in bilyaneer la noqdo waxay noo tahay ujeeddada ugu weyn ee uu qof gaadhi karo - waana riyo badanaa aan suuragal ahayn oo uu ruux walba leeyahay.
Chuck Feeney wuu lahaa riyadaas, laakiin ujeeddadiisu kuma aysan ekeyn inuu bilyaneer noqdo kaliya - maya, yool kale ayuu sameystay.
Hammigaasina waa in lacagta uu heystay oo dhan uu wada bixiyo inta uu wali nool yahay.
Ganacsadahan 89 jirka ah ee u dhashay dalka Mareykanka waxaa hadda u suuragalay yoolkaas, wuxuuna caalamka u kala qeybiyay inta badan lacagtiisii oo ahayd $9 bilyan oo doolar.

Hay'addiisa samafalka ah ee "Atlantic Philanthropies" ayuu Mr Feeney, oo ay walaidiintiisa kala ahaayeen Mareykan iyo Irish, ku bixiyay lacag dhan $570 milyan (£447m) oo loogu talagalay in wax looga qabto cudurka dhimirka ee muddada 40-ka sano ah kasoo jiray dalka Waqooyiga Ireland.
Waa kuma Chuck Feeney?
Charles F Feeney wuxuu ku dhashay magaalada Elizabeth, ee gobolka New Jersey, Mareykanka, sanadkii 1931-kii. Xilligii uu dhalanayay waxaa socday saameyn badan oo dadka kasoo gaadheysay xanuunnada walwalba ka imaada.
Hooyadiis waxay kalkaaliso ka ahayd isbitaal, aabbihiisna wuxuu ka shaqeynayay shirkad ceymis ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ninkan fikradda ganacsi la yimid wuxuu hantida canshuurta laga bixiyay ka iibin jiray dadka dhaqaalaha badan heysta ee u kala safra caalamka.
Conor O'Clery, oo wax ka qoray taariikh nololeedka Mr Feeney, ayaa yidhi: "Wuxuu aqristay, aadna uu u jecleystay qormadii caanka ahayd ee uu sameeyay Carnegie, taasoo ku saabsaneyd in qofka hantida leh haddii uu geeriyoodo hantidiisa oo wali u taalla uu dullinimo ku dhimanayo."
Sanadkii 1982-kii ayuu aasaasay hay'addiisa samafalka ah ee "Atlantic Philanthropies", taasoo ah hay'ad caalami ah oo lacago ugu deeqda ololeyaal kala duwan oo ka socda caalamka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxyaabaha ugu badan ee ay hay'addan dhaqaalaheeda ku taageerto waxaa ka mid ah caafimaadka, waxbarashada, dib u heshiisiinta iyo xuquuqda aadanaha.
15-kii sano ee ugu horreysay howlihiisa samafalka, Mr Feeney wuxuu dooqda u bixin jiray si qarsoodi ah, taasoo uu ku kasbaday magaca James Bond-ka deeqda bixiya. Wuxuu howshiisa qarsoodinimada ka saaray sanadkii 1997-kii.
Sida uu sheegay Mr O'Clery, shantiisa carruurta ah (oo kala ah 4 gabdhood iyo 1 wiil) waxaa hanti badan uga tagtay hooyadood, oo ahayd xaaskiisii ugu horreysay.

Xigashada Sawirka, Rowandale IPS
Hadda wuxuu isagu ku nool yahay guri 2 qol iyo fadhi ah oo ku yaalla magaalada San Francisco, halkaasoo ay la daggan tahay xaaskiisa Helga.
Wuxuu safarro aad u badan u galay inuu lacagtiisa deeq ahaan u bixiyo.
Hantidiisa inteeda badan wuxuu Mr Feeney ku bixiyay howlaha la xidhiidha cilmi baadhista caafimaadka iyo tijaabooyinka dawooyinka.
Howlaha kale ee ugu waawey ee uu Waqooyiga Ireland ka qabtay waxaa ka mid ah waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta, dib u heshiisiinta bulshooyinka iyo dhisidda nabadda.

Xigashada Sawirka, Noah Berger
Christopher Oechsli, oo ah madaxa hay'adda "Atlantic Philanthropies", ayaa sheegay inay "sharaf weyn" u tahay dhaqaalaha ay ku taageereen mashaariic badan oo laga fuliyay Waqooyiga Ireland, tan iyo markii ay howlahooda billaabeen sanadkii 1991-kii.
"Qalbiga ayaa ku dhaqaaqaya marka aad aragto horumarka ay sameynayaan mashaariicda lagu dhisay dhaqaalaha hay'adda Atlantic, waxayna wali sii shaqeynayaan xilliyadan adag," ayuu yidhi.
"Taasi waa dhaxalka uu ka tagay."
Sida uu sheegay Conor O'Clery, oo qora taariikhaha dadka wax ku oolka ah, Chuck Feeney hadda aad ayuu u faraxsan yahay, maadaama uu soo afjaray howlgalkiisii socday ku dhawaad 40-ka sano, wuxuuna la dabaal dagayaa xaaskiisa Helaga.










