Bilyaneer labo jeer u tartamay madaxwaynanimada Mareykanka oo geeriyooday

Ross Perot,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ross Perot,

Ross Perot,oo ah bilyaneer u dhashay dalka Mareykanka ayaa geeriyooday,sida ay sheegeen qoyskiisa.

Waxa ay da'diisu ahayd 89 jir waxa uuna labo jeer u tartamay xilka madaxwaynanimada Mareykanka isaga oo ah musharax madaxbanaan.

Bilyaneerkan ayaa asaasay shirkad dhanka qalabak electaroonig ah sanadkii 1962 .

Balse waxaa si wayn loogu xasuustaa ololihii dorashadii 1992,isaga u ololeynayay kuna baaqayay miisaaniyad isu dheelitiran iyo in shaqaalaha aan dibadda laga keensan.

Bill Clinton oo ka socday xisbiga Dimuqraadiga ayaa tartankaas ku guulaystay iyada oo Mr Perot uu helay 19% codadkii la dhiibtay.

Mr Perot ayaa mar kale xilka madaxwaynanimada u tartamay 1996, ka dib markii uu asaasay xisbiga after Reform Party.