Ogoow 10ka wadan ee leh miisaaniyada ugu badan Afrika sanadka 2025

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta oo ay bishu tahay June 12,2025 waa maalin qiimo weyn u leh wadamada Bariga Afrika. Tansaaniya, Rwanda, Kenya, iyo Uganda ayaa soo bandhigaya oo ansixinaya miisaaniyaddooda qaran, iyaga oo qeexaya mudnaanta dhaqaale iyo qorshayaasha horumarineed.
Miisanaayidda 2025/2026 ee Kenya ayaa laga yaabaa inay ka badan tahay Uganda iyo Tanzania marka la isku daro. Wadamadan ayaa qorshaynaya in ay kordhiyaan kharashaadkooda ilaa 5 bilyan oo dollar muddo 12 bilood gudahood ah laga gaarayo June 2026, marka loo eego sanadkii hore.
Miisaaniyadda Uganda ayaa u muuqata mid si weyn diiradda loogu saaray arrimaha doorashada, iyadoo qarash badan lagu bixinayo ammaanka iyo maamulka, taasoo ka tarjumaysa mudnaanta kala duwan ee qaranka.
Miisaaniyadda Tansaaniya lafteedu may la iman mashaariic waaweyn, waxay ku diiradda saaraysaa inay horumariso mashaariic istiraatijiyadeed oo waaweyn oo socda, oo ay ku jiraan dhismaha jidka tareenka casriga ah ee SGR iyo kaabayaasha waddooyinka, oo ay ku jirto xawaaraha sare ee ay ku socoto magaalada Dar es Salaam.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa maxay aragtida miisaaniyadeed ee dalalka kale ee Afrika?
Qoondaynta Miisaaniyadda 2025-ka waxay muujinaysaa maalgashi la taaban karo oo lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo isbeddelka dhaqaale ee qaaradda oo dhan.
Kuwani waa 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh miisaaniyada qaran ee ugu badan, 2025.
1. South Africa - $141.4 billion
Koonfur Afrika ayaa hogaaminaysa miisaaniyada ugu badan ee Afrika sanadka 2025, iyada oo loo qoondeeyay lacag dhan $141.4 bilyan. Miisaaniyadda dalku waxa ay mudnaan siisaa kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
2. Algeria - $126 billion
Algeria waxay si dhow ula socotaa qoondaynta miisaaniyad dhan $126 bilyan, taasoo ka tarjumaysa maalgashi la taaban karo oo lagu sameeyo qaybaha tamarta iyo difaaca.
3. Egypt - $91 billion
Masar waxa ay ku jirtaa kaalinta saddexaad iyada oo haysata $91 bilyan, taas oo loo adeegsanayo xagga waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha bulshada.
4. Morocco - $73 Billion
Marooko ayaa sidoo kale si muuqata uga soo muuqanaysa liiskan, iyada oo leh miisaaniyad qaran oo dhan $73 bilyan.
5. Angola - $37.847 billion
Angola waxa ay ku jirtaa kaalinta shanaad iyada oo leh miisaaniyad dhan $37.847 bilyan, taas oo inta badan ay ku darsatay dakhliga ka soo gala saliidda.
6. Nigeria - $36.7 billion
Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, ayaa leh miisaaniyad dhan $36.7 bilyan, taasoo loogu talagalay in wax looga beddelo dhaqaalaha iyo kaabayaasha.
7. Kenya - $32.65 billion
Kenya waxa leedahay miisaaniyad dhan $32.65 bilyan, iyada oo mudnaanta siinaysa waxbarashada, caafimaadka, iyo kobaca dhaqaalaha. Sida la xusay, miisaaniyadani waxay aad uga badan tahay tan ay dariska yihiin ee Bariga Afrika, Uganda iyo Tanzania.
8. Libya - $26 billion
Liibiya, in kasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed, haddana waxay sii wadaa inay ilaaliso miisaaniyad dhan $26 bilyan.
9. Ivory Coast - $25.22 billion
10. Tunisia - $25.16 billion
Miisaaniyadaha qaranka ee 2025-ka waxay hoosta ka xariiqayaan sida ay Afrika uga go'an tahay kobaca dhaqaalaha, ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada. Sida dalalku ay ula halgamayaan caqabadaha sida sicir-bararka, maaraynta deynta, iyo xasilloonida siyaasadeed, qoondayntan miisaaniyadeed waxay noqon doontaa qalab lagu qaabeeyo muuqaalka dhaqaale ee mustaqbalka ee qaaradda.
Liiskaan ayaan ka soo xiganay Business Insider Africa.













