Maxay tahay sababta Maraykanku muwaadiintiisa ugala baxayo Ciraaq xili xiisadda Iraan cirka isku shareertay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ee ku sugan Baqdaad ayaa lagu wargeliyay in laga rarayo dalka Ciraaq sababo la xidhiidha khataraha amni ee isa soo taraya, sida ay sheegeen ilo dowladda Mareykanka ka tirsan.
Mas'uuliyiintu ma sheegin si sax ah waxa sababay tallaabadan, balse Arbacadii, warbaahinta CBS oo bahwadaag la'ah BBC-da ayaa sheegtay in saraakiil Mareykan ah lagu wargeliyay in Israa'iil ay diyaar u tahay in ay weerar ku qaaddo Iran, iyadoo la soo xiganayo mas'uuliyiin arrintaas xog ogaal u ah.
Saraakiishu waxay sheegeen in tani ay qayb ka tahay sababaha Mareykanku uga digay qaar ka mid ah muwaadiniintiisa in ay ka baxaan gobolka, iyagoo intaas ku daray in Mareykanku filayo in Iran ay uga aargoosan karto goobo gaar ah oo Mareykanku ku leeyahay gudaha Ciraaq.
Arrintan waxay imaaneysaa xilli wadahadalladii Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ay u muuqdaan kuwa istaagay. Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa weli qorsheynaya inuu la kulmo mas'uuliyiin Iraniyiin ah Axadda, si loogu guda galo wareegga lixaad ee wadahadallada, sida ay CBS u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.
Mas'uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa BBC u sheegay: "Waxaan si joogto ah u qiimeynaa tirada shaqaalaha ku habboon ee safaarad kasta."
"Iyada oo ku saleysan falanqeynteena ugu dambeysay, waxaan go'aansanay inaan yarayno raadadka howlgalkeenna Ciraaq."
Madaxweyne Trump oo Arbacadii ka hadlayay Xarunta Kennedy ayaa sheegay in muwaadiniinta Mareykanka loogu baaqay in ay ka baxaan gobolka "maadaama uu noqon karo meel khatar ah, waxaana eegaynaa wixii dhaca."
Trump wuxuu sidoo kale mar kale caddeeyay in Mareykanku uusan doonayn in Iran ay sameysato hub nukliyeer ah: "Ma ogolaan doonno arrintaas."
Madaxweynaha ayaa rejaynayay inuu la gaaro heshiis xukuumadda Tehraan kaas oo joojinaya horumarinta hubka nukliyeerka.
Trump wuxuu Arbacadii sheegay in kalsoonidiisii ku aaddan in Iran ay joojinayso horumarinta uranium-ta ay yaraynayso.
Toddobaadkan horraantiisii, Trump wuxuu sidoo kale la yeeshay wicitaan 40-daqiiqo socday oo la sheegay inuu ahaa mid "kacsan" uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Israa'iil, oo muddo dheer aaminsanaa in la adeegsado awood ciidan halkii laga geli lahaa wada-hadal diblumaasiyadeed.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo wadahadallada nukliyeerka ay marayaan marxalad xasaasi ah, weli ma cadda in bayaanka Mareykanka uu yahay fariin muujin siyaasadeed ah ama walaac dhab ah oo amni.
Laakiin Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh, ayaa sheegay in dalkiisu uu aargudan doono hadii Mareykanku weerarro ciidan ku qaado Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, gaar ahaan haddii wadahadalladu fashilmaan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sidoo kale oggolaaday in si iskood ay uga bixi karaan dalalka Bariga Dhexe qoysaska ciidamada Mareykanka, kuwaasoo ku sugan dalal ay ka mid yihiin Kuwait iyo Baxrayn.
Isagoo hortagayay guddi ka tirsan Kongareeska Arbacadii, wasaaradda difaaca Mareykanka (Pentagon) waxay sheegtay in ay jiraan "tilmaamo badan" oo muujinaya in Iran ay "u dhaqaaqday wax muuqda wadadii hubka nukliyeerka".
Iran waxay sheegtay in barnaamijkeeda korontada ku saleysan ee uranium-ka la nadiifinayo uu yahay mid loogu talagalay tamarta rayidka, isla markaana aysan doonaynin in ay samaysato bam atomik ah.
Sidoo kale Arbacadii, ururka UK Maritime Trade Operations — oo qeyb ka ah ciidamada badda Britain (Royal Navy) — ayaa soo saaray digniin ah in kororka xiisadaha milatari ee Bariga Dhexe ay saameyn karaan maraakiibta ganacsiga ee gobolka.
Qiimaha shidaalka ayaa markiiba kor u kacay in ka badan 4% markii la shaaciyay wararka ku saabsan daadgureynta Mareykanka, taasoo loo arkay in ay horseedi karto qalalaase amni oo keena dhibaatooyin dhanka sahayda ah.
Qiyaastii 2,500 askari oo Mareykan ah ayaa hadda ku sugan gudaha Ciraaq, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Mareykanka.













