"Waxay i kufsadeen siddeed jeer muddo toddoba saacadood ah, waxay ahaayeen ilaa konton qof"

Haweenkan ayaa sidoo kale BBC Pidgin u sheegay in ay xanuun dareemayaan oo ay si wanaagsan u socon waayeen
Qoraalka sawirka, Haweenkan ayaa sidoo kale BBC Pidgin u sheegay in ay xanuun dareemayaan oo ay si wanaagsan u socon waayeen

Xoola-dhaqato ayaa deegaanka kusoo duulay, markii hore waxay qabteen qaar naga mid ah oo ay ku jiraan haween, waxayna nagu hayeen meelo kala duwan, ka hor intaysan weerar ku qaadin oo aysan toogasho ku dileen raggii aan nasiibka u yeelan inay badbaadaan.

Tani waa sheekada mid ka mid ah dad ka badbaaday oo ka tirsan bulshada, Edikwu Ankpali, oo ka soo jeeda deegaanka Apa, ee gobolka Benue, Nigeria, halkaas oo dadka la rumeysan yahay inay xoolo-dhaqato ah looga shakisan yahay inay gaysteen xadgudubyada.

Eedeysanayaasha ayaa soo weeraray bulshada intii u dhaxeysay Axadii, 1-da June iyo Isniinta, June 2. Dhowr qof ayaa la dilay, hadda, waxaana hadda soo baxaya sheekooyin ku saabsan dumar sheegaya in la kufsaday. In ka badan toban haween ah oo bulshada ka tirsan ayaa la sheegay in la kufsaday, kuwaas oo qaarkood weli ku jir isbitaalka.

Dumarku waxay ka sheekeeyeen xanuunka niyadeed iyo midka jidheed ee ay kala kulmeen kooxdii weerarka soo qaadday. Mid ka mid ah dhibbanayaasha ayaa BBC Pidgin u sheegay in siddeed jeer la kufsaday toddoba saacadood gudahood. Waxa ay sheegtay in kadib markii ay bilaabeen in ay weeraraan qaar ka mid ah raggaasi ay bilaabeen in ay kufsi wadareed u geystaan haweenka.

"Way i kufsadeen siddeed jeer ka hor waaberiga, qaarna toban jeer. Ilaa konton qof ayay ahaayen," ayay tiri.

Hoggaamiyaha dhalinyarada Odogbo Ngbede ayaa sidoo kale u sheegay BBC Pidgin , "ma garanayno halka ay xaasaskeennu ku sugan yihiin," sababtoo ah qaar ka mid ah haweenka ayaa weli maqan.

Dhibane kale ayaa sheegtay in ay la joogtay aabaheed oo da' ah oo buka ka hor inta aysan imaan. "Waxay dileen aabahay, ka dibna way i kaxeysteen, waxayna i geeyeen meel ay igu kufsadeen," ayay haweenaydii si murugo leh u tiri.

Haweenkan ayaa sidoo kale BBC Pidgin u sheegay in ay xanuun dareemayaan oo ay si wanaagsan u socon waayeen dhowr maalmood. Dadka la kufsaday ayaa da'dooda lagu sheegay 35 ilaa 60 sano jir.

"Waxaan waayay lix xubnood oo qoyskayga ka mid ahaa"

Marwo Sarah (magaceeda dhabta ah ma aha) oo ka carartay tuulada oo aaddat xarunta dawladda hoose, waxay u sheegtay BBC Pidgin in dad la tuhunsan yahay inay yihiin xoolo-dhaqato ay iyada iyo dad kale oo cararaya kasoo eryeen tuulada.

Waxay sheegtay in aabbaheed oo waayeel ahaa iyo qaar kale oo ka mid ahaa ehelkeedii la dilay, ilaa haddana aan la helin maydkooda. Waxay intaas ku dartay in haddii ay noolaan lahaayeen, ay iyaguna magangal u carari lahaayeen.

" Dhamaan qoyskeygii waa la dilay, dib-na uguma laabanayo tuuladii aan ka imid ilaa dowladda ay wax ka qabato. Haddii nabad aysan kusoo noqon tuuladayda, mar dambe kuma laabanayo," ayay tiri.

"Gaajo ayaa na dishay, ma beeri karno wax danbe,. Ka hor intii aanan ka soo cararin, waxay dileen 29 qof," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in nolosheeda ay ku badbaaday kaliya awoodda Eebbe.

Mid ka mid ah dhibanayaasha ku dhaawacmay weerarka
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah dhibanayaasha ku dhaawacmay weerarka

"Waxaan wajahnaa caqabado culus"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guddoomiyaha Gobolka Benue, Hyacinth Alia, oo wareysi uu siiyey Warbaahin maxalli ah , ayaa sheegay inuusan mar dambe u arki doonin weerarrada dhacaya inay yihiin isku dhacyo u dhexeeya beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada.

Wuxuu sheegay in dad xiriir la leh argagixiso ay yihiin kuwa weerarradan ka dambeya, kuwaas oo uu sheegay in dagaalkoodu uu yahay kku dhufoo ka dhaqaaq.

"Sida weerarradani u dhacayaan iyo xogta aan helayno, waa qorshe toos ah oo si qotodheer loo diyaariyey, wayna fuliyaan. Maalin kasta xog noocaas ah ayaan heleynaa. Maalmahan dambe, xogta aan helayno boqolkiiba 60 ilaa 65 waa mid sax ah," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray:

"Markaad fahamto waxa socda, arrintu waxay isu beddeshay muran qowmiyadeed oo u dhexeeya xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda gobolka. Waa arrin la hagayo, la qorsheeyey, waana la fulinayaa – waa argagixisanimo."

"Sababo jira awgood, lama qaban karo kooxahaan. Waxay yimaadaan habeenkii, weerar bay fuliyaan wayna baxsadaan, cidna wax raad ah kama aragto. Marka, waxa na laynaya waa argagixiso," ayuu yiri.

In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay weerarka dhacay, waxaana wali la la'yahay dad kale oo aan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.